Qaamuuska Asalka
metasoowa
(-yo, m.dh)MagacLafdheeri
Macnaha
(baay.) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).

