0

marsheyn

m f dh

Eeg: maashee

0

marsho

m dh (-ooyin, m.l)

1. Birta geerarka baabuurka bedbeddesha. 2. Makiinadda geerarka baaburka. 3. Socod dheer oo ciidanku sameeyaan.

0

marsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

1. Cid arrin si khasab ah ku oggoleysiin. 2. Wax kale dul marin (wax). 3. Wax meel ku dul socodsiin. 4. Arrin cid kale ogaysiin (gob). 5. Arrin, warqad iwm meel geyn si ay meeshaasi u sii gudbiso (qof).

0

marsiin

m f dh

Eeg: marsii

0

marsiino

m dh (-ooyin, m.l)

Maro weyn oo dumarku xirtaan oo boqor dhexda lagaga xiro.

0

marso

m dh (-ooyin, m.l)

1. Dhismo xeebaha badaha laga dhiso oo doonayaha iyo maraakiibta ku xirato. 2. Diilliin madow oo iduhu dhexda ku yeeshaan.

0

marsoobbax

m l (-xyo, m.dh)

Nooc halaqa ka mid ah, waabaayo halis ah leh oo dhif iyo naadir loo arko; wed-lasoobax; abris.

0

marsubaaliya

m dh (-yayaal, ml./m.dh)

(c.nafl.) Dir hoosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaankoodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika. Tus. “Kaanguruu”.

0

marsuubiyaal

m l (-lo, m.dh)

Xubin ka tirsan dir hoosaadka marsubaaliya.

0

martabad

m dh (-do, m.l)

1. Jago sare oo la gaaro. 2. Meherad.

0

marti

m l (marti, m.dh)

Qof laga soo dhaweeyey guri aanu lahayn.

0

martiggeli

f g2 (-iyay, -isay)

Qof marti ahaan u soo dhaweyn.

0

martiggelin

m f dh

Eeg: martiggelin

0

martiqaad

m l

1. Sooryo qof marti ah la siiyo. 2. ld martiqaadid.

0

martiqaadid

m f dh

ld martqaad¹ (2).

0

martiqadin

m dh

Martiggelindarro. ld martiqadis (2).

0

martiqadis

m l

1. Qof aan martisoore ahayn. 2. ld martiqadin.

0

martisoor

f g1 (-ray, -rtay)

Cid marti ah soorid.

0

martisoore

m l (-rayaal, m.l/dh)

Qof martida soo dhaweeya.

0

martisoorid

m f dh

ld martisoor¹.

0

martiyee

f mg2 (-yeeyay, -yeysay)

Cid marti u noqosho.

0

martiyeyn

m f dh

Eeg: martiyee

0

martiyid

m f dh

Eeg: marti³

0

marwalleys

m dh fk

Markastaba.

0

marwaxad

m dh

Eeg: marawaxad

0

marwaxad-neefeed

m dh (-dyo ..., m.dh)

(tegno.) Neef ka timid cadaadis motoor oo loo adeegsado motoor wax wareejiya.

0

marwaxadi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: marawaxadi

0

marwaxadin

m dh

Eeg: marawaxadin

0

marwaxo

m dh

Eeg: marawaxad

0

marwee

f g2 (-weeyay, -weysay)

Eeg: murwee

0

marweyn

m dh

Eeg: murweyn

0

marweysan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: murweysan

0

marweysnaan

m dh

Eeg: murweysnaan

0

marweysnaansho

m l

/dh ld murweysnaan.

0

marwo

m dh

1. Haweeney la qabo oo sumcad fiican ku leh dadka dhexdiisa; gaari. 2. Haweenay. 3. ld murwo (2).

0

marxabba

fk. 1. Waa yahay!. 2. Soo dhowow!

0

marxabbaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: marxabbee

0

marxabbee

f g2 (-beeyay, -beysay)

U m.: qof si wanaagsan u soo dhoweyn. ld marxabbeysii.

0

marxabbeyn

m f dh

ld marxabbeysiin.

0

marxabbeysiin

m f dh

Eeg: marxabbeyn

0

marxal

m l (-llo, m.dh)

1. ld marxalad (3). Fogaan maalin socod dhan. 2. Gar; daw; jid.

0

marxalad

m dh (-do, m.l)

1. Sida wax xaaladdii ku sugantahay. 2. Muddo dhawr waqti loo qeybiyey mid ka mid ah. 3. ld marxal (1).

0

marxi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax tashiilid. 2. Hilib marax ka dhigid.

0

marxid

m f dh

Eeg: marax²

0

marxin

m f dh

ld marxis.

0

marxis

m l

Eeg: marxin

0

marxuum

m l (-mo, m.dh)

Qof mar hore dhintay.

0

maryaad

f mg1 (-day, -dday)

Nafley aad u silcid. ld meryaad², miryaad².

0

maryaadi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley aad uu silcin. ld meryaadi, miryaadi.

0

maryaadid

m f dh

ld maryaad¹, meryaad¹, meryaadid, miryaad¹.

0

maryaadin

m f dh

ld maryaadis, meryaadin, meryaadis, miryaadin.

0

maryaadis

m l

Eeg: maryaadin

0

maryamayn

m f dh

Eeg: maryamee

0

maryamee

f mg2 (-meeyay, -maysay)

Kuul ka faalin, wax dhici doona wax ka sheegid.

0

mas

m l (-sas, ml.)

1. Xammaarato aan lugo lahayn, dheereysa, nafleyda qaniinta, sun halis ahna leh. 2. Koombo yar oo miraha dalagga lagu cabbiri, u dhiganta nus madaal.

0

mas'alo

m dh

Eeg: masalo

0

mas'uul

m l (-llo/-liin, m.dh)

1. Qof xil qaadi kara. 2. Qof jago sare ummad u haya. 3. Xilkas. 4. Ka m. ah: qof wax xilkoodu saaran yahay. 5. Ka m. ah: qof dhacdo sabab u ahi. ld masuul.

0

mas'uuliyad

m dh

Xil qof saaran. ld mas'uuliyo, masuuliyad, masuuliyo.

0

mas'uuliyo

m dh

'uuliyad.

0

masaabax

m l

Eeg: masaamixid

0

masaabaxan

f mg4 (-xnaa, -xnayd)

Eeg: masaamaxan

0

masaabaxnaan

m dh

Eeg: masaamaxnaan

0

masaabaxnaansho

m l

/dh ld masaamaxnaan.

0

masaabaxnow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Eeg: masaamaxnow

0

masaabixid

m dh

Eeg: masaamixid

0

masaadir

m dh w

Eeg: masdar

0

masaafee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid; walaal iwm) ka fogeyn.

0

masaafeyn

m f dh

Eeg: masaafee

0

masaafeysasho

m f dh

Eeg: masaafeyso

0

masaafeyso

f g3 (-stay, -satay)

Naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid, walaal iwm) ka fogeysasho.

0

masaafir

f mg1 (-ray, -rtay)

Qof meel joogay ka dhoofid. ld masaafur², musaafur².

0

masaafiri

f g2 (-iyay, -isay)

Dalkiisa ama degaankiisa khasab kaga dhoofin (qof). ld masaafuri, musaafiri.

0

masaafirid

m f dh

ld masaafurid, musaafurid.

0

masaafirin

m f dh

ld masaafiris, masaafurin, masaafuris, musaafurin.

0

masaafiris

m l

Eeg: masaafirin

0

masaafirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof dalkiisa laga masaafiriyey ahaansho. ld masaafursan, musaafursan.

0

masaafirsanaan

m f dh

ld masaafirsanaansho, masaafursanaan, masaafursanaans.

0

masaafirsanaansho

m l

/dh eeg masaafirsanow. ld masaafirsanaan.

0

masaafirsanow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Qof dalkiisa laga masaafiriyey noqosho. ld masaafursanow, musaafursanow.

0

masaafo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Fogaan, dherer; meel inta loo socdo. 2. Ka fogeynta laga fogeeyo naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid, walaal iwm). 3. M. ah: naag lala baxay.

0

masaafoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Qof masaafo gelid.

0

masaafood

m f l

Eeg: masaafoo

0

masaafur

m l

Eeg: masaafir¹

0

masaafuri

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: masaafiri

0

masaafurid

m dh

Eeg: masaafirid

0

masaafurin

m dh

Eeg: masaafirin

0

masaafuris

m l

Eeg: masaafirin

0

masaafursan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: masaafirsan

0

masaafursanaan

m dh

Eeg: masaafirsanaan

0

masaafursanaansho

m l

/dh ld masaafirsanaan.

0

masaafursanow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Eeg: masaafirsanow

0

masaajid

m l (-ddo/-dyo, m.dh)

1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.

0

masaakiin

m dh w

Eeg: miskiin¹

0

masaal

m l

Eeg: misaal

0

masaaliix

m dh w

Eeg: maslaxad

0

masaamax

f g1 (-xay, -xday; -mixi)

Qof cid dambi ka galey cafin. ld masabaax².

0

masaamaxan

f mg4 (-xnaa, -xnayd)

Wax la masaamaxay ahaansho (qof). ld masaabaxan.

0

masaamaxnaan

m f dh

ld masaabaxnaan, masaabaxnaansho, masaamaxnaansho.

0

masaamaxnaansho

m l

/dh 1. eeg masaamaxnow. 2. ld masaamaxnaan.

0

masaamaxnow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Wax la masaamaxay noqosho (qof). ld masaabaxnow.