Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 11 of 36.
mallaay
Kalluun. ld mallay.
malleel
Aad u macaan.
malliiqo
Caw dermaha lagu sameeyo. ld maleeqo, manniiqo.
malloolli
Nafley lab ah oo xubinta taranka aysan shaqeynayn ama wax rimin karin.
malluug
Wax meel fog laga arko oo aan qaabkooda la sixi karin.
malmal
/dh 1. Geed quwaax dhala, xabag ur leh oo daawo loo isticmaalo. 2. Xabagta geedka malmalka.
malmalaaddo
Macmacaan laga sameeyo qudaar kala duwan siiba babbay, tufaax, cananaas iwm oo la cuno.
malo
1. Nooc libaax badeedka ka mid ah. 2. Saxaro jilicsan oo ubadka yari dhigaan. 3. ld male.
malooq
Ku m.: subag, dhoob, wasaq iwm meel ku dhoobid.
malooqan
Wax subag, dhoobo, wasaq iwm lagu dhoobay ahaansho.
malooqnaan
ld malooqnaansho.
malooqnaansho
/dh ld malooqnaan.
malooqo
Subag, dhoobo iwm isku dhoobid.
malow
Nafley mulaca ka weyn oo madow oo leh dhibacyo cadcad; amuur.
maluuq
/f.mg1 (-qay, -qday) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iwm meel ku dhoobid.
maluuqan
1. Wax timaha laga wada xiiray ahaansho (qof). 2. Wax subag, dhoobo, wasaq iwm lagu dhoobay ahaansho.
maluuqasho
ld maluuqad.
maluuqnaan
ld maluuqnaansho.
maluuqnaansho
/dh ld maluuqnaan.
maluuqo
Madax timo ka wada xiirasho.
malxaf
Wax dhumuc yar.
malyuun
(-nno/-laayiin, m.dh/- uumaad, m.l) Tiro ka kooban kun meelood oo min kun ah; kun kumaad; “1.000.000”. ld malyan, milyan.
mam
Wax isticmaalkooda caadeeysasho. ld mab.
mamac
1. ld miibac. Dhagax adag. 2. Gaajo badan.
mamid
ld mabid.
mamlakad
Boqortooyo. ld mamlako.
mamman
1. Wax mammay ahaansho. 2. Wax, wax ku dhiirran ahaansho.
mammanaan
ld mammanaansho.
mammanaansho
/dh ld mammanaan.
mamnuuc
M. ah: wax aan fasax loo qabin sameeyntooda.
mamnuucan
Wax la mamnuucay ahaansho.
mamnuucnaan
ld mamnuucnaansho.
mamnuucnaansho
/dh 1. eeg mamnuucnow. 2. ld mamnuucaan.
mamnuucnow
Wax la mamnuucay noqosho.
man
Ubax yar oo udgoon oo waqtiga jiilaalka geedaha qaarkood baxshaan.
manaafacaad
Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin.
manaafacaadso
/mg3 (-saday, -satay) Wax waxtarkiisa ka faa'iidaysasho.
manaayo
Godob, utun.
mandad
Shey qaab jawaan leh oo ka samaysan xerko yar yar oo saahan, jawaankana ka qaadweyn, oo lagu shubto badarka, miraha iwm.
mandaleel
Shulug dheer, adag dhogor ka samaysan oo roobka dhaxanta iwm laga qaato.
mandaq
Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
mandarad
1. Muraayad. 2. Guri dabaq ah.
mandariin
Liin xaali. ld mandariini.
mandharaari
Mindhicirka geela kiisa yaryar; oo saaladu kabaxdo; xiidme.
mandhareer
Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
mandharuug
1. Geed miro cas-cas iyo guduudba leh dhala oo la cuno. 2. Miraha mandharuugga; murcood.
mandheer
Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. ld maldheer.
mandheerrey
Naasley mandheer leh.
mandhoorrey
Hal aad u shilis oo kurus weyn leh.
maneysasho
ld maneysad, maneysi.
maneyso
Ubax yeelasho.
manfac
1. Wax, waxtar leh. 2. M. leh: wax fariiddo leh. ld manfaco.
mangaruuf
Qandal.
mangaruuri
Nooc bariiska ka mid ah.
manhaj
Barnaamij wax barasho loo dejiyo.
manjabbaxsasho
ld majabbaxsad, majabbaxsasho, majabbaxsi.
manjabbaxso
Socod gaaban oo raaxaysi ku jiro samayn. ld majabbaxso, mijabbaxso, minjabbaxso.
manjagoror
1. Daal taagnaan badan ka dhasho. 2. ld manjagororid.
manjagorori
Lugo ka daalin. ld majagorori, mijagoriri, minjagorori.
manjagororid
ld majagoror¹, majagororid, mijagoror¹, mijagororid
manjagororin
ld majagoririn, mijagororin, minjagororin.
manjagororsan
Cid wax manjagorortay ahaansho. ld majagororsan, mijagororsan, minjagororsan.
manjagororsanaan
ld majagororsanaan, majagororsanaansho, manjagororsan
manjagororsanaansho
/dh ld manjagororsanaan.
manjarrogasho
ld majarrogasho, mijarrogasho, minjarrogasho.
manjarrogo
1. Isbeddelid (arrin). 2. Ilmo sidkoodii dhammaaday madaxa hoos u soo rogasho. ld majarrogo, mijarrogo, minjarrogo.
manjarroor
1. (-rro, m.dh) Masharaaf. 2. ld manjarroorid. Daal ka yimaada taagnaan badan.
manjarroori
Muddo dheer cid meel istaajin. ld majarroori, mijarroori, minjarroori.
manjarroorid
ld majarroor¹, majarroorid, manjarroor¹ (2).
manjarroorin
ld majarrorin, mijarroorin, minjarroorin.
manjarroorsan
Qof, wax manjarrooray ahaansho. ld majarroorsan, mijarrorsan, minjarroorsan.
manjarroorsanaan
ld majarroorsanaan, majarroorsanaansho, manjarroorsan.
manjarroorsanaansho
/dh ld manjarroorsanaan.
manjasaar
Qaabka loogu fariisiyo ilmo saxaroonayo ama kaadshaya iyaga oo labada lugood la dul saarayo. ld majasaar¹, mijasaar¹, minjasaar¹.
manjasaarid
ld majasaarid, mijasaarid, minjasaarid.
manjasuux
1. Taagnaan badan oo manjuhu ku daalaan. 2. Manjaha oo tabar darreeya naxdin awgeed. ld majasuux¹.
manjasuuxi
Cid taagnaan badan ku daahin. ld majaxuusi.
manjasuuxid
ld majasuuxid.

