Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 33 of 36.
murbaxsanaansho
/dh ld mudbaxsanaan.
murbay
Koob aad u yar oo ka samaysan dhoob, dheg la qabsadana aan lahayn oo qaxwada lagu cabbo.
murcanyo
1. (bot.) Geed-nagaar caleemo yaryar oo cagaaran, leh miro gadguduudan oo afar-afar isugu dheggan lana cuno; miracas. 2. Miraha geedka murcanyada. ld mircanyo.
murcud
1. (bot.) Geed weyn oo qodax gaagaaban iyo caleemo yar-yar oo cagaaran leh, oo dhala miro kulkulucsan oo dhexda laf weyni uga jirto, dhadhan dhanaan ahna leh oo la cuno. 2. Miraha geedka murcudka. ld murcood.murmid
murdad
Dhacaan (geed) aad u kulul oo layskuna daaweeyo. ld murdud.
murdi
1. Badar bisil, subag, caano, malab iwm oo weel ku haray far ku tirid. 2. Cunto weel ka wada dhammayn. ld mudri.
murdin
ld mudrin, mudris, murdis.
murdiso
Farta gacanta oo suulka iyo fardhexaadda u dhexeysa, murugsato.
murdux
1. M. ah: qof aan dhar xirnayn. 2. M. ah: nafley dhogor ama baalal aan lahayn.
murduxan
Nefley wax murdux ah ahaansho.
murduxnaan
ld murduxnaansho
murduxnaansho
/dh ld murduxnaan.
murgacsanaansho
/dh ld murgucsanaan.
murgici
Xubnaha kalagoysyada lafaha dhaadheer kala maroojin jug ku gaarsiin.
murgucasho
ld murgacad, murgacasho, murgucad, murkucad.
murguco
1. Xubnaha kalagoysyada lafaha dhaadheer kala maroojin jug ku gaarsiin. 2. Ka m.: arrin sidii loo rabay ka marin habaabid. Tus. “Arrintii cali waa ka murgucatay”. ld murgaco, murkuco².
murgucsan
Qof wax murgucday ahaansho. ld murgacsan, murkucsan.
murgucsanaan
ld murgacsanaan, murgacsanaansho, murgucsanaansho.
murgucsanaansho
/dh ld murgucsanaan.
murgux
M. ah: wax adag, gaaban oo kor sulub ah leh oo faraha ka siibta.
murguxan
Wax murgux ah ahaansho.
murguxnaan
ld murguxnaansho.
murguxnaansho
/dh ld murguxnaan.
murguxsan
Wax kuusan oo gacanta ka sibiibixanaaya ahaansho.
murguxsanaan
ld murguxsanaansho.
murguxsanaansho
/dh ld murguxsanaan.
muri
Murud leefid.
muriid
Wadaadka kaniisada ingriiska oo loo xilsaaro in uu ilaaliyo tamiga iyo rabitaanka dadka.
murjaan
Geed weyn, laf adag oo qoryihiisa kaneecada iwm laga shito. ld murjeen.
murji
1. Xarig iwm si xun isugu marid. 2. Arrin iwm waxaan la xallin karin ka dhigid. 3. Cid murugo gelin. ld murgi.
murjin
ld murgin.
murjis
Waran yar oo af dhuuban leh.
murjuc
Ilmo yar oo markaas dhashay; muluq. ld murjuq, murjux.
murke
Weel yar oo xoolaha lagu maalo.
murkucsanaansho
/dh ld murgucsanaan.
murkud
Xabag aad u macaan oo uu dhalo geedka gubaalida ama xiiska.
murmi
Cid muran gelin.
murqaansanaansho
/dh ld marqaansanaan.
murray
Nooc ka mid ah kuusha dumarku qoorta ku xirtaan.
murre
Xabag aad u qaraar oo uu dhalo geedka dheddin oo daawo ahaan loo isticmaalo; malmal.
murriyad
Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. ld murriyo.
murso
Ka m.: caano, subag, malab iwm oo weel ku haray farta murugsatada ku tirsasho.
murtad
(dii.) Qof muslim ahaa oo diinta Islaamka ka baxay.
murtadnimo
Murtad ahaansho.
murti
Ulajeeddo kasmo, aqoon iyo waaya-aragnimo ku jirto oo hadalka, heesaha, gabayada iwm laga dhex helo; xigmad.
murtiyee
Hadal, hees, gabay iwm murti u yeelid.
murtiyeysan
Hadal, hees, gabay iwm wax murti loo yeelay ahaansho.
murtiyeysnaan
ld murtiyeysnaansho.
murtiyeysnaansho
/dh ld murtiyeysnaan.
murud
Caano, subag, malab iwm inta ku dhegta gidaarka ama salka weel. ld murug² (2), mudur.
murudsasho
ld mudursad, mudursasho, mudursi, murudsad, murugsad.
murudsato
Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. ld murugsato.
murudso
Subag, caano, malab iwm oo weel ku haray far ku leefid. ld mudurso, murugso.
murug
1. Cayayaan geedka digirta ka cuna caleenta. 2. Isku marmidda xarig, dun iwm ay isku milqaan.
murugee
Cid murugo gayeysiin.

