Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 25 of 36.
miishmiisho
1. Cunto ama cabbitaan si tartiib ah u cunid ama u cabbid. 2. Hawl qabashadeeda ka warwareegid.
miisid
ld miis¹ (5).
miiso
Cunto beegasho.
mijagorosanaansho
/dh ld manjagororsanaansho.
mijarroorsanaansho
/dh ld manjarroorsanaan.
mijilic
M. ah: neef korriimadu ka xumaatay.
mijilis
1. ld majlis. 2. Loox laba lugood oo yaryar leh oo lagu fadhiisto gember.
mijirkoos
Maro adag midabyo badan u kala baxda oo la xiran jiray.
mikroskoob
Qalab loo adeegsado inuu aad u weyneeyo waxyaalaha aad u yaryar ee aan isha caadiga ahi lagu arki karin.
mil
me hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.
milaad
Qiyaasta qof maskaxdiisa wax ka qiyaaso.
milaadi
Wax maskax ka qiyaasid.
milaadso
Wax maskax ka qiyaasasho.
milaal
Wax mug leh, wax kale ka buuxin.
milaalan
Ka m.: wax mug leh oo wax kale laga buuxshay ahaansho.
milaalid
ld milaal¹.
milaalnaan
ld milaalnaansho.
milaalnaansho
/dh ld milaalnaan.
milan-caadi
(kiim.) Milanka ay ku jiraan culays hal garaam isudhigan halkii litir ee Milan ahba. Waxa sare lagu asteeyaa summadda N, sida O.2N, I.ON, iwm.
milan-hoose
(baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta yar milanka kale.
milan-joogtayn
Milanka ku nagaada qiime pH oo madoorsoome ah marka lagu daro asiidho ama alkaliyo. Milannada joogtaynta waxa badanaaba ku jira asiidh daciif ah iyo hal nooc oo cusbooyinkeeda ah taas oo ka dhalatay beys xooggan sida milan ah asitig asiidh iyo naatriyam asiteyt.
milan-sare
(baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta badan milanka kale.
milan4
Milme wax hoore ku qasmay ahaansho.
milay
1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. ld melay.
milcis
Ilmo yar oo aan socod baran. ld micis.
mile
(kiim.) Hoor awood u leh milidda walxaha kale (adke, hoor, ama neef) si milan u samaysmo. Milihu guud ahaan waa xubinta ugu badan milanka.
milgee
1. Cid xurmeyn. 2. Hadal asluub u yeelid. 3. Shabaag qaab milgo ah u sameyn. 4. Ceel miileyn.
milgeyso
1. Shabaag milgo ka dhigasho. 2. Ceel miileysasho.
milgo
1. Ulajeeddo wanaagsan, xurmo, muuno. 2. Shabaag ilo yaryar leh oo kalluunka lagu jillaabto. 3. Kal; miile.
milic
1. Qorrax. 2. Kulka fallaaraha qorraxda.
milicsasho
ld milicsad, milicsi.
milicso
1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax deg-deg u eegid.
milif
/dh Raar ama maro duug ah.
miliilic
Eegitaan isha lala sii raaco wax ay laabtu u bogtay. ld miliilicid.
miliilicid
ld miliilic¹.
miliilico
Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.
milikh
Cagaar roob soo saaray oo jilicsan.
milil
1. Dhecaan malax iyo dhiig isugu jira oo ay nabarrada hurgumaa yeeshaan. 2. Dhecaan ka yimaada nafley dhimatay marka ay muddo meel taal.
mililikh
Dhar jilicsan sida malkhabadda oo faraha ka siibanaya.
mililikhsan
Wax mililikh ah ahaansho (dhar).
mililikhsanaan
ld mililikhsanaansho.
mililikhsanaansho
/dh ld mililikhsanaan.
miliq
Balagga digirtu marka uu curdunka yahay.
miliqsan
Wax si aan habaysnayn isugu dhex jira ahaansho (xarig).
miliqsanaan
ld miliqsanaansho.
miliqsanaansho
/dh ld miliqsanaan.
militeri
Ciidan ku hubaysan qalab dagaal oo dal u qaabilsan daafaca.
milix
Cusbo.
milixaysnaansho
/dh ld milxaysnaan.
milixsanaan
Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta eemindhismo badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.

