Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 22 of 36.
meherad
Hawl gaar ah oo qof dhab u yaqaan oo uu ku xoogsado.
meheradlaawe
Qof aan shaqo lahayn, ama aqoon farsamo uu ku xoogsado.
meheri
Naag si sharci ah nin ugu xirid (guur). ld mahari.
meherin
ld maharin.
meherkahorreys
Ilmo calool gala inta aan aabbihii iyo hooyadii is mehersan, meherkaweyne; horgal.
mehersan
Ku m.: haweeney meher ku xiranyahay ahaansho. ld maharsan.
mehersanaan
ld maharsanaan, maharsanaansho, mehersanaansho.
mehersanaansho
/dh eeg mehersanow. ld mehersanaan.
mehersanow
Naag meher ku xiranyahay noqosho.
mehersasho
ld maharsad, maharsasho, maharsi, mehersad, mehersi.
meherso
Naag meher ku xirad. ld maharso.
meherxad
Isnikaaxsashada gabar iyo nin is doonaya iyagoo aan la ogeyn.
mekaaniko
Barashada raadka ay xoogaggu ku leeyihiin walxaha; waxana loo qaybiyaa labo: a) negayaal, oo ah raadka ay xoogaggu ku leeyihiin walxaha dheelitiran; b) daynaamik, oo ah raadka ay xoogaggu ku leeyihiin walxaha socda ama neg.
menijiito
Cudur ka mid ah cudurrada la is qaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada loo yaqaan “neisseria meningitidis” waxana la isugu gudbiyaa qufaca, hindhisada wuxuuna badanaa ka dillaacaa meelaha dadku ka badto, ilmaha ayaa u jilicsan qaadista cudurka.
meraayo
Xul. ld miraayo.
mereg
ąrag.
meregsanaansho
/dh ld maragsanaan.
merganaansho
/dh ld marganaan.
mergi
(c.nafl.) Daliigo seedo ah, xoog leh, isu haaya xubnaha nafleyda qaarkood, sida lafdhabarka labadeeda dhinac iyo luqunta.
merji
Nafley cuneheeda xoog uga qabasho si neefta ugu ceshanto. ld margi, marji, mergi², mirgi, mirji.
merjin
ld margin, margis, marjin, marjis, mergin, mergis.
meseggo
Nooc badarka ka mid ah, midabbo badan leh, galleyda ka yaryar geedkeedu dusha sare sabuul kuusan oo soo godan ku leh, aadna nafaqo u leh. ld masaggo.
metafisikis
Qeyb ka mid ah barashada falsafadda ee la xiriirta aragtiya wixii jira, iyo sidii aan ku aqoon lahayn in uu jiro.
metasoowa
(baay.) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
meyd
1. Qof naftii ka dhacday oo aan weli la xabaalin. 2. M. ah: qof karti yar oo aan wax qabsan karin.
meygaag
1. Geed-abaareed weyn oo laf adag oo dhuxul aad u madow oo wanaagsan leh. 2. Geed-abaareed weyn oo aan qodax lahayn oo qoryihiisa weelasha lagu cusho.
meyoosis
Nooc ka mid ah qaybsanka unugga, kaas oo soo saara afar unug taran, mid kastaana uu wato tirada koromosoomyada unugga waalidka.
meytakaal
Xus loo sameeyo dad dhintay.
meytakaalo
Meytakaal sameysasho.
meyti
Inta dhimatay. ld meyto, mowti, mowto.
mi'
Kaltan biyo qaybsiyeed.
mi'i
Wax tashiilid.
micaahido
Heshiis laba dhinac kala saxiixdaan. ld macaahado, mucaahado.
mici
/dh (-iyo, m.l/dh) 1. Ilkaha fiiqfiiqan ee u dhexeeya foolaha iyo gawsaha midkood. 2. Dalag meseggo, galley iwm oo markaa soo baxaaya.
micigabaar
1. M. ah: rati xooggiisu u dhanyahay. 2. M. ah: nin da'weyn oo garasho badan.
micigabaarrey
1. Islaan carruur badan dhashay oo reerka mulkisay. 2. Abeesa weyn.
miciin
1. Waxtar, kaalmo, gargaar, jimic, jixinjix. 2. ld miciinid. ld maciin¹.
miciindarro
Kaalma la'aan. ld maciindarro.
miciinid
ld maciin¹, maciinid, miciin¹.
miciinla'aan
Kaalma la'aan. ld maciinla'aan.
miciinlaawe
Qof aan naxariis, iyo kaalma midna lahayn. ld maciinlaawe.
miciinsasho
ld maciinsad, maciinsasho, maciinsi, miciinsad.
miciinso
Cid miciin ka dhigasho. ld maciinso.
miciyalisasho
ld micilisad, micilisasho, miciyalisad.
miciyaliso
Awr ama bahalaha kale ee qoor ah, marka ay wax guulayaan miciyo isku xoqid. ld miciliso.
miciyee
Wax miciyo ku qaniinid.
micraaj
Habeenkii Nebi Maxamad (n.k.h.a.) samada loo korsiiyay (27 bisha rajab).

