Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 18 of 36.
mashquulsanaan
ld mashquulsanaansho.
mashquulsanaansho
/dh eeg mashquulsanow. ld mashquulsanaan.
mashquulsanow
Ku m.: (qof) wax la mashquuliyey noqosho.
mashruuc
1. Dhismo lagu hirgelinayo qayb abuurta ilo dhaqaale, sida warshad, beer, iwm. 2. Hay'ad wax-soosaar oo badanaaba dawladi maal geliso. 3. Qorshe.
mashxarad
Dhawaaq dheer, googo'an oo haweenku carrabkooda ku sameeyaan waqtiga farxadda, arooska iwm; alalaas; carrabdhow.
masiil
1. Dheecaanka geedaha. 2. Dharab.
masiix
Magacyada nabi Ciise mid ka mid ah.
masiixi
(dii.) Qof diintii nebi Ciise haysta.
masiixinnimo
Kiristaan ahaansho (qof).
masiixiyad
(dii.) Haweenay kiristaan ah.
masingow
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Jubbada Hoose.
masixid
ld masax¹.
masjid
(dii.) Masaajid.
masjoohaar
Mas weyn oo leh jawharad uu habeenkii ku mirta.
maskab
1. Meherad. 2. Sharaf.
maskabjabnaansho
/dh ld maskarjabnaan.
maskabjabsanaansho
/dh ld maskarjabnaan.
maskan
Maro yar, madow daldaloollo yaryar leh oo haweenku madaxa saartaan, gambo.
maskar
1. Sharaf. 2. Mowjad; hir. 3. Maskab.
maskarjab
1. Mowjadda jabbiddeeda. 2. Dad meel ka caaryey oo aan waxba haysan oo doonni ama markab la jabay. 3. ld maskarjabid. ld maskabjab¹.
maskarjaban
Qof maskarjab ku dhacay ahaansho. ld maskabjaban, maskabjabsan, maskarjabsan.
maskarjabi
Cid sharafta ka qaadid. ld maskabjabi.
maskarjabid
ld maskabjab¹, maskabjabid, markarjab¹ (3).
maskarjabin
ld maskabjabin.
maskarjabnaan
ld maskabjabnaan, maskabjabnaansho, maskabjabsanaan,
maskarjabnaansho
/dh ld maskarjabnaan.
maskarjabsanaansho
/dh ld maskarjabnaan.
maskax
1. (c.nafl.) Dhuux weyn, cad lafta madaxa gudaheeda ku jirta oo xukunta garashada, hadalka, maqalka, aragga, dhadhanka, urta iyo dhaqdhaqaaqa nafleyda. 2. Garaad, caqli.
maskax-dambeed
(c.nafl.) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
maskaxfareed
Xannun badan oo madaxa qabta. ld madaxfareed.
maskaxyaraan
Caqli iyo garaad yaraan.
maskaxyari
Maskax la'ahaansho. ld maskaxyaro¹ (2).
maskaxyaro
1. Maskaxda qaybteeda dambbe ee qadaadka ku taal. 2. ld maskaxyari.
maskharo
Ciyaar; kaftan.
maskharoo
Ku m.: cid ku dheldheelid.
maslax
1. Heshiis la dhex dhigo laba dhinac ama ka badan oo muransan. 2. ld maslixid.
maslaxad
Dan, faa'iido. ld maslaxo.
maslixid
ld maslax¹ (2), maslaxaad.
masnac
Warshad ama hooso.
maso
1. Abeeso; mas. 2. Abeeso-lugaley. ld manso.
masoobid
mataatixi
masrad
Mislaax; siraad; faynuus; laambad.
masrax
1. Gole lagu bandhigo riwaayadaha, filimmada iwm. 2. (riw.) M. geeraar: m. jilayaashiisu ay u hadlayaan qaab maanso.
masrixiyad
(riw.) Sheeko murti iyo maaweelo leh oo lagu bandhigo masrax; riwaayad, maadeys.
masruuf
Lacag, cunto iwm oo si joogto ah loo siiyo qoys, qof iwm. ld masaariif.
masruufo
Lacag, cunto iwm si joogto ah u cunid.
mastuuro
Si xishood iyo edeb leh u dhaqmid.
masuug
1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuugad
Haweeney bakhaylad ah.
masuugnimo
Bakhaylnimo.
masuugsan
1. Wax, wax saluugsan ahaansho. 2. Wax, wax dhaliishan ahaansho.
masuugsanaan
ld masuugsanaansho.
masuugsanaansho
/dh ld masuugsanaan.
masuul
'uul.
masuuliyad
'uuliyad.
masuuliyo
'uuliyad.
mataan
1. Labo ilmood oo hooyo isla mar dhashay midkooda labka ah. 2. Labo waxyaalood oo laysugu magac daro.
mataanee
1. Mataano dhalid (nafley). 2. Labo walxood hal magac ka dhexaysiin.
mataansan
1. Ku m. wax, wax kale mataan la ah ahaansho. 2. Wax, wax kale lagu biiriyey ahaansho.
mataansanaan
ld mataansanaansho.
mataansanaansho
/dh ld mataansanaan.
mataatac
1. Hadal aan murti lahayn. 2. ld mataaticid.
mataatax
1. M. ah: hilib karis ka batay awgiis aad u jilcay. 2. Maro duugnimo awgeed aad u jilicday. 3. Miro aad u bislaaday. 4. ld mataatixid. ld motootax¹, mutuutax¹.
mataatax-biita
(fiis.) Doorsoonka kaahfaleed ee bu' atam ay noqoto iskugodka atamka xiga, ayna weheliso bixinta elektaroon ama burotoon bu'da soo baxda waxa ay leedahay cuf atameed le'eg tan bu'da asalka ah, waxase ay ku kala geddisanyihiin tiro atameedka xaddi hal ah.
mataataxsan
1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay ahaansho. 2. Maro aad u duugowday ahaansho. 3. Miro aad u bislaaday ahaansho. ld motootaxsan, mutuutaxsan.
mataataxsanaan
ld mataataxsanaansho, motootaxsanaan.
mataataxsanaansho
/dh ld mataataxsanaan.
mataaticid
ld mataatac¹ (2).
mataatixi
1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay ka dhigid. 2. Maro aad u duugowday ka dhigid. 3. Miro aad u bislaaday ka dhigid. ld motootixi, mutuutixi.

