Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 23 of 36.
micyaan
Hunguriga cuntadu marto.
mid
Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.
midaal
Isle'eg ay ku rumoobayso dhammaan qiimayaasha suurtagalka ah ee loo doorto doorsoomeyaasha ku jira isle'eg.
midaar
Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la'.midig
midab
1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.
midab-arag-la'aan
Xaalad cudureed uusan qofka kala sooci karin aragga midabyo qaarkood. Nooca uga badan waxa la yiraahda daltoonism (protanodia), arkid la'an cagaarka iyo gaduudka (yacnii waa laysku khaldaa labadaa midab).
midabaysan
Wax la midabeeyey ahaansho.
midabaysnaan
ld midabaysnaansho.
midabaysnaansho
/dh eeg midabaysnow. ld midabaysnaan.
midabayso
Wax midab yeelasho.
midabbee
1. Hadba nooc iska dhigid. 2. Wax midabbo u yeelid.
midabdoori
Wax midab ka beddelid.
midabee
1. Wax midab u yeelid. 2. Reer hayaan ah habeen meel ku sii dhixid; midbee.
midabfaquuq
Cid midabkeeda ku takoorid. ld midabtakoor².
midabfaquuqid
ld midabtakoorid.
midabgaddoomid
ld midabgaddoon¹.
midabgaddoon
Wax midabkoodu beddelmay noqosho.
midabgumaysasho
ld midabgumaysi.
midabgumayso
Cid midabgumaysi ku samayn.
midabsawir-saafid
Xeelad lagu kala sooco ama lagu saafo iskujirrada kakan. Dhawr xeeladood oo la xiriira habkan ayaa jira, kuwa ugu muhiimsanina waa: midabsawir saafid dhuumeed, midabsawir saafid warqadeed, midabsawir saafidda lakabka dhuuban, midabsawir saafid neefeed iyo midabsawir saafidda isweydaarinta ayooneed.
midabside
(baay.) Walax midab leh, sida: mayogolobiin oo ah nooc ka mid ah himogolobiin lagana helo unugyada muruqa, iyo kolorokurooriin oo ah midabside neefsasho oo ka kooban bir laga helo dhiigga qaar ka mid ah faylamka analiida.
midabtakoor
1. (fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta intà gun iyo gob ka kala dhigta. 2. (siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq¹.
midabtakoorid
ld midabfaquuqid.
midbee
Reer hayaan ah habeen meel ku sii dhixid.
midbo
M. ah: cid hayaan ah oo habeen meel ku sii dhaxda.
midee
Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. ld mideysii.
mideyn
ld mideysiin.
mideysan
Wax la mideeyay ahaansho (dad).
mideysnaan
ld mideysnaansho.
mideysnaansho
/dh 1. eeg mideysnow. 2. ld mideysnaan.
mideysnow
Wax mideysan noqosho (dad).
midig
1. Qof wejigiisu waqooyi u jeedo dhiniciisa bari xiga. 2. Labada gamcood ee qof, midda aan bidixda ahayn ee badanaa la adeegsado.
midigee
1. Geel la lisayo hadba mar caanaheeda cantuugid. 2. Wax dhanka midig ugu xigid.
midigsaar
1. M. ah: xiriir saaxiibtinimo oo dhexmara laba qof ama ka badan, gacansaar. 2. ld midigsaarid.
midigsaarid
(2).
midiid
Catireynta weel la culayo aad loo catiriyo. ld madiid¹.
midiidid
ld madiidid.
midiidimi
/mg2 (-iyay, -isay) M./u m.: cid midiidin ka dhigid. ld madiidimi.
midiidimid
ld madiidimid, madiidimis².
midiidimin
ld madiidimin, madiidimis¹, midiidimis¹.
midiidin
1. Hawl si aad ah u barasho. Tus. “Cali hawshii buu midiidimay.” 2. Weel la culay aad u catireyn. ld madiidin².
midiidinnimo
Qof midiidin ahaansho. ld madiidinnimo.
midiidinsasho
ld madiidinsad, madiidinsasho, madiidinsi.
midiidinso
Cid midiidin ka dhigasho. ld madiidinso.
midnimo
Mid ahaansho (dad).
midoobid
ld midow¹ (2).
midow
Wax kala firirsanaan mid noqosho.
midxin
(baay.) Meel ballaaran oo ku taalla dheefmareenka oo samaysa kiish, kaas oo derbiyadiisa muruqyo adagi ku yaallaan. Shaqadiisu waxa weeye ridqidda cuntada. Waxaa laga helaa shimbiraha iyo lafdhabarla'da badankeeda.
mihi
Ku m.: cid wax aan la siinayn ku hunguri gelin. ld mehi, mohi, muhi.
mihiib
(Qof) wax hantiyid. ld mahiib.
mihiibi
Cid wax mulkisiin. ld mahiibi, mahiibsii, mihiibsii.
mihiibid
ld mahiib¹, mahiibid, mihiib¹ (2).
mihiibin
ld mahiibin.
mihiibsasho
ld mahiibsasho.
mihiibsii
U m.: cid hanti siin. ld mahiibsii.
mihiibsiin
ld mahiibsiin.
mihiibso
Hanti aan la siin qaadasho (qof). ld mahiibso.
mihin
Qof in wax la siinayo la dareensiiyo, oo kolkuu wax fisho, haddana aan wixii la siin; walacsi. ld mehin, mohin, mohis, muhin, muhis.
mihindis
Ku m.: dhismo, farsamo iwm oo cusub soo saarid.
mihindisid
ld mindihis¹.
mihindisoo
Ku m.: arrin aan dhaqan gelin ku fekerid.
mihinse
Fikrad aan dhaqan gelin oo maskaxda lagu hayo.
mihnad
Hawl gaar ah oo qofku si dhab ah u yaqaan oo ku xoogsado.
miibac
1. Wax aan fudayd ku jebin oo aad u adag. 2. Gaajo kulul oo aan bi'in oo xanuun-ka-warqab ah. ld mamac.
miicila'
Waxa lagu sharxa dhirta aan jirrid adag lahayn.
miid
1. ld miir 2. Hoore layiig ah oo shubma, sida: malabka, subagga iwm. 2. M. ah: hoore saafi ah oo aan wax kale ku labnayn.
miidaami
1. Wax meel durugsan oo ka soo noqodkeedu dhib yahay u eryid. 2. Nabar ama riddo si qiyaas la'aan ah meel ugu gemid.
miidaamin
ld miidaamis, miidaamo (3).
miidaamo
1. Wax aan la rabin oo meel uusan ka soo nabad noqonayn loo diro. 2. Nabar aan loo meel deyin oo la rido. 3. ld miidaan². 4. ld miidaamin.
miidaan
Xasil. ld miidaamo (3).
miidaanday
U m.: fal samayntii aad uga fiirsasho.
miidaansan
Wax la miidaanshay ahaansho (nafley).
miidaansanaan
ld miidaansanaansho.
miidaansanaansho
/dh ld miidaansanaan.
miiddan
Wax culays weyn leh ahaansho.

