majasuuxsanaansho
/dh ld manjasuuxanaan.
majeerasho
ld majeerad.
majeero
1. Wax si aad ah u jeclaansho; jammasho. 2. Wax ku dhaygagid.
majiir
1. Dib u celinta wax ama arrin soconayey gadaal loo celiyo. 2. (-rro, dh.) Suunka dhanka hoose ee kooraha ka lusha oo caloosha faraska looga xiro.
majiirasho
ld majiirad.
majiire-dayaxeed
(c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere (gaar ahaan dayaxa) marka loo eego dhulka.
majiire-qorraxeed
(c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere marka loo eego qorraxda. Marka uu dhulka ugu fogyahay wuxuu qorraxda u jiraa 94.5 milyan oo mayl.
majiirid
ld majiir¹.
majiiro
Calool xanuun dartii la rogrogmasho. Tus. “Caloosha baa i majiiranaysa”.
majiirsii
Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marsiin.
majin
Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. ld majinow, majimow.
majlis
1. Meel fadhi wanaagsan leh oo la iskugu yimaado. 2. Shir wax lagu go'aaniyo.
majnuun
Qof waalan.
majoqaris
Biyo aan qof liqi karin.
majuuji
Maro qoyan, liin iwm xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro.
majuujin
ld majuujis, majuujo.
majuujiso
Maro iwm oo qoyan maroojin si biyaha looga saaro.
majuusi
Dadka dabka caabuda.
makaab
Qoryo ama tiirar afka laga saaro ceelasha, si ay u sahlanaato shubiddooda; xakab.
makaaban
Wax makaab afka laga saray ahaansho (ceel).
makaabi
Ceel makaab u yeelid.
makaabin
ld makaabis.
makaabnaan
ld makaabnaansho.
makaabnaansho
/dh ld makaabnaan.
makaan
1. Hooy; guri. 2. Ilmagaleenka haweenka.
makaanig
M. ah: qof yaqaan farsameynta matoorrada.
makaawi
Kuul waaweyn oo gadgaduudan oo dumarku ku xarragoon jireen.
makaay-aaramow
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar iyo degaanka Jowhar.
makal
Khatar weyn.
makalaalax
M. ah: Qof hurdo laga kiciyay oo aan weli baraarugin.
makalaalaxsan
Wax makalaalaxay ahaansho (qof).
makalaalaxsanaan
ld makalaalaxsanaansho.
makalaalaxsanaansho
/dh ld makalaalaxsanaan.
makalan
Wax waxyeelo weyn la gaarsiiyey ahaansho (nafley).
makalnaan
ld makalnaansho.
makalnaansho
/dh ld makalnaan.
makaraan
1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.
makaroofi
Qof dhib badan oo dhega-adag.
makas
1. Dadka inta garashadoodu gaabantahay; maangaab; caamo. 2. Ilmo aan weli caqli fiican yeelan. ld makasto.
makeekee
Cid wax ka qarin.
makeeko
Gogol.
makhaane
Suun dun ka samaysan oo fardaha madaxa loogu xiro. ld maqaame.
makhaayaadle
Qof makhaayad leh. ld maqaayadle.
makhaayad
Meel cunto karsan lagu iibsado oo leh kuraas iyo miisas cuntada lagu cuno iyo shaqaale cuntada keena. ld makhaayo, maqaayad, maqaayo.
makhabbiyad
Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhowrsan oo aan loo oggoleen in ay dibadda u soo baxdo. ld makhabbiyo.
makharje
M. ah: harar lagu naqshay midabbo kala duwan oo aan kala soocnayn.
makhluuq
1. Nafleyda Eebbe abbuuray oo dhan; uun. 2. Dad.
makhmal
Maro xariir ah oo ay haweenkii hore qaadan jireen.
makhmarad
Weel khamrada laga gato laguna cabbo.
makhnaatad
Hadal ama dhaqan aad u xun. ld makhnaato.
makhoor
1. Hab doonyaha shiraaca leh u socdaan marka ay aadayaan jihada ay dabayshu ka imaaneyso iyagoo hadba dhan isu dadbaya. 2. ld makhoorid.
makhoorid
ld makhoor¹, mokhoor¹, mokhoorid.
makhuursanaansho
/dh ld maquursanaan.
makiinad
1. Mashiin. 2. Sakiin.
makooko
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Jilib.malanda'¹
maktabad
1. Meel buugag badan oo kala jaad ah yaalliin oo laga amaahsado ama lagu akhristo. 2. Dukaan buuggagta, wargeysada, waraaqaha xafiiska iwm loogu iibsho.
makuuti
Caws guryaha carshaanta ah la saaro oo laga sameeyo geedka qunbaha.
mal
1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
mala-abbaar
Mala'awaal.
mala-awaal
Wax aan la hubin oo male ku dhisan.
malaa'ig
1. Saddexda uun ee caanka ah, kan aan ahayn insiga iyo jinka oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray. 2. Heer ka mid ah koritaanka xasharaadka qaarkood oo u dhexeeya heerka diirdiirrada, lullumada iwm iyo heerka ugu dambeeyo ee ay gaaraan. 3. eeg malag¹.
malaace
(bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa. Malaacayaasha waxa loo qaatay in ay yihiin caleemo horumaray oo leh dhismo sahlan.

