0

macsarad

m dh (-do, m.l)

Saliid cunto oo laga helo miraha geedka sisinta marka la shiido. ld macsaro (2).

0

macsaro

m dh

1. Saliid m. ah: saliid sisin lagu sameeyay. 2. ld macsarad.

0

macshar

m l

Meel dad badan ay isugu soo ururaan.

0

macsi

m dh (-iyo, m.l)

(dii.) Isu galmoodka nin iyo naag aan meher u dhexeyn; sino.

0

macsiley

m dh (-yo, m.l)

(dii.) Haweeney macsida badsata.

0

macsilow

m l (-wyo, m.l)

(dii.) Nin macsida badsada.

0

macsuum

m l

Qof martiqaad loo fidiyey.

0

macsuuman

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof la macsuumay ahaansho.

0

macsuumid

m f dh

Eeg: macsuum²

0

mad

m l

1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹.

0

mad-hab

m dh (-bo, m.l)

(dii.) Afarta dugsi oo waaweyn ee fiqiga Islaamka middood (Xanafi, Shaafici, Xanbali iyo Maaliki). ld madhab.

0

mad'hab

m dh (-bo, m.l)

Eeg: mad-hab

0

madaa'iix

m dh w

Eeg: madiix¹

0

madaabax

m l

Goodir lab oo aad u weyn.

0

madaafiic

m dh w

Eeg: madfac

0

madaal

m l (-llo, m.dh)

1. Weel badarka iwm lagu cabbiro. 2. Badar dhan hal madaal muggis.

0

madaali

f g2 (-iyay, -isay)

Badar iwm madaal ku cabbirid.

0

madaalin

m f dh

ld madaalis.

0

madaalis

m l

Eeg: madaalin

0

madaar

m l

1. Gadgaddoonka iyo taaha uu qof buka sameeyo xanuun awgiis. 2. Cida ay sameeyaan xoolo ilmohooda u soo insaarixinaya.

0

madaarid

m f dh

Eeg: madaar²

0

madaddaalad

m l

Eeg: madaddaalasho

0

madaddaalasho

m f dh

ld madaddaalad.

0

madaddaali

f g2 (-iyay, -isay)

Cid maawelin.

0

madaddaalin

m f dh

ld madaddaalis.

0

madaddaalis

m l

1. Maaweelinta cid la maaweeliyo. 2. ld madaddaalin.

0

madaddaalo

m dh (-ooyin, m.l)

Wax xiiso leh oo waqtiga la isku dhaafiyo.

0

madag

m dh (-dko, m.l)

Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.

0

madal

m dh

1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. ld madar².

0

madalbaaji

f mg2 (-iyay, -isay)

Meel lagu ballamay ka maqnaasho (qof).

0

madalbaajin

m f dh

ld madalbaajis.

0

madalbaajis

m l

Eeg: madalbaajin

0

madalhufi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof marin habaabin.

0

madalhufin

m f dh

ld madalhufis.

0

madalhufis

m l

Eeg: madalhufin

0

madalsad

m l

Eeg: madalsasho

0

madalsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof ballan cid la dhigtay ahaansho. ld madashan.

0

madalsanaan

m f dh

ld madalsanaansho (2), madashanaan, madashanaansho.

0

madalsanaansho

m l

/dh eeg madalsanow. ld madalsanaan.

0

madalsanow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Qof cid ballan la galay noqosho. ld madashanow.

0

madalsasho

m f dh

ld madalsad, madashad, madalsi.

0

madalsi

m l

Eeg: madalsasho

0

madalso

f g3 (-saday, -satay)

1. Meel shir ah arrin ka soo jeedsasho. 2. Cid ballansasho. ld madasho.

0

madan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

1. Wax dhagax lagu arjimay ahaansho. 2. Wax dhawaaqiisa la jiiday ahaansho (xaraf). ld medan.

0

madane

m l

Eeg: maddane

0

madar

m l

1. Tooxo yar oo buuro u dhexeysa. 2. Nooc bulukeetiga ka mid ah oo ka samaysan dhoobo iyo caws la isku qallajiyey.

0

madashad

m l

Eeg: madalsasho

0

madashan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: madalsan

0

madashanaan

m dh

Eeg: madalsanaan

0

madashanaansho

m l

/dh ld madalsanaan.

0

madashanow

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: madalsanow

0

madasho

f g3 (-shaday, -shatay)

Eeg: madalso

0

madax

m l (-xyo, m.dh)

1. Oogada qaybta sare ee nafleyda. 2. Maskax, laab, caqli. 3. Baab. 4. Koox, qayb. 5. Dhool (roob); garab; saylaan. 6. Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale.

0

madax-adag

f mg4 (-dkaa, -dkayd)

Qof aan wax laga dhaadhicin karin ahaansho.

0

madax-adayg

m l

Wax ka dhaadhicid la'aanta qof ku sugnaado, garmaqaatenimo.

0

madax-adaygid

m f dh

Eeg: madax-adayg²

0

madax-adhaxley

m dh (c.nafl.)

Faylam hoosaad ka tirsan adhaxleyda oo xubnaha ka tirsan oo dhani ay yaryaryihiin, dirxiga ayey u egyihiin, waana xayawaan biyood ku nool ciidda. Astaamahooda waxa ka mid ah a) Maskax ma leh, b) qalfoof lafeed ma leh. Tusaale: amfiyooksas. ld madax-araxley.

0

madax-adkaan

m f dh

ld madax-adkaansho.

0

madax-adkaansho

m l

/dh ld madax-adkaan.

0

madax-araxley

m dh

Eeg: madax-adhaxley

0

madax-xanuun

m l (daaw.)

Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer. ld madaxwareer.

0

madax-xige

m l (-gayaal, m.l/dh)

Miisaaniyadda dawladda iwm qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.

0

madaxbannaan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Hay'ad iwm oo danahooda u xor ah ahaansho. 2. Haweeney aan nin lahayn ahaansho. 3. Dawlad calan leh oo xor ah ahaansho.

0

madaxbannaanaan

m f dh

ld madaxbannaanaansho, madaxbannaani.

0

madaxbannaanaansho

m l

/dh eeg madaxbaannanow. ld madaxbannaanaan.

0

madaxbannaani

m dh

Eeg: madaxbannaanaan

0

madaxbannaanow

f mg3 (-naaday, -naatay)

1. Ka m.: hawl iwm fulinteeda xor u noqosho. 2. Ka m.: cid cid kale maamulkeeda, xukunkeeda iwm ka xor noqosho.

0

madaxbuq

m dh (bot.)

Geedgaab faallala oo leh laamo jilicsan iyo bari weyn oo dharka lagu mayrto; maskaxbuq; qasanqas; madaxbushi. ld madaxbushi, maskaxbuq.

0

madaxbushi

m l

Eeg: madaxbuq

0

madaxee

f g2 (-xeeyay, -xeysay)

1. Kubbad madaxa ku dhufasho. 2. Shir iwm hoggaamin (qof).

0

madaxeyn

m f dh

Eeg: madaxee

0

madaxfalluuq

m l

Caro iyo dulqaad yari qof dabeecad u leeyahay.

0

madaxfarad

m l

Wareer iyo xanuun dadka madaxa ka qabta.

0

madaxfareed

m l

Eeg: maskaxfareed

0

madaxfurad

m l

1. (-dyo, m.dh) Hanti iwm oo lagu furto qof la qafaalay. 2. ld madaxfurasho.

0

madaxfurasho

m f dh

ld madaxfurad (2).

0

madaxfuro

f g3 (-rtay, -ratay)

Qof la qafaalay hanti ku soo furasho.

0

madaxkuti

m dh

1. Dugaag naasleyda ka mid ah oo leh dhogor duf ah, cago balballaaran iyo dabo aad u gaaban, kuna nool dhulka qaboobaha ah. 2. Sheeko khayaali ah oo ku saabsan naag hal jirtay oo dadka aaminsanaa in ay habeenkii soo bixi jirtay oo dadka cuni jirtay.

0

madaxla'

m dh

1. Waddo yar oo markii waxyar lagu socdo dhammaato. 2. Jeex wax yar markuu socdo dhamaada.

0

madaxmaygaag

m l

Geedgaab xooluhu daaqaan oo ka baxa cadduunka.

0

madaxnimo

m dh

Madax ahaansho (qof). ld madaxti, madaxtinnimo.

0

madaxsalaax

f mg1 (-xay, -xday)

U m.: cid sasabid.

0

madaxsalaaxid

m f dh

Eeg: madaxsalaax

0

madaxshub

m l

1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid- dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

0

madaxti

m dh

Eeg: madaxnimo

0

madaxtinnimo

m dh

madhalennimo

0

madaxtooyo

m dh

Rugta uu madaxweynuhu fadhiisto.

0

madaxtus

m l

1. Tegidda la tago meel hawl laga hayo iyadoo aan la doonayn in laga qayb qaato. 2. Kormeer aan toos ahayn oo cid hawl haysa lagu sameeyo. ld madaxtusid.

0

madaxtusid

m f dh

ld madaxtus¹.

0

madaxwareer

m l

Eeg: madax-xanuun

0

madaxweyne

m l (-nayaal, m.l/dh)

1. Qof qaran madax u ah. 2. Bayd faal oo madaxa ka ah labo, saddexda hogood oo kalena min hal.

0

madaxyaro

m dh (daaw.)

Iin madaxa ku dhacda oo yareeysa.

0

madbacad

m dh (-do, m.l)

Meel dhisan oo ay yaalliin mashino waaweyn oo wax lagu daabaco. ld madbaco.

0

madbaco

m dh

Eeg: madbacad

0

madbakh

m l

Jiko; alawaad.

0

maddaad

m dh

1. Khad; dawaad. 2. Awrta waaweyn siiba kuwa qooqan madowga ay ku yeeshaan qadaadka. ld middaad.

0

maddaalannimo

m dh

Maddaale ahaansho.

0

maddaale

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.

0

maddan

m l

Yeel awrta lagu raro oo saanta biciidka laga jeexo.

0

maddane

m l (-nayaal, m.l/dh)

Bir xalleefsan oo daab la qabto leh oo iyadoo kulul xoolaha lagu sunto. ld madane.