Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 17 of 36.
masaamixid
ld masaabax¹, masaabixid, masaamax¹.
masaar
Qalab ka kooban daab iyo bir af leh oo geedaha iwm lagu gooyo; godin.
masaargaab
M. ah: nin aan cilmi badan lahayn.
masaariif
Lacag joogto ah oo hal beri la biishado; biil. ld masruuf¹.
masaaxad
1. Masaaxo; bed. 2. Tirtire; goome.
masaaxo
(1).
masabbid
Ku nabidda cid fal aanay samayn dusha laga saaro.
masabbidan
Wax la masabbiday ahaansho (qof).
masabbidnaan
ld masabbidnaansho.
masabbidnaansho
/dh ld masabbidnaan.
masabbido
Cid fal aanay samayn ku nabid.
masacagaley
Masalugaley xammaarato weyn caws ku nool ah, oo socodka yaxaaska uga eg, oo leh maqaar adag, iyo afar addin oo aan nafleyda qaniin, sunna lahayn. ld mansacagaley, mansalugaley, mansalugooley.
masaf
Weel leh af ballaaran iyo dabo dhuuban oo daloosha oo hoorayaasha ku shuba weelasha afka dhuuban; dublad.
masafo
Nooc ka mid ah maansada oo wadaaddada khaas u ah.
masal
1. Tusaale. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: wax, wax kale kala mid ah xagga dhaqanka, jimirka, dhererka iwm. ld masil¹, matal¹, matil¹, mesel¹, metel¹.
masalaggaab
M. ah: nin aan cilmi badan lahayn.
masalan
fk. Tusaale ahaan, misaal ahaan. ld matalan.
masalid
ld masilid, matalid, matilid, meselid, metelid.
masallafsanaansho
/dh ld musallifsanaan.
masalle
Salli maqaar ka samaysan oo qaabab kala duwan leh.
masalo
1. Arrin la yaab leh. 2. Xisaab leh siin oo la raadinayo natiijadeedii iyadoo la adeegsanayo jidad iyo xeerar u gaar ah. 3. Su'aal cilmi kudhisan. ld mas'alo.
masar
1. Maro yar midabbo leh, jilicsan oo haweenku gambaystaan; fasaleeti. 2. Gabal maro ah, oo loogu talagalay dhididka, diifka iwm in la isaga tiro.
masarafad
Dhawraarin yar oo caws ka samaysan, oo cunnada gogosha laga xijiyo.
masawir
1. Aaladda wax sawirta. 2. Muuqaal ka taagan wax oo lagu daabacay warqad. loox, derbbi iwm iyada, oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 3. Shaxan, jaantus. ld taswiir.
masax
1. Maro, xaashi iwm wax ku tirtirid. 2. Ku m.:dufan, dhoobo iwm meel ku dhoobod. 3. Ku m.:wax si xoog ah wax kale ugu dhufasho.
masaxad
Maro, xaashi iwm oo wax lagu tirtiro; catir. ld masaxo¹.
masaxan
Wax la masaxay ahaansho (sabuurad, jir miis iwm).
masaxnaan
ld masaxnaansho.
masaxnaansho
/dh ld masaxnaan.
masaxo
Maro yar oo wax lagu tirtiro. ld masaxad.
masay
Cutub caws ah oo dusha looga maro geeddi (xarig yar), marka la samaynayo raar, raarkuna kuwaas oo badan uu ka koobmo.
masayr
1. Cuqdo qof qaado marka uu ogaado qof uu jeclaa inuu qof kale xiriir la leeyahay. 2. U quuriwaayidda qof kale oo wax uu haysto loo quuri wayo.
masayri
/mg2 (-iyay, -isay) M./ka m.: cid masayr ku beerid. ld masayrsii.
masayrin
ld masayrsiin.
masayrrey
Naag masayr badan.
masayrrow
Nin masayr badan.
masayrsan
Cid masayr hayo ahaansho.
masayrsanaan
ld masayrsanaansho.
masayrsanaansho
/dh 1. eeg masayrsanow. 2. ld masayrsanaan.
masayrsanow
Cid wax masayr hayo noqosho.
masayrsii
/mg2 (-iiyay, -iisay) ld masayri.
masayrtir
Hanti la siiyo naag masayrsan si loo raalliggeliyo.
mascaanood
Mas dheer oo midabkiisu casaan xigeenyahay oo aan dadka qaniinin.
mascadde
Nooc masaska ka mid ah oo midab cad leh.
masciideed
Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.
masdar
(nax.) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tus. “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. ld mesder.
masdarad
Qori xalleefsan oo qaybo isle'eg qaybsan, oo wax lagu cabbiro, ama xarriiqaha lagu sadriyo. ld masdaro, mastarad, mastaro.
mase
1. ld mise 1. Laba wax ama ka badan oo isku mid ah ama isu dhigma. 2. Sinnaan.
masgeesaale
Gungume.
mashaqaysan
Wax mashaqo hayso ahaansho.
mashaqaysnaan
ld mashaqaysnaansho.
mashaqaysnaansho
/dh ld mashaqaysnaan.
mashaqayste
Qof shaqa la'aanta jecel oo cajislow ah.
mashaqee
Wax mashaqo ku abuurid.
mashaqo
Dhibaato; shiddo; mixno; mushkulad.
mashaqow
Mashaqo haleelid.
masharaaf
Tuubbo dheer oo macdan ama balaastig ah, guryaha dushooda ka soo dejisa biyaha roobka oo keenta dhulka si aan biyuhu guriga wax u yeelin; maracaad; manjarrar. ld masharafad.
mashashuur
Is m.: xishood badan oo ismacnayni ku jirto yeelasho. ld mansahshuur².
mashashuurid
ld manshashuur¹, manshashuurid, mashashuur¹.
mashiin
1. Makiinad. 2. Motoor.
mashiingaan
Qori boobe ah oo cago leh oo xabbadihiisu silsilad dheer ku taxanyihiin. ld mashiiggaan, mishiggaan.
mashiiqsasho
ld mashiiqsi.
mashiiqso
1. Wax la calalinayo dheecan ka nuugid. 2. Ka m.: sanqar afeed diidmo ah oo yasidi ku dheehantahay muujin.
mashmash
1. Miro aad u bislaaday; dhuguc. 2. Nooc bur-saliidka ka mid ah oo macaan. 3. ld mashmashid.
mashmashid
ld mashmash¹ (3).
mashood
Roob aad u weyn.
mashquul
M. ah: hawllan oo aan faraaqo lahayn.
mashquuli
Ku m.: qof mashquul ka dhigid.
mashquulin
ld mashquulis.
mashquulsan
Wax la mashquuliyey ahaansho (qof).

