Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 13 of 36.
maqnaddiis
1. Maaddo dhulka oogadiisa iyo gudahiisa laga helo oo awood u leh soo jiidashada biraha. 2. Xoog wax soo jiita.
maqnow
1. Qof aan joogin noqosho. 2. Qof maahsan noqosho.
maqoorad
Wax maamulasho.
maqooradid
ld maqoorad¹.
maqoorado
Wax maammuulasho (arrin, xafiis, guri iwm).
maqoorasho
ld maqoorasasho.
maqrib
1. Galabnimada marka qorraxdu dhacdo. 2. (dii.) Salaadda la dukado marka qorraxdu dhacdo. ld makhrib.
maqsin
1. Baqaar. 2. Qol. ld makhsin.
maqsinka-dawada
(daaw.) Meel dawooyin takhtar soo qoro lagu diyaariyo oo lagu siiyo bukaannada sida badan waxay ka mid tahay qaybta bukaansocod-eektaada ee isbiitaal leeyahay.
maqsuud
M. ah: qof wuxuu rabo haysta. ld mabsuud¹.
maqsuudi
Cid maqsuud ka dhigid. ld mabsuudi.
maqsuudid
ld mabsuudid.
maqsuudin
ld mabsuudin.
maquur
Biyo hoos u gelid. ld makhuur², mukhuur², muquur².
maquuri
Cid biyo hoos ugu riixid. ld makhuuri, mukhuuri, muquuri.
maquurid
ld makhuur¹, makhuurid, maquur¹, mukhuur¹, mukhuur.
maquurin
ld makhuurin, mukhuurin, muquurin.
maquursan
Wax la maquuriyey ahaansho. ld makhuursan, mukhuursan, muquursan.
maquursanaan
ld makhuursanaan, makhuursanaansho, maquursanaansho,
maquursanaansho
/dh ld maquursanaan.
mar
1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.
mar4
1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.
maraa
Geed qodax leh oo laf adag. ld maraay.
maraabayn
ld maraamayn.
maraabee
Doon, markab iwm hadba dhan u iilasho. ld maraamee.
maraabo
Dheeldheelliga uu sameeyo markab doon iwm oo badsaaran. ld maraabe, maraame, maraamo.
maraaci
1. Salaaxidda haweeney la salaaxo. 2. ld maraaciyid.
maraaciyid
ld maraaci¹.
maraado
Qof gef sameeyay neef ganaax ahaan looga qalo.
maraamiir
Nooc mallaayga gadiirka u eg oo badda soomaaliyeed ku badan.
maraar
Qalqalooc ama xarar wax la qorayo loo yeelo.
maraarnimo
Xaalad cudureed oo ka timaada ayadoo lagu dhasho shaqi yari qanjirdhiiqa taayroyd. Astaamaha ahaan: gaabni, caqli dhimanaan, muuqaalka wajiga oo gaar ah.
marabbi
Neef rabbaayad ah oo aan dadka ka cararin. ld murabbi.
marabboob
Ubax la mood qodxo yaryar ah oo ka baxa nooc cawska ka mid ah oo dharka ku dhega.
maradhaami
Cid maaweelo nayaayiro leh u jeedin.
maradhaamo
Maaweelo nayaayiro leh.
maradhaari
Wax dhaqaalayn. ld maradhaaree.
maradhaarin
ld maradhaarayn, maradhaaris, maradhaaro.
maradhaaro
Tashiilidda wax la tashiilo. ld maraadharin.
maradhaarso
Wax tashiilasho.
marafur
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban oo wax lagu dhisto, waxna lagu daaweeyo.
marag
1. Qof wax dhacay goobjoog u ahaa; markhaati. 2. Arrin ama raad caddaynayo wax dhacay.
mąrag
Ceego. ld mereg.
maragfur
Sheegidda wax dhacay oo goobjoog loo ahaa la sheego. ld maragfurid.
maragfurid
ld maragfur¹
maragkac
Wax dhacay oo goobjoog loo ahaa sheegid.
maragkicid
ld maragkac¹.
maragmaddoonto
M. ah: dhacdo cad oo aan markhaati u baahnayn.
maragsan
Nafleey wax la merjiyay ahaansho. ld meregsan.
maragsanaan
ld maragsanaansho, meregsanaan, meregsanaansho.
maragsanaansho
/dh ld maragsanaan.
maragsii
Cid marag ka dhigasho. ld maragso.
maragsiin
ld maragsasho.
marakaneeco
Dhar khafiif ah, dulduleel yaryar ah leh oo inta hab gaar ah loo tolomardaaddin sariiraha korkooda lagu dedo, kaneecadana laga galo; sinsinyeeri.
marakudheg
Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
maran
1. Weel wax aan wax ku jirin ahaansho, neef irmaan wax candhada laga maray ahaansho. 2. Qof wax maskaxda laga galay ahaansho.
maranti
Oori; afo.
maraq
1. Meyrax la jilciyay oo geela naasaha looga maro si aan loo nuujin. 2. Fuud.
maraqow
Hilib karis ka batay awgiis maraq noqosho.
maraqsaar
Miskaha geela korkooda.
maraqsanaansho
/dh ld marqanaan.
mararroobid
ld mararrow¹.
mararrow
1. Wax waqtilumis ah. 2. ld mararroobid.

