0

moofo

m dh

Eeg: muufo

0

moog

m l (-gag, m.l)

1. Kol; mar. 2. Kal; mile; jil.

0

moogaan

m f dh

ld moogaansho.

0

moogaansho

m l

/dh eeg moogow. ld moogaan.

0

moogeysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid wax illowsiin.

0

moogeysiin

m f dh

ld moogeysiis.

0

moogeysiis

m l

Eeg: moogeysiin

0

moogow

f g3 (-gaaday, -gaatay)

Arrin wax aan war ka hayn noqosho.

0

moogtamid

m f dh

ld moogtan¹ (2).

0

moogtan

m l

1. Kaltan. 2. ld moogtamid.

0

moohaari

f g2 (-iyay, -isay)

Dalag beereed moohaar ku qiyaasid ama ku cabbirid.

0

moohaarin

m f dh

Eeg: moohaari

0

moohaarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la moohaariyey ahaansho (dalag beereed).moos² 2. Wax qaab humbulan leh ahaansho (nafley).

0

moohaarsanaan

m f dh

ld moohaarsanaansho.

0

moohaarsanaansho

m l

/dh ld moohaarsanaan.

0

mool

m l (-lal, m.l)

Meel biyo fadhiyaan oo dhulkii aan la gaari karin ama aad u fogyahay; qusur.

0

moolal

m l (kiim.)

Ribnaan.

0

moolarnaan

m dh (kiim.)

Tirada moolasha ah ee milme ee ku jira hal disimitir oo saddex jibbaaran (1 litir) oo mile ah.

0

moolaska

m l (c.nafl.)

Faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad muruqaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda qolof adag oo dabool ah.

0

moole

m l (-layaal, m.l/dh)

Aqallada miyiga jaad ka mid ah.

0

moolikiyuul

m l (-llo, m.dh)

(kiim.) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.

0

moolikiyuul-cirifle

m l (-layaal ..., m.l/dh)

(kiim.) Molikuyuulka dabarradiisa ciriflaha ahi aanay midina u habaysnayn wanqaran qumman, sidaa darteedna aan dheellitirnayn. Molikuyuullada noocan ahi waxa ay leeyihiin maroojis laba cirifle.

0

moolikiyuul-weyne

m l (-layaal ..., m.l/dh)

(kiim.) Moolikiyuul weyn; taas macnaheedu waa taran badane dabiici ah ama mid dadku sameeyeen ah.

0

moollee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Wax, wax jilicsan oo diismaya ka dhigid.

0

moolleyn

m f dh

ld moolleys.

0

moolleys

m l

Eeg: moolleyn

0

moollo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Gariirad. 2. Wax jilicsan oo diismay.

0

moolnimo

m dh

Mool ahaansho.

0

moolo

m dh (-ooyin, m.l)

Xubnaha taranka ee ragga; xiniinyo.

0

moomah

m dh

Eeg: moobah

0

moonooboli

m l (-looyin, m.l)

(dhaq.) Haysasho buuxda ee ka ganacsi alaab ee gaar u ah qof ama koox ayna ku adagtahay dadka kale inay ka qayb galaan ganacsigaas.

0

moonosayt

m l (-tyo, m.dh)

(baay.) Nooca ugu weyn ee unugga dhiigga cad, kaasi oo uu soo saaro habdhiska limf, muhimaddiisuna tahay ka difaacidda jidhka cudurrada. Wuxuu leeyahay bu'weyn iyo saytobalaasam saafi ah.

0

moor

m l (-rar, m.l)

1. Shay cusub ama aan la doonayn in la furo wax lagu xiro. 2. Lacagaha la bixinayo canshuur yar oo boqolkiiba in dawladdu ku leedahay. 3. M. ah: qof cayr ah.

0

mooradduug

m l

Dhac aan wax la isku reebin. ld mooradduugid.

0

mooradduugid

m f dh

ld mooradduug¹.

0

moorayn

m f dh

ld moorays.

0

moorays

m l

Eeg: mooreyn

0

mooraysad

m l

Eeg: mooraysasho

0

mooraysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax mooro ku jira ahaansho (xoolo).

0

mooraysasho

m f dh

ld mooraysad, mooraysi.

0

mooraysi

m l

Eeg: mooraysasho

0

mooraysnaan

m f dh

ld mooraysnaansho.

0

mooraysnaansho

m l

/dh ld mooraysnaan.

0

moorayso

f g3 (-stay, -satay)

Xoolo mooro ku xereysasho.

0

moordi

m l

1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.

0

moordoobid

m f dh

ld moordow¹.

0

moordow

m l

Aad u cadhoobidda xooluhu cadhoobaan. ld moordoobid.

0

mooree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Xoolo mooro gelin.

0

moorif

m dh

Wasaq jilif leh oo dadku marka uusan muddo mayrsan korka ku yeesho.

0

mooro

m dh (-ooyin, m.l)

1. Xerada xoolaha la geliyo ama lagu xereeyo. 2. Faalka baydadkiisa dhexda ku jira. 3. Manaasisha dayaxu fariisto mid ka mid ah.

0

mooryaan

m dh u

1. Dad cayr ah. 2. Dad ku nool boob, dhac iyo dil. 3. M. ah: xoolo jirkooda cadho jilifaysay.

0

moos

m l (-sas, m.l/-syo, m.l)

1. (bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2).

0

moos-bukeeni

m l

Moos waaweyn oo marka la kariyo la cuno.

0

moos-wabiyeed

m l (-dyo, m.dh)

(jool.) Dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darteed webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.

0

moosan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la moosay ahaansho.

0

moosasho

m f dh

Eeg: mooso

0

moosdameeri

m l

Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.

0

moosid

m f dh

Eeg: moos³

0

moosin

m l (-nno, m.dh)

1. Dabayl xilli ku socota oo ka dhacda badweynta Hindiya iyo Aasiyada koofureed. 2. Xilli; wakhti. 3. Nooc ka mid ah doonyaha.

0

moosnaan

m f dh

ld moosnaansho.

0

moosnaansho

m l

/dh ld moosnaan.

0

mooso

f g3 (-stay, -satay)

Moos samaysasho.

0

mootan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax dhintay ahaansho. 2. Qoor aan dheddigoodka u kacsanayn ahaansho.

0

mootanaan

m f dh

ld mootanaansho.

0

mootanaansho

m l

/dh ld mootanaan.

0

mooti

f g2 (-iyay, -isay)

Wax meel dhaafin ama gudbin.

0

mootin

m dh (fiis.)

Astaanta ay walaxi ku oggolaato in kaah dhex maro, isaga oo aan la nuugin ama aanu weecan.

0

mooto

m dh (-ooyin, m.l)

Gaadiid laba lugood, matoor iyo laba meelood oo la qabsado leh oo la fuulo.

0

mooy

m l

1. Nooc shimbiraha ka mid ah. 2. ld mooye (2). Neef xoolaad oo tood ah (tooji).

0

mooyaane

qr. Qurub macnihiisu yahay “haddii laga reebo”; ma ahee. Tus. “Adiga m. qof kale ma imaan”. ld maahane, mooyee, mooyiye.

0

mooye

m l (-yayaal, m.l/dh)

1. ld moy. Weel qori ama bir ka samaysan oo ay tibi weheliso oo badarka iwm lagu tumo. 2. ld mooy (2) M. ah: neef lo' ah oo aan geeso lahayn.

0

mooyee

qr. ld mooyaane.

0

mooyiye

qr. ld mooyaane.

0

moqor

m l (-rro, m.dh)

1. Dalool yar oo jirridaha dhirta waaweyni yeelato oo kolkii biyaha roobku galaan dhuuno lagaga cabbo. 2. Dululaati hulan oo ku dhex jira jidh adag. ld maqoor.

0

moqor-sambabeed

m l (-dyo, m.dh)

Dhinaca naasleyda, qayb ka mid ah qaaxada (saabka) hore ee bogga, waxaana ku jira sambabada.

0

moqorka-kalka-wadnaha

m l (c.nafl)

Moqor uu ku yaallo wadnuhu. Dhinaca lafdhabarleyda waa qayb ka mid ah qaaxada oo ka soocan moqorka kalka ubucda.

0

moqorof

m l (-fyo/moqorof, m.dh)

Shay bir ka samaysan oo af xalleefsan leh oo ciidda iwm lagu qaado marka wax la dhisayo.

0

moqorsasho

m f dh

ld maqoorasho.

0

moqorso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Neef dhali raabo minkiisa kalabbixid. 2. Welwel dhan waliba la eegid (neef foolanaya). ld maqooro.

0

moqotin

m l (-nno, m.dh)

Kooraha labadiisa dhinac ee qofku dhex fariisto midkood.

0

moraal

m l

Dareen ku taxalluqa dabeecadda aadanaha ee kala sooca saxa iyo khaladka.

0

morayn

m dh (jool.)

Bur-bur dhadhaabeed kasta oo ka hara dhaqaaqa dhadhaabta baraf weynuhu uu hoosta ku jiidayo.

0

morfiin

m dh (-nno, m.dh)

(daaw.) Dawo aad u xoog badan oo xanuunka bi'sa keentana hurdo, waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo xanuun daran oo joogto ah.

0

morfooloji

m l (Baay.)

Barashada qaabka iyo dhismaha, noolayaasha, gaar ahaan qaababkooda dibadda.

0

moroh

m l (moroh, m.dh)

Jaad ka mid ah dhirta oo dhala beeyo udgoon.

0

motoor

m l (-rro, m.dh)

Qalab qaab tamareed sida, tamar danab u beddela tamar socod. ld matoor.

0

motooriste

m l (-tayaal, m.l/dh)

Qof matoor ku shaqaya ama aqoon gaar ah u leh. ld matooriste.

0

motootax

f mg1 (-xay, -xday)

Eeg: mataatax²

0

motootaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: mataataxsan

0

motootaxsanaan

m dh

Eeg: mataataxsanaan

0

motootaxsanaansho

m l

/dh ld mataataxsanaan.

0

motootixi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: mataatixi

0

motootixid

m dh

Eeg: mataatixid

0

motootixin

m dh

Eeg: mataatixin

0

mowd

m l

mųdasho

0

mowhibo

m dh (dii.)

Hibo waxgarasho oo Eebbe ku manaysto dadka qaarkiis.

0

mowjad

m dh

Eeg: mawjad

0

mowlac

m l (-cyo, m.dh)

(dii.) Meel yar oo lagu cibaadaysto oo Eebbe lagu baryo. ld mawlac.

0

mowle

m l

Eeg: mawle

0

mowliid

m l

Eeg: mawliid