maanyee
Hees ugareed tirin.
maanyo
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.
maaqal
1. ld maqal 1 (2). Khaanad ku samaysan armaajo, miis iwm oo wax lagu rito. 2. Findoob.
maaqul
Garannuug yar oo caanannuug ah.
maaquurre
Ubad geel oo dhashay isagoon bila dhammeysan.
maaquurree
Hal iyadoon bila dhammeysan ilma nool dhalid.
maaquurreyn
ld maaquurreys.
maar
1. Lakaybo isdul saar-saaran. 2. Afarta meesi ee xoolaha midkood. 3. Degaan geedo iyo ciid isku mid ah leh. 4. Dhawr warqadood oo turub ah oo hal mar la isku qaato ama la wada bixiyo. 5. Maal.
maaran
Ka m.: wax ka kaaftoomid.
maararrow
Madaddaalo qof waqtiga isku dhaafiyo.
maararruugle
Gudcur badan oo aan waxba la arki karin.
maaraweyn
Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
maardhood
Ged-gaddoonka uu sameyo qof aad u xanuunsanaya.
maaree
1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
maareeye
Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
maareysan
1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).
maareysnaan
ld maareysnaansho.
maareysnaansho
/dh ld maareysnaan.
maareyso
1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho.
maaro
1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah.
maarow
1. Wax daxalasatay noqosho (bir). 2. Biyo muddo fadhiyey wax wasakh yeeshay noqosho.
maarriin
Midab dadka u gaar ah oo u dhexeeya casaan iyo madowga.
maarso
Bisha saddexaad ee sannadka miilaadiga ah.
maaruq
Roob si aad ah u di'id.
maas
1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.
maasha
xi. (nax.) Xiriiriye tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Tus. “Maasha xaashiyuhu duule ee dabayl baa jiidday”. ld maansha.
maashayn
ld maashays.
maashee
Hafin.
maashi
Xoolo cid laga soo kaxaystay si loo maalo kaddibna loo celiyo. ld maal¹ (2).
maashii
Cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo siin.
maashoo
Biyo, hadal iwm ku harqasho.
maasuud
Bir weyn oo libaax-badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
maasuudi
Libaax-badeed maasuud ku dilid.
maato
1. Dadka intiisa tamarta yar sida carruurta, waayeelka, iyo haweenka. 2. ld maati. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wax nin u eg ku
maaweeli
Cid si xiiso iyo raaxo leh waqtiga ku dhaafin.
maaweelin
ld maaweelis.
maaweelo
Madaddaalo.
maax
Biyo badan oo ceel ku jira, oo dhulka hoose ka soo baxay.
maaxasho
ld maaxad.
maaxi
1. Ceel biyihiisa muddo u deyn si uu maax u yeesho. 2. Biyo calowsan muddo dhigid si gufarku uga fariisto.
maaxo
1. Ceel maax yeelasho. 2. gabay, hees oo badan iwm allifid. 3. Ku m.: wax horey la isugu ama la isu faray dib u soo xusuusasho. 4. Biyo calowsan kala miirmid.
maaxsan
Wax maax yeshay ahaansho (ceel).
maaxsanaan
ld maaxsanaansho.
maaxsanaansho
/dh 1. eeg maaxsanow. 2. ld maaxsanaan.
maaxsanow
Wax maax yeshay noqosho (ceel).
maayad
Qulqulka biyaha badda.
maayliin
(c.nafl.) Lakab ka samaysan walxo dux ah oo ku wareegsan, danabeed ahaan ugu dahaadhan dhambaal, dire unugyada lafdhabarleyda badankeeda iyo unug dareenwadaha qaar ka mid ah lafdhabarla'da. ld mayliin.
mabaadi'
'.
mabac
Dhagax, dhadhaab iwm oo aad u adag oo qalabka qodidda iyo jabintu ayan burburin karin.
mabda'
1. Feker iyo aaraa habaysan oo cidi aamminsan tahay. 2. Aasaaska fikradaha cilmiga ah ee ku saabsan sayniska, diinta akhlaaqda iwm. 3. Ujeeddo.
mabsuudin
macaluulid
mac
1. Dhadhan wanaagsan oo dhuuni leeyahay. 2. Neef aan caato ahayn, baruur badanna lahayn; lafqab. 3. Dhunkasho (caruureed).
macaadin
².
macaammilo
1. Dhaqan; falfal. 2. Xiriir wanaagsan oo dad badan dhex mara. ld macaamil, macaamilo, macaammil, macbil.
macaammiloo
1. Ku m.: hab gaar ah ku dhaqmid. 2. La m.: cid si wanaagsan ula dhaqmid. ld macaamiloo.
macaammilood
ld macaamilood.
macaan
1. Dhadhanka sonkorta, malabka, xalwada iwm. 2. Dhadhan kasta oo carrabku jeclaysto.
macaanaan
ld macaanaansho, macaani (2).
macaanaansho
/dh eeg macaanow. ld macaanaan.
macaane
Dhuuni inta dhadhanka macaan leh; macmacaan.
macaanee
Wax macaan ka dhigid. ld macee.
macaaneyn
ld macaaneys, macayn, macays, micayn, micays.

