0

m

m dh

Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

0

ma

qr diid

Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.

0

ma-milme

m l (-mayaal, m.l/dh)

(kiim.)Iskudhis milmiddiisu aad u hooseeyso (marka lagu daro mile gaar ah).

0

ma'wi

m l (-iyo, m.dh)

Ceel biyo badan.

0

ma4

m l

1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.

0

maab

m l (-bab, m.l)

Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada.

0

maaci

m dh

1. Geedaha intooda dhuuxa adag. 2. Waxkastoo adag.

0

maacuun

m l

/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm.

0

maad

m dh

1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado.

0

mąad

m dh (-do/-dooyin, m.l)

(riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo.

0

maadaama

xi. Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska joog”. ld maaddaama.

0

maadad

m l

Eeg: maadasho

0

maadasho

m f dh

ld maadad, maarad, maarasho.

0

maaddaama

xi. ld maadaama.

0

maaddad

m dh

Eeg: maaddo

0

maaddi

m l kh

M. ah: qof lacagta, xoolaha aad u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya.

0

maaddiyad

m dh (fals.)

Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.

0

maaddo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld maaddad.

0

maadee

f mg2 (-deeyay, -deysay)

(riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.

0

maadeyn

m f dh

ld maadeys.

0

maadeys

m l

1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. ld maadeyn.

0

maadeysad

m l

Eeg: maadeysasho

0

maadeysasho

m f dh

ld maadeysad, maadeysi.

0

maadeysi

m l

Eeg: maadeysasho

0

maadeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Ku m.: qof ku dheeldheelid.

0

maadhiin

m l (-nno, m.dh)

Bunduq xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore la isticmaali jiray.

0

maadi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax halis ka dhawrid. ld maari.

0

maadin

m f dh

ld maadis, maarin, maaris.

0

maadis

m l

Eeg: maadin

0

maadley

m dh (-yo, m.l)

Haweenay shaaciro badan.

0

maadlow

m l (-wyo, m.dh)

Nin shaaciro badan.

0

maado

f mg3 (-aatay, -aadatay)

Ka m.: halis iska ilaalid. ld maaro².

0

maadsasho

m f dh

Eeg: maadso

0

maadso

f mg3 (-saday, -satay)

Ku m.: qof ku dheeldheelid.

0

maafoos

m l (-syo, m.dh)

Nooc ka kd mid ah libaax badeedka halista ah. ld maanfoos.

0

maag

m l

1. Daandaansi; gardarro; abyood. 2. ld maagid.

0

mąag

m l (-gag, m.l)

1. Xad, xuduud. 2. ld mąagid.

0

mąagasho

m f dh

ąago.

0

maageer

m l (-rro, m.dh)

Deyr wareegsan oo dhagax iwm ka samaysan. ld meegaar¹, waageer¹, weegaar¹.

0

maageeran

f mg1 (-rmay, -rantay)

Ku m.: ood dhagax, iwm wax meel lagu wareejiyey ahaansho. ld maageersan, meegaaran, meegaarsan, waageeran, waageersan.

0

maageerasho

m f dh

ld meegaarasho, waageerasho, weegaarasho.

0

maageerid

m f dh

ld meegaarid, waageerid, weegaarid.

0

maageernaan

m f dh

ld maageernaansho, maageersanaan, maageersanaansho.

0

maageernaansho

m l

/dh ld maageernaan.

0

maageero

f g3 (-rtay, -ratay)

Meel ood dhagax iwm ku wareejisasho. ld meegaaro, waageero, weegaaro.

0

maageersan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: maageeran

0

maageersanaan

m dh

Eeg: maageernaan

0

maageersanaansho

m l

/dh ld maageeranaan.

0

maaggan

f g

/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Qof mid kale ku gardaroonaya ahaansho. 2. (f.mg) Qof raba in uu wax sameeyo ahaansho.

0

maagganaan

m f dh

ld maagganaansho.

0

maagganaansho

m l

/dh ld maagganaan.

0

maagid

m f dh

ld maag¹ (2).

0

mąagid

m l

ąag². ld mąag¹ (2).

0

maagma

m dh (-ooyin, m.l)

(jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.

0

mąago

f mg3 (-gtay, -gatay)

Ka m.: wax cabsi darteed uga dheeraansho.

0

maahane

qr. ld mooyaane.

0

mąahi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.

0

mąahin

m f dh

ąahi.

0

maahmaah

m dh (-ho, m.l)

Erayo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. ld maahmaahyo.

0

maahmaahid

m f dh

Eeg: maahmaah²

0

maahmaahyo

m dh

Eeg: maahmaah¹

0

maahsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.

0

maahsanaan

m f dh

ld maahsanaansho, maahsani.

0

maahsanaansho

m l

/dh ld maahsanaan.

0

maahsani

m dh

Eeg: maahsanaan

0

maajeen

m l

Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato.

0

maajo

m dh

Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.

0

maakaal

m l

Eeg: maankaal

0

maakhad

m dh

1. Awood, karti. 2. Hadal been ah.

0

maakhadee

f mg2 (-deeyay, -deysay)

U maakhadee cid been ku madadaalin.

0

maakhadeyn

m f dh

Eeg: maakhadee

0

maakhiido

m dh (-ooyin, m.l)

Haweeney gaari ah.

0

maal

m l

1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid.

0

maala-abbaar

m l

Mala'awal.

0

maalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la lisay ahaansho (neef irmaan).

0

maaleeyo

m dh

1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.

0

maalgeli

f mg2 (-iyay, -isay)

Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.

0

maalgelin

m f dh

ld maalgelis.

0

maalgelis

m l

Eeg: maalgelin

0

maali

f lg2 (-iyay, -isay)

Cid neef irmaan ammaanaysiin.

0

maalid

m f dh

ld maal¹ (3), maalis², maalniin.

0

maalig

m l (-gyo, m.dh)

Mulkiile.

0

maaliki

m l (dii.)

Qofka mad'habta maalikiyada haysta; maalikiyadu waxay ka midtahay afarta mad'habood oo waa weyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Maalik (715-795 M.).

0

maalin

m l

/dh (-lmo, m.l) Muddada u dhaxaysa marka qorraxdu soo baxdo ilaa ay dhacdo (12 saac).

0

maalin-dayaxeed

m dh (-lmo ..., m.l)

(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulkumaamuusid dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.

0

maalin-firfircoone

m l (-ayaal, m.l/dh)

Waxaa lagu sharxa noolayaasha aad u firfircoon maalintii. Tus. “Noolayaashaasi cuntadooda waxay raadsadaan maalintii”.

0

maalin-qorraxeed

m dh (-lmo ..., m.l)

(c.fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.

0

maalindhaaf

m l fk

Wax maalin la sameeyo malinna la dhaafo; fal hawl iwm oo inta maalin la qabto maalinna la baajiyo..

0

maalingaal

m l

1. Hawl maalin dhan socoto oo aan kala go' lahayn. 2. ld maalingaalid.

0

maalingaalid

m f dh

ld maalingaal¹ (2).

0

maalingoosad

m l

Qof shaqaale ah oo la siyo maalin walba waxa uu goosto. ld maalingoosato.

0

maalingoosato

m dh

Eeg: maalingoosad

0

maalinjoog

m l

1. Xoolo maalin dhan ceel jooga. 2. ld maalinjoogid. Booqasho hal maalin ah.

0

maalinjoogid

m f dh

ld maalinjoog¹ (2).

0

maalinnimo

m dh

1. Inta qorraxdu soo jeeddo. 2. (fk) Isla maalinta.

0

maalinqad

m l

Qadidda xooluhu maalin kaliya biyo ka qadaan.

0

maalinsocod

m l

1. Fogaan dhan in qof socod ku gaari karo hal maalin. 2. Socod dharaarta la sameeyo.

0

maalis

m dh

1. Weel biyood ama caanood. 2. ld maalid.

0

maaliyad

m dh

Hanti.

0

maalmadoone

m l

Bisha afaraad ee bilo-dayaxeedka sanadka soomaaliga.