Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 24 of 36.
miiddanaan
ld miiddanaansho.
miiddanaansho
/dh ld miiddanaan.
miidee
Malab, subag iwm miirid.
miidow
Miid noqosho (hoore layiig ah).
miig
Nooc ka mid ah dayaaradaha dagaalka oo lagu sameeyo dalka Ruushka.
miige
1. Qori ama bir af dhuuban oo dhulbeereedka lagu mudmudo si abuurka loogu rido. 2. Kar bir ah oo khudraddo iwm lagu shiido. ld miigo¹.
miigee
Qof gamcihiisa iyo lugihiisa dib isugu xirid.
miigeysan
1. Wax miige lagu mudmuday ahaansho (dhul-beereed). 2. Qof la miigeeyey ahaansho.
miigeysnaan
ld miigeysnaansho.
miigeysnaansho
/dh ld miigeysnaan.
miiggan
Qof, adadag, wanaag, geesinnimo iwm kulansaday ahaansho.
miigganaan
ld miigganaansho.
miigganaansho
/dh ld miigganaan.
miiji
1. Nafley si xoog leh ceego ugu dhegid. 2. Xab biyo ka buuxaan afka ka xirid.
miijin
ld miijis.
miijis
1. Suuq aan sharciyeysnayn. 2. ld miijin.
miijisan
Nafley wax cunaha la qabtay ahaansho.
miijisnaan
ld miijisnaansho.
miijisnaansho
/dh ld miijisnaan.
miil
1. Labada madax oo markabka ama doonta midkood. 2. Hilibka la siiyo deriska marka la shiraysto. 3. Hilib dhinacyada geela laga gooyo. 4. ld mayl.
miilaadi
Taariikh lagu tiriyo hab qorraxeedka ee ka soo bilaabatay dhalashadii Nebi Ciise. ld miilaaddiyad.
miile
Toogeysiga wax lagu kaltamo. ld miilo¹.
miilee
Miilo ku qaybin.
miileysasho
ld miilasho, miileysad, miileysi.
miileyso
Qayb ka qaadasho (miile). ld miilo².
miin
Summad ishkinka lagu dhigo oo ah goobaabin jiitindhinac looga qabtay (§).
miinaysan
Wax la miineeyey ahaansho.
miinaysnaan
ld miinaysnaansho.
miinaysnaansho
/dh ld miinaysnaan.
miinayso
Miin yeelasho (wax).
miinee
1. Wax miino ku xirid, miino gelin. 2. Cid kontorobaan u dhiibid.
miino
1. Qalab gudihiisa wax qarxa ka buuxaan oo loogu talo galay in lagu burburiyo, dhismo, dhagax, iwm. 2. Kontorobaan.
miinshaar
Qalab bir ka samaysan oo lagu gooyo qoryaha, birta, dhagaxa iwm. ld miishaar².
miinshaaree
Miishaar wax ku goyn. ld miishaaree.
miinshaareyn
ld miishaareyn.
miiq
1. Liilan dun ah. 2. ld miiqid.
miiq-ruxasho
Garaac dhakhso leh oo isdhaafsan oo unugmuruqeed walba ee wadnaha uu gooni u sameeyo taasoo keenta in muruq si wadajir ah oo waxtar leh u ururo; qaybta wadnaha ka mid ah oo dhibta qabtana dhiig ma saarto.
miiqan
1. Wax miiqmay noqosho. 2. Qof caatoobid.
miiqid
ld miiq¹ (2).
miiqnaan
ld miiqnaansho.
miiqnaansho
/dh ld miiqnaan.
miiqo
Wax miiq ka dhigasho.
miir
1. ld miid. 2. Meel yar oo biyo qabatin leh.
miira
Bisha labaad oo sanad dayaxeedka; safar.
miiraale
Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. ld miiroole.
miiran
1. Hoore saafi noqosho. 2. Nafley isku dhex jirtay intii islehba wax gooni isugu soocmay noqosho.
miire
Qalab hooraha lagu kala sifeeyo.
miirid
ld miir¹ (3), miiris.
miirnaan
ld miirnaansho.
miirnaansho
/dh ld miirnaan.
miirow
1. Nooc ka mid ah qaadka ka baxa dalka Kenya. 2. Nooc tubaakada ka mid ah.
miirran
1. Qof deggan oo dabeecad fiican leh ahaansho. 2. Qof xanuun ka soo roonaaday ahaansho.
miirranaan
ld miirranaansho.
miirranaansho
/dh eeg miirranow. ld miirranaan.
miirranow
Qof miiyirkiisu dhanyahay noqosho.
miirrif
Marakudheg.
miirsi
1. Quursi. 2. ld miyirsasho.
miirsidiid
M. ah: ruux xumo diidnimo ku sifoobay.
miirsidiidnimo
Miirsidiid ahaansho.
miis
Cunto beegid.
miisaali
Qof door ah. ld miitaali.
miisaaman
1. Wax la miisamay ahaansho. 2. Wax isu dheeli tirsanahaansho. ld miisaanan.
miisaamasho
ld miisaanasho.
miisaamid
ld miisaanid.
miisaamo
Wax miisaan ku cabbirasho. ld miisaano.
miisaan
1. Qalab wax lagu cabbiro. 2. Culeys; culaab.
miisaanasho
milan caadi ah
miisaaniyad
Qorshe waqtiyeysan oo maaliyadeed oo loogu talaggalay in hawl lagu fuliyo.
miisaannaan
ld miisaannaansho.
miisaannaansho
/dh ld miisaannaan.
miisad
Qalab ka sameysan alwaax, bir, iwm fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. ld miis¹ (1).
miisan
Wax la miisay ahaansho.
miisgool
Miis wareegsan oo fadhiga la dhigto.

