magaad
Budo cad, dhadhan qaraar leh oo tubaakada lagu cuno, siyaabo kalena loo isticmaalo.
magaag
1. Jirro dadka ku dhacda oo ka timaaddo nafaqo xoolaad la'aan. 2. M. ah: faras aan la jarabarin. 3. ld magaagid.
magaagid
ld magaag¹ (3).
magaalammadax
Caasimad.
magaalaqaran
Qaran hal magaalo ka kooban.
magaalee
Meel magaalo ka dhigid.
magaaleysasho
ld magaaleysad, magaaleysi.
magaaleyso
Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.
magaalo
Meel dad badani wada degganyahay oo leh guryo badan, waddooyin, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo iwm; beled.
magaalow
Meel magaalo noqosho.
magaan
Faras aan orod badan lahayn.
magaay
Jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn. Cali magaaygu wuu ka bi'i lahaa hadduu timir helo.
magac
1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan.
magacaabid
ld magacow¹ (3).
magacdar
Ugu m.: qof, qofkale kala magac dhigid.
magacdarree
Cid sumcaddeeda xumeyn.
magacdarreyn
ld magacdarreys.
magacdarro
Sumcad xumo qof la soo gudboonaato. ld magacdarri.
magacdheer
Wax caan ah ahaansho (qof ama meel).
magacdheeraan
ld magacdheeraansho, magacdheeri.
magacdheeraansho
/dh eeg magacdheerow. ld magacdheeraan.
magacdheerow
Wax caan ah noqosho (qof ama meel).
magacow
1. Qof magiciisa oo loogu yeero. 2. Qof darajo iyo madaxnimo lagu meeleeyo. 3. ld magacaabid.
magacsiin
Magac u bixinta nafley magac loo baxsho.
magacuyaal
(nax.) Qayb hadalka ka mid ah oo magac baddesha waxayna kala yihiin; m. ebyoon oo ah kuwa keligooda istaaga oo qodob yeelan kara (aniga, adiga iwm), iyo kuwo aan abyoonayn ama dhammayn, qodobna qaadan karin (i, na, ku, idin).
magaggooye
Cayayaan jiraca u eg, kase weyn oo kolkii la cariyo ur aad u qurmuun sii daaya; noole ura. ld magangooye (2).
magallooti
1. Muuqaal meel fog ka muuqda oo aan si wanaagsan u qeexnayn. 2. Dhis qaab dad leh oo inta waxyaabo shanqara loo sameeyo beeraha xeryaha xoolaha iwm la dhextaago si ay dugaagga iwm uga baqaan. 3. ld maalooti (1). Qof aan karti lahayn.
magan
1. Badbaadinta la siiyo cid tabar darran. 2. Qof tabar darran oo qof kale ku tiirsan si uu badbaado u helo.
magangal
/mg. 1 (-alay, -ashay; -geli) Cid magan u noqosho (qof).
magangeli
Qof magangelyo siin.
magangelid
ld magangal¹.
magangelin
ld magangelis.
magangelyo
Qof cid ka soo cararay oo la daba joogo badbaadinta iyo xannaaneynta cidda uu u tago ay siiso.
magangooye
1. Qof magangelyada gooyo. 2. ld magaggooye.
magangooyo
Cid magan laga ballan qaaday u gooynteeda. ld magangoyn.
magay
God biyuhu galaan oo ka sameysmaan dhulka caadda ah.
magdeysnaansho
/dh ld megdeysnaan.
magdhabasho
ld magdhabad.
magdhabo
Qof khasaare uu geystay qiimaheeda ka qaadid.
magdhaw
Qiimaha looga qaato qof khasaaraha uu geystay.
maggaabi
Hoore aad loo cantuugo siin (qof).
maggaabid
ld maggow¹.
maggaabo
Cantuugo weyn.
maggaraaso
Nooc libaax badeedka ka mid ah.
maggarafoon
Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddelamahad tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. ld maggaroofan.
maggeyno
Sac ama hal aad u caano badan.
maggow
1. Marka ibaha candhada xoolaha caanuhu ku soo istaagaan. 2. ld maggaabid.
maggowsasho
ld maggowsad, maggowsi.
maggowsii
Qof, hoore hal mar afka uga buuxin.
maggowso
Hoore aad u cantuugid (qof).
magguur
1. Xabaal; qabri. 2. Dhis, qof jabay oo dhaqdhaqaaqa loo diidayo lagu fariisiyo ama lagu xiro.
magguuraan
1. M. ah: astaan ama wax kale oo jiritaankooda aanu tirmin. 2. Hantida aan socon karin sida beeraha, guryaha iwm. ld magguure.
magguure
Wax aan tirmin.
magguurto
1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iwm. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.
magli
Billaawe.
magmaag
Dab si uusan u baqtin dambas ku duugid.
magmaagan
Wax dambas lagu duugay ahaansho (dab).
magmaagnaan
ldmagmaagnaansho.
magmaagnaansho
/dh ld magmaagnaan.
magmaago
Dhuxul nool dambas ku duugasho si aysan u demin.
magmag
Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah ku riixid.
magmakee
Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah si xoog leh ugu riixid.
magniisiyam
(kiim.) Summad Mg. Curiye fudud oo bir ah; curiyaha labaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha (biro dhul alkaliin). M. waa curiye muhim u ah warshadaha sababta oo ah waxay xubin weyn ka tahay birdhafyada fudud (marka lagu daro aluumiiniyam iyo sink).
mago
Cid mag ka gudasho.
magoog
1. Tacabka beeraha. 2. M. ah: geed har weyn leh geed-saar ka dulbaxay. 3. Qof aan waxtar lahayn. 4. ld magoogid.
magoogid
ld magoog¹ (4).
magool
Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin; fufid. ld magooli.

