maddaraq
Bir xoogan oo leh af ballaaran iyo mid dhuuban iyo daab dheer oo meelaha adag lagu qodo; garweyn. ld maddarab.
maddaroorshe
Qalabka wax lagu dhiso nooc ka mid ah oo aanbiyaha sii dayn.
maddiibad
/dh (-dyo, m.dh/-do, m.l) Baaquli; daafiri.
maddiiddaa
Caws dhaadheer oo adag oo lo'du daaqdo, kana baxa meelaha biya mareennada ah.
maddiiddee
Haweeney maddiiddo ku akhrin.
maddiiddeysan
Wax maddiiddo lagu akhriyey ahaansho (haweeney).
maddiiddeysnaan
ld maddiiddeysnaansho.
maddiiddeysnaansho
/dh ld maddiiddeysnaan.
maddiiddo
Wax laguakhriyo haweeney la rabo in nin la oggoleysiiyo.
maddo
1. Ceelka bartankiisa, meesha ilaha biyuhu isugu yimaadaan. 2. Meesha wax walba u ah bartamaha. 3. Ceelasha aan biyahoodu go'in.
maddooyaa
Geed-naagaar, dhirta dawada ka mid ah, leh ur silloon iyo caleemo yaryar oo xooluhu daaqaan.
maddooyamaddooyo
Nooc ka mid ah cayaaraha carruurtu dheesha oo qori inta la tuuro iyadoo iska dhowraysa in la taabto. ld maddooyo.
maddooye
Nacas; dabbaal; caaq.
maddooyeysasho
ld maddooyeysi.
maddooyeyso
Maddooyamaddooyo ciyaarid.
madduul
Madow uu qaacu ku reebo meelaha uu saameeyo. ld maduul.
madfac
Qalab hubka waaweyn oo lagu dagaallamo ka mid ah, ka samaysan birlab ama macdan kale oo adag, lehna dhuun dheer oo ay ka ridmaan jaliilado qarxada oo wax guba waxna burburiya.
madhaafaan
1. Heerka wax ugu sarreeya oo ayan moodi karin. 2. Wax qiimo iyo qaayo badan leh. 3. Arrin iwm oo xallinteedu qasabtahay.
madhale
Nin aan naag rimin karin. ld madhaleys¹.
madhalennimo
Awoodid la'aan ilmo dhalidda oo ka timaadda ama bacrin la'an ama qof dhali karey oo qalliin lagu sameeyey oo si ula kac ah ama aan ula kac ahayn wax u gaareen mid ka tirsan xubnaha taranka. ld madhaleysnimo.
madhan
Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
madhasho
Naag aan rimi karin. ld madhaleys².
madhintannimo
Madhinte ahaansho.
madhinte
1. (dii.) Eebbe, Ilaah. 2. (dii.) Aan dhiman.
madhoodhee
Wax tiradooda ama tayadooda buunbuunin.
madhoodho
1. Buunbuuninta wax tiradooda ama tayadooda la buunbuuniyo. 2. Wax aan faa'iido lahayn.
madhxin
Summad C. Astaanta keydinta saldanabka ee ay gudbiye ama urur gudbiyeyaal iyo ma-gudbiye leeyihiin. Madhxinta madhxiye waa saami saldanabka Q ee hal gudbiye iyo keyd faraqa u dhexeeya labada gudbiye. Halbeegga madhxintu waa farad. C = Q/V.
madhxiye
(fiis.) Ratibaad laba gudbiye oo uu ma-gudbiye u dhexeeyo, leh awoodda kaydinta saldanabka. Madhxinta madhxiyuhu waxa ay ku xirantahay xajmiga, qaabka iyo habka ratibaadda gudbiyeyaasha.
madi
Nin aan lahayn walaalo rag ah.
madid
ld medid.
madiidimi
/mg2 (-iyay, -isay) ld midiidimi.
madiix
1. (dii.) Gabay ama hees cid aad loogu ammaano. 2. Cod wanaagsan oo dheguhu jecleystaan.
madkee
1. Madag bixin. 2. Isku m.: qof isku dhejin.
madkeyn
ld madkeys.
madkeysan
Qoryo, wax la madkeeyey noqosho.
madkoole
Geed laama dhuudhuuban leh oo madkaha laga goosto.
madli
1. Cid ballamin. 2. Arrin iwm fulinteeda dib u dhigid.
madluumi
Qof madluun ka dhigid.
madluumid
ld madluun¹ (3).
madluun
1. M. ah: qof niyad xun oo aan raalli ahayn. 2. Qof la dulmiyey. 3. ld madluumid.
madluunnimo
Madluun ahaansho.
madluunsan
Qof la madluumiyey ahaansho.
madluunsanaan
ld madluunsanaansho.
madluunsanaansho
/dh ld madluunsanaan.
madmad
1. Hilib qurmay oo googo'ay. 2. Hilib aad loo karshay, karshin. 3. Dhar aad u gaboobay oo marka la taabto dildilaaca.
madnaan
ld madnaansho, mednaan, mednaansho.
madnaansho
/dh ld madnaan.
madoobaad
Midab madow oo shay ama wax yeeshaan.
madoobaan
ld madoobaansho.
madoobaansho
/dh eeg madoobow. ld madoobaan.
madoobee
/mg2 (-beeyay, -beysay) 1. (f.g) Wax midab madow u yeelid. 2. (f.mg) Ka m.: cilmi, garaad iwm oo cid maskaxdeeda ku jira ka tirtirid.
madoobeysan
Wax midab madow loo yeelay ahaansho.
madoobeysnaan
ld madoobeysnaansho.
madoobeysnaansho
/dh ld madoobeysnaan.
madoobeyso
Wax midib madow u yeelasho.
madoobow
1. Wax midib madow leh noqosho. 2. Uurkutaallo darteed midab madow yeelasho.
madoorsoomaha-kala-furanka
Madoorsoomaha dheelitiran ee falgal noociisu yahay kala furanka.
madoorsoomayaal-fisikaad-ee-salka-ah
/dh (fiis.) Qiyaaso fisikaad oo aan isbeddelin meel kasta ama xilli kasta oo la joogo.
madoorsoome
1. (xis.) nambar aan isbeddelin. 2. (fiis.) xiriirka ka dhexeeya laba xaddi ama ka badan tiro go'an oo aan isbeddelin ka soo baxdo isu qaybintooda ama isku dhufashadooda (X=c=4=4x2) b 2 2x2.
madoorsoome-neef
(fiis.) Madoorsoomaha ku jira isle'egta neefta caalamiga ah (eeg heerarka neefta). Waxa uu leeyahay qiimaha 8.31434 JK -1 mol -1.
madow
1. Midibka dhuxusha. 2. Mugdi, gudcur. ld madoow¹.
madow-hadh
(c.fal.) Hadh dhexaadka dhan ee dhulka ama dayaxa ee madoobaada.
madrasad
1. Dhismo ardada cilmi lagu baro; dugsi. 2. Dugsi ay maaddooyinka lagu dhigto carabi ku baxaan. ld madraso.
mafafaay
Babbaay.
mafiiq
Xaaqin. ld minfiiq.
mag
Diyo.

