macaaneysasho
ld macaaneysad, macaaneysi, macaysad, macaysasho.
macaaneyso
Cunto cabbitaan iwm wax macaaneeya ku darsasho. ld macayso.
macaani
1. Dhaqan qof leeyahay. 2. ld macaanaan.
macaanow
1. Wax macaan noqosho (cunto, cabbitan). 2. Qof dabci wanaagsan noqosho. ld macow.
macaansasho
ld macaansad, macaansi.
macaansho
/dh ld macaan².
macaanso
1. Wax dhadhankiisa jeclaysasho. 2. Sheeko, salaax, iwm u bogid.
macaash
1. Faa'iidada laga helo badeeco la gaday. 2. Badeeco.
macaashi
Cid macaash u oggolaan.
macaashle
Qof badeeco yar rogrogta.
macaawino
Kaalmo; taageero. ld macaawinad, mucaawinad, mucaawino.
macagtow
Nafley, balwad iwm barashadoodu ka hariwaayid.
macal
Cadka aan lafta lahayn oo cunaha idaha ka laallaada.
macalgad
Fandhaal macdan ah oo cuntada lagu cuno, qaaddo. ld macalgo, maclaqad, malcaqad, malgacad, malqacad.
macallimad
Haweenay arday wax barta.
macallin
Nin arday wax bara.
macallinnimo
Macallin ahaansho.
macaluul
Dhuubnaan ama xayeesinnimo ku dhacda nafleyda oo ka dhalata nafaqadarro.
macaluulan
Nafley caato
macaluuli
Nafley caateysiin.
macaluulid
ld macaluulis².
macaluulin
ld macaluulis¹.
macaluulnaan
ld macaluulnaansho, macaluushanaan, macaluushanaansho
macaluulnaansho
/dh ld macaluulnaan.
macaluushnaansho
/dh ld macaluulnaan.
macandi
1. Cunto macaan oo nafaqo leh. 2. Barwaaqo, nabadgelyo, caafimaad. ld macaddi.
macangag
M. ah: qof aan waxba laga dhaadhicin karin.
macangagnimo
Macangag ahaansho.
macarifad
Aqoon fiican oo wax loo leeyahay.
macasalaamee
Qof laga tegayo sii nabadgelyeyn.
macasalaameyn
ld macasalaameys.
macasalaamo
Nabadgelyo.
macatab
(dii.) Shay qaab iskutallaab leh oo dadka kiristaanka ah astaan diineed u ah.
macawis
Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.
macayshad
Cuntada lagama maarmaanka ah ee lagu noolaan karo. ld maceeshad, maciishad.
macbil
1. ld macbiil, macmiil. Cid si joogta ah meel wax uga gadata ama uga iibsata. 2. ld macaammilo.
macbilasho
ld macbilad.
macbilo
Shay xumaaday si loo isticmaalo dib u hagaagaasho.
macbuud
Eebbe; Alle.
macdaar
Dukaan yar oo cunto iwm oo tafaariiq ah lagu gado.
macdan
1. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam.
macduun
M. ah: wax helitaankiisu dhif iyo naadir ah.
macduur
M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.
macduurnimo
Macduur ahaansho.
machad
Dugsi mihnadeed oo ka heer sarreeya dugsiga sare, kana heer hooseeya kulliyad jaamacadeed.
maciinla'aan
'aan.
macmacaan
Cunto ama cabbitaan si gaar ah loo sameeyo oo dhadhan macaan leh sida buskudka, doolshaha, xalwada, dheecaanka liinta iwm.
macmil
Shay aan kii dhabta ahaa ahayn oo si ku meel gaar ah loo adeegsado. ld macbil.
macnagarasho
ld micnagarasho.
macnagaro
Qof ujeeddadiisa fahmid. ld micnagaro.madalsanaansho
macnayn
ld macnays, micnayn, micnays.
macne
1. Ulajeeddada erey ma hadal ka dambaysa. 2. Qeexidda wax la sharxay la siiyo. 3. Faa'iido: macne maleh: faa'iido maleh. ld macno, micne, micno.
macnee
1. Ulajeeddada erey ama hadal sheegid. 2. Wax sharaxooda sheegid. 3. Is m.: wax muhiin ah iska dhigid (qof).
macooyo
Abooto, ayeeyo. ld mocooyo.
macquul
M. ah: wax suurta gal ah.
macriifad
Aqoon dheeraad ah oo wax loo leeyahay. ld macriifo.
macriifo
1. ld macriifad. 2. ld macruuf (3).
macruuf
1. Ixsaan; wanaag; samafal. 2. (-fyo/-caariif, m.dh) M. ah: qof aad loo yaqaan, caan. 3. ld macriifo. Xiriir aan saaxiibnimo gaarsiisnayn oo cid ka dhexeysa.

