Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 14 of 36.
marasheysnaansho
/dh ld marashiyeysanaan.
marashi
1. ld marasho 1. Dharka ninku siiyo naagta uu qabo. 2. (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l./dh) Harqoodka qaybtiisa birta ah ee dhulka gasha.
marashiyayn
ld marashayn.
marashiyee
Haween la qabo marashi siin. ld marashee.
marashiyeysan
Qof haween ah wax arratiran ahaansho. ld marashaysan.
marashiyeysnaan
ld marasheysnaan, marasheysnaansho, marashiyeysnaansho.
marashiyeysnaansho
/dh ld marashiyeysnaan.
marasho
Dhar ninku siiyo naagta uu qabo. ld marashi (1).
maratoon
Orod dheer oo lagu tartamo.
marawaxad
1. Qalab bir, caag iwm ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. ld marawaxo, marwaxad, marwaxo.
marawaxadi
1. Wax babbin. 2. Marwaxad wax ku qaboojin. ld marwaxadi.
marawaxadin
ld marwaxadin.
maraweyn
Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
marax
1. Wax la kaydsado; dhaqaale. 2. Hilib muddo yiil oo aan isbeddelin. 3. Ur suyac ah.
maraxsan
1. Wax la dhaqaaleyey ahaansho. 2. Hilib wax suyacay ahaansho.
maraxsanaan
ld maraxsanaansho.
maraxsanaansho
/dh ld maraxsanaan.
maraxsasho
ld maraxsad, maraxsi.
maraxso
Wax dhaqaalaysasho.
maraykaan
Dhar cad, suuf ah, adag oo reer miyigu qaataan.
marbooc
Dhar midab cad leh oo baftada ka jurmi weyn kana adag. ld marbuuc, murbooc.
marcurad
Neef xoola ah oo hal mar keliya wax dhalay.
marcuradnimo
Marcurad ahaansho.
marcurasho
Dhalidda marka ugu horreeysa ay wax dhalaan dheddigoodka.
mardaaddi
Xarragada dhar qurxoon lagu xarragoodo.
mardaaddiyid
ld mardaaddin.
mardaaf
Qumbe curdun ah.
mardabaan
Aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan; jalxad.
mardabee
Cid khiyaamid si loo luggooyo.
mardabo
Khiyaamo waqti lumin iyo luggooyo ku jirto; dhagar. ld mardaddabaan, mardaddabo.
mardaddabaanley
Naag mardadabo taqaan.
mardaddabaanlow
Nin mardaddabo yaqaan.
mardar
Waran weyn.
mardee
Wax mardo u yeelid.
mardhoof
Qof hal mar dhoofay oo faan iyo been badan.
mardimee
Wax mardimo u yeelid.
mardin
1. Daliig; liid. 2. Naqshado diillimo ah oo caw, ama caws ah oo ka dhex muuqda derin ama raar samaysan midkood.
mardo
Xirmo dhis ah oo carshaanta, muddullada iwm lagu wareejiyo iyaga oo isku xiraya dhista gurigu ka sameysanyahay.
marduuf
1. Maro cad, culus oo loo isticmaalo shiraaca doonayaha. 2. Xirmo qaad ah oo ka kooban toban majood. 3. Xarig labaraab ah.
mareeg
1. Qoolasha maqasha qoorta loo geliyo. 2. Summad geela qoorta looga dhigo, oo ah goobaabin qoorta ku wareegsan.
mareeg-daabacan
Mareeg elektarooniko oo ka samaysan gudbiye, kuna daaban oogada xaashi-sallax ma gudbiye ah. Mareegaha noocani waxa beryahan aad loogu isticmaalaa qalabka elektaroonikada.
mareegadheer
1. Xiddig kuwa dayaxa ugu dhow ka mid ah oo soo baxa xilliga dayrta. 2. Qof haween ah oo dhalatay 14-naadka dayaxeed oo dadku aaminsanyihiin inay ayaandhalad tahay.
mareer
1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
margan
Wax margaday ahaansho (nafley). ld mergan.
marganaan
ld marganaansho, merganaan, merganaansho.
marganaansho
/dh ld marganaan.
margasho
ld mergasho.
margaysan
Wax margaday ahaansho (nafley). ld mergaysan.
margaysnaan
ld margaysnaansho, mergaysnaan, mergaysnaan.
margaysnaansho
/dh ld margaysnaan.
margeelee
Xilligii uu dhalay xilligiisa kale rimid (sac).
margeeleyn
ld margeeleys.
margo
Qabashada nafley cunaha la qabto iyadoo neefta lagu celinayo ceego. ld mergo¹.
mari
Lax saddex jeer ama ka badan dhashay.
marid
ld mar¹ (4), maris².
mariid
1. Waabaayo la mariyo fallaaraha, warmaha, iwm. 2. Geed mariidka laga liso. ld maliid, meriid.
mariikh
Meerayaasha mid ka mid ah oo u dhexeeya dhulka iyo mushtarka; cirjeex; farraarre.
mariil
ld maliilid.
mariishanaansho
/dh ld maliishanaan.
marimba
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar.
marin
1. Jid; waddo. 2. Gar; sharci.
marin-cidhiidhi
(juqr.) Luuq badeed isku xidha laba badood oo waaweyn, waxa laga yaabaa inuu sameeyey dillaac-qoori gudbani, ama bad daafaha mareysey oo hoos u degtey ama carro guur.
marin-ganacsi
(juqr.) Marin, waddo dhul, bad, ama hawo, oo ganacsigu maro.
maris
1. Saabuun m. ah: saabuun adag oo dharka lagu dhaqdo. 2. Shimbir yar oo mucjisad leh; waxay si layaab leh ugu hoggaamisaa ninka herinka ah oo keliya, ugaar, habar dugaag, halaqa qaar ka mid ah, malabka shinnida iwm. Waris, buli, shimbir malab. 3. ld marin².
marjac
Buug cilmi badan ku qoranyahay oo wixii loo baahdo laga helo.
marjiid
1. ld maljiid 1. Wax dheer oo toosan. 2. ld marjiidid. ld maljiid¹.
marjiidan
1. Wax la kala jiiday oo la dheereeyey ahaansho. 2. Wax dheer oo toosan ahaansho. ld maljiidan.
marjiidid
ld maljiid¹, maljiidid, marjiid¹ (2).
marjiidnaan
ld maljiidnaan, maljiidnaansho, marjiidnaansho.
marjiidnaansho
/dh ld marjiidnaan.
marka
xi. eeg mar³.
markab
Gaadiid badeed weyn oo u kala baxa qaar lagu dagaallamo iyo xamuulka qaada.
markable
Nin maraakiib badan leh.

