0

mululi

f g2 (-iyay, -isay)

Caano ciir ah dhay ku darid.

0

mululid

m f dh

ld mulul¹(4).

0

mululin

m f dh

Eeg: mululi

0

mululrimid

m f dh

ld mululrin¹.

0

mululrin

m l

Rimidda uu rimo dheddig mulul ah. ld mululrimid.

0

muluq

m l (-lqo, m.l/muluq, m.dh)

Ilmo da'diisu ka yartahay (6) lix bilood; murjuc.

0

muluqmuluq

m dh

1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.

0

muluqmuluqlayn

m f dh

Eeg: muluqmuluqlee

0

muluqmuluqlee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Muluqmuluq samayn.

0

mulux

m l (-xyo, m.dh)

Qare markaas soo baxay oo yar.

0

mulxid

m l (-diin, m.dh)

(dii.) Gaal, kufri; qof aan diimaha rumaysnayn.

0

mulxidnimo

m dh (dii.)

Mulxid ahaansho.

0

munaaddee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Eeg: muraaddee

0

munaaddeyn

m dh

Eeg: muraaddeyn

0

munaaddo

m dh

Eeg: muraaddeyn

0

munaafaq

m l (-qyo/-fiqiin, m.dh)

1. Qof hadalka uu sheego iyo falka uu samaynayaa is-khilaafsanyihiin. 2. (dii.) Qof sheegta inuu diinta Islaamka rumaysanyahay laakiin aan aaminsanayn.

0

munaafaqnimo

m dh

Munaafaq ahaansho.

0

munaasab

m l kh

M. ah: hadal habboon ama macquul ah. ld munaasib.

0

munaasabo

m dh (-ooyin, m.l)

Wakhti arrin wax ku qabashadeed ku habboon.

0

munaasib

m l kh

Eeg: munaasab

0

mundul

m l (-llo, m.dh)

Aqal wareegsan oo inta badan dhis iyo dhoobo ka samaysan oo leh saqaf dhis iyo caws ah oo kor u fiiqan. ld muddul, mundulle.

0

mundulle

m l

Eeg: mundul

0

munkar

m l

1. (dii.) Magac guud oo kulmiya falalka Eebbe addoomihiisa ka xaaraantiimeeyey oo dhan. 2. (dii.) Labada malag ee dadka dhinta qabriga wax ku su'aala midka aan Nakiir ahayn.

0

munnaarad

m dh (-do, m.l)

1. Kuud kor u dheer oo dusha iftiin ku leh oo xeebaha badaha lagu sameeyo si gaadiidka badaha loogu hago marsooyinka. 2. (dii.) Qudbiga masaajidka ee laga addimo. ld minaarad.

0

munshaar

m l

Eeg: mushaar

0

munshaaro

m dh

Eeg: mushaar

0

muqaaddaraad

m l

Eeg: mukhaaddaraad

0

muqaal

m l (riw.)

Qayb ka mid ah riwaayad ama filin.

0

muqaal-dambe

m l (riw.)

Sawirro lagu bilo goob masraxeedda.

0

muqaddas

m l

1. (dii.) Waxyaabaha diinta la xiriira oo la dhowro ee aan dhaliil laga bixin karin, sida quraanka iyo xadiiska. 2. (dii.) Meel Eebbe lagu caabudo. 3. Waajib ay khasabtahay in fuliyo.

0

muqarrar

m l (-rro, m.dh)

Qorshe habaysan oo ku saabsan waxbarasho.

0

muqdaaf

m l (-fyo, m.dh)

Loox dacal ballaaran oo lagu seebiyo huuriga iyo bedenka. ld miqdaaf.

0

muqdaafi

f g2 (-iyay, -isay)

Huuri muqdaaf ku seebin. ld miqdaafi.

0

muqdaafin

m f dh

ld miqdaafin.

0

muqlay

m l (-qlo/muqlay, m.dh)

Geed-quwaax, qodax yaryar, caleen dhuudhuuban iyo asal wanaagsan oo lagu megdisto. ld muqle.

0

muqlaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Neef xoolo ah wax muqlo hayso ahaansho.

0

muqlaysnaan

m f dh

ld muqlaysnaansho.

0

muqlaysnaansho

m l

/dh Wax muqlaysan ahaansho.

0

muqle

m l

; muqlo.

0

muqleeye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Gafane.

0

muqlo

m dh

1. Cudur neefka socodkiisa miisaanka lumiya ama uu la dheeldheeliyo oo uu ka qaado shilin cuntay. 2. Shilinta qaniinyedeeda cudurkaa keento. ld muqle.

0

muqloo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Neef xoolo ah wax cudurka muqlo qaaday noqosho.

0

muqloobid

m f dh

ld muqlow¹.

0

muqlood

m f l

Eeg: muqloo

0

muqlow

m l

Qaadidda uu neef xoolo ah qaado cudurka muqlaha. ld muqloobid.

0

muqmad

m dh

Hilib aad u yaryar oo shiilan oo cunno ahaan dad u keydsadaan; oodkac.

0

muqmadayn

m f dh

Eeg: muqmadee

0

muqmadaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Hilib wax muqmad laga dhigay ahaansho.

0

muqmadaysnaan

m f dh

ld muqmadaysnaansho.

0

muqmadaysnaansho

m l

/dh ld muqmadaysnaan.

0

muqmadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Hilib muqmad ka dhigid.

0

muqshabeel

m l (-llo, m.dh)

1. Harimcad. 2. Qof ay iska dhaleen dheddig iyo lab kala midab ah.

0

muqsul

m l

/dh ld musqul.

0

muquuf

f mg1 (-fay, -ftay)

1. Muquurid. 2. Qof meel si macno la'aan ah u dhex marmarid.

0

muquufid

m f dh

Eeg: muquuf²

0

muquuni

f g2 (-iyay, -isay)

1. Xoolo maquuno ah bixin. 2. Xoog wax ku meel marsiin. ld maquuni.

0

muquunin

m f dh

ld maquunin.

0

muquuno

m dh (-ooyin, m.l)

1. Xoolo aan qiimo lahayn oo cid deeq ahaan loo siiyo. 2. Khasab, sandullays. ld maquuno.

0

muquunsad

m l

Eeg: muquunsasho

0

muquunsasho

m f dh

ld maquunsad, maquunsasho, muquunsad.

0

muquunso

f g3 (-saday, -satay)

Xoog wax ku meel marsasho. ld maquunso.

0

muquur

f g1 (-ray, -rtay)

Eeg: maquur²

0

muquuri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: maquuri

0

muquurid

m dh

Eeg: maquurid

0

muquurin

m dh

Eeg: maquurin

0

muquursan

f g4 (-naa, -nayd)

Eeg: maquursan

0

muquursanaan

m dh

Eeg: maquursanaan

0

muquursanaansho

m l

/dh ld maquursanaan.

0

muquus

m l

1. ld muquusid. Quusidda biyo hoos loo quuso. 2. Muquuf¹.

0

muquusid

m f dh

ld maquus¹, maquusid, muquus¹ (1).

0

mur

m l

Kalluun aad u yaryar oo markaas ugxantii ka baxay oo lullumada qaabkeeda leh.

0

mųr

m l

Xubinta taranka ee haweenka.

0

muraad

f mg1 (-day, -dday)

U m.: cid ama meel dan ka yeelasho.

0

muraaddee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Wax xaraashid ama qiimo jaban ku iibin. ld munaaddee.

0

muraaddeyn

m f dh

ld munaaddeyn, munaaddo, muraaddo.

0

muraaddo

m dh

Eeg: muraaddeyn

0

muraadi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid muraad u qumin. 2. Ducayn.

0

muraadid

m f dh

Eeg: muraad²

0

muraadin

m f dh

Eeg: muraadi

0

muraadsad

m l

Eeg: muraadsasho

0

muraadsasho

m f dh

ld muraadsad, muraadsi.

0

muraadsi

m l

Eeg: muraadsasho

0

muraadso

f mg3 (-saday, -satay)

Soo m.: muraad qunsasho; danaysasho.

0

muraajaco

m dh

Ku noqoshada duruus hore loo akhriyey, qoray, fasiray mar kale lagu noqdo.

0

muraaqo

m dh (dii.)

Jidbo; burur.

0

muraaqoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

1. (dii.) U m.: arrin diimeed u jidboosho. 2. U m.: ciyaar u bururid.

0

muraaqood

m f l

Eeg: muraaqoo

0

muraaradillaac

f mg1 (-cay, -cday)

Si aad ah u nixid. ld marooradillaac².

0

muraaradillaaci

f g2 (-iyay, -isay)

Cid si aad ah uga nixin. ld marooradillaaci.

0

muraaradillaacid

m f dh

ld marooradillaacid.

0

muraaradillaacin

m f dh

ld marooradillaacin.

0

muraayad

m dh (-do, m.l)

1. Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye. 2. (m.w) (- do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.

0

muraayo

m dh

Eeg: muraayad

0

murabbi

m dh

Eeg: marabbi

0

muran

m l

Dood aan layska gar qaadanayn oo asaraar miiran ah.

0

muransan

f mg4 (-naa, -nayd)

Laba qof ama ka badan wax murmay ahaansho.

0

muransanaan

m f dh

ld muransanaansho.

0

muransanaansho

m l

/dh ld muransanaan.

0

murbax

m l

; mudbixid.

0

murbaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: mudbaxsan