0

meegaarsanaansho

m l

/dh ld maageernaan.

0

meehaal

m l

1. Filad; malayn; taawin. 2. Fikrad.

0

meehaalad

m l

moohaalasho.

0

meehaalasho

m f dh

ld meehaalad.

0

meehaali

f g2 (-iyay, -isay)

Meehaal samayn (qof).

0

meehaalin

m f dh

Eeg: meehaali

0

meehaalo

f g3 (-aashay, -aalatay)

Qof meehaal samaysasho.

0

meehannaabid

m f dh

ld meehannow¹.

0

meehannow

m l

Warwareegidda ay naflay ku sameeyaan meel aan baad iyo biyo lahayn. ld meehannaabid.

0

meel

m dh (-lo, m.l)

Goob; kob; cad.

0

meelaniin

m dh (baay.)

Walax madoobeysa timaha, maqaarka iyo madawga indhaha. Waxayna ku jirta unugyo khaas ah ee unugyada maqaarka ka mid ah, qaybta ugu sarreysa maqaarka. Sameynta meelaniinka waxay badataa markii jirka qorraxi ku dhacdo oo waxay maqaarka ku sameysaa midabayn (tannig = abbronzatura) oo ah maqaarka dadka caddaanka ah oo casaan u sii roga, taas oo ka celisa fallaaraha qorraxda qaybaha hoose ee maqaarka.

0

meelanooma

m l (-ooyin, m.l)

(daaw.) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iwm.

0

meelayn

m f dh

Eeg: meelee

0

meelaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la meeleeyey ahaansho.

0

meelaysasho

m f dh

Eeg: meelayso

0

meelaysnaan

m f dh

ld meelaysnaansho.

0

meelaysnaansho

m l

/dh ld meelaysnaan.

0

meelayso

f g3 (-stay, -satay)

Wax meel dhigasho.

0

meeldhexaad

m l

1. M. ah: wax leh qiyaas caadi ah. 2. M.ka: celcelis.

0

meeldhexe

m fk

Celcelis.

0

meelee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Wax meel dhigid.

0

meelgaar

m l kh

M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. ld meelkuggaar.

0

meelgaarid

m f dh

Eeg: meelgaar²

0

meelkadhac

m l

Khalad cid lagu sameeyo.

0

meelkuggaar

m l kh

Eeg: meelgaar¹

0

meelmaag

m l (-gyo, m.dh)

Qof madax adag oo tiisa uun ku adkaysta.

0

meelmar

m l

1. M. ah: arrin, talo iwm oo aqligal ah. 2. ld meelmarid.

0

meelmari

f g2 (-iyay, -isay)

Arrin, talo iwm hirgelin.

0

meelmarid

m f dh

ld meelmar¹ (2).

0

meelmarin

m f dh

Eeg: meelmari

0

meelmarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Arrin, talo iwm wax meel maray ahaansho.meermeer²

0

meelmarsanaan

m f dh

ld meelmarsanaansho.

0

meelmarsanaansho

m l

/dh ld meelmarsanaan.

0

meelnoqo

f mg3 (-qday, -qotay)

1. Ka m.: cid ka hiillin. 2. L. m.: cid u hiillin.

0

meelnoqosho

m f dh

Eeg: meelnoqo

0

meemman

m l (-nno, m.dh)

1. Ninka dahabka sameeya. 2. Meesha dahabka lagu sameeyo.

0

meeqa

mu we

Immisa.

0

meer

m l (-rar, m.l)

1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin. 2. ld meerid.

0

meeraxeer

m dh (-rro, m.dh)

Xarig dheer oo kolka awrta la raro oo la dhigeeyo, lammadana la saaro dusha looga xiro.

0

meere

m l (-rayaal, m.l/dh)

Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.

0

meere-yare

m l (-rayaal, m.l/dh)

(c.fal.) Ku-wareege yar: waxaa jira qaar badan oo ku warega gorraxda, una dhexeeya majiireyaasha Maars iyo Jubitar; ka u weyn dhexroorkiisu waa 700 Km., ka u yarna dhexroorkiisu wuxuu ka yaryahay 30 Km.

0

meeree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Wax xarig iwm ku wareejin, wax, wax, kale ku dul wareejin.

0

meereyn

m f dh

Eeg: meeree

0

meereysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Ku m.: wax, wax kale dusha kaga wareegsanyihiin ahaansho. 2. Wax rarkiisa saani ku dadantahay ahaansho (awr raran).

0

meereysasho

m f dh

Eeg: meerayso

0

meereysnaan

m f dh

ld meereysnaansho.

0

meereysnaansho

m l

/dh ld meereysnaan.

0

meereyso

f g

/mg3 (-stay, -satay) Meel ku warwareegid.

0

meeri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cashar iwm akhriyid. 2. Xarig iwm wax kale ku dul duubid. 3. Ku m.: wax meer ku dul wareejin. 4. Ku m.: hanti, wax iwm cid kale ku wareejin.

0

meerid

m f dh

ld meer¹ (2).

0

meerin

m f dh

ld meeris¹ (3).

0

meeris

m l

1. Hal geeddi (xarig) oo raar, derin, haan iwm la sameeyo. 2. Dersi, cashar iwm. 3. ld meerin.

0

meerkac-biyood

m l (juqr.)

Wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood, ma sababo la mid ah.

0

meerkac-dabayleed

m l (c.cimi.)

Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.

0

meerkiyuuri

m l (kiim.)

Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. ld meerkuri.

0

meerkiyuurik-salfaydh

m l (kiim.)

Iskudhis dabiici ahaan ugu jira macdanta sinabaar (adke cas) iyo metasinabar (adke madow).

0

meerkiyuuroos-koloraydh

m l (kiim.)

Iskudhis ruushi cad ah oo aan ku milmin biyaha (kalomeel Hg Cl).

0

meerkuri

m l

Hoore bir ah cad cufnaan weyn oo badanaa loo adeegsado heerkulbeegyada. ld meerkiyuuri.

0

meermeer

m l

1. Warwareeg aan dani ku jirin. 2. ld meermeerid.

0

meermeeri

f g2 (-iyay, -isay)

Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin.

0

meermeerid

m f dh

ld meermeer¹ (2), meermeeris².

0

meermeerin

m f dh

ld meermeeris¹.

0

meermeeris

m l

Eeg: meermeerin

0

meermeerto

m dh (-ooyin, m.l)

1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. ld meertammeerto.

0

meersan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax, wax kale ku dulwareegsanyihiin ahaansho.

0

meersanaan

m f dh

ld meersanaansho.

0

meersanaansho

m l

/dh ld meersanaan.

0

meersasho

m f dh

ld meersi.

0

meersi

m l

Eeg: meersasho

0

meerso

f g3 (-saday, -satay)

Wax mulkintooda la wareegid.

0

meertada-Kaalfin

m dh (baay.)

Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.

0

meertada-kaarboon

m dh (baay.)

Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.

0

meertada-Kerb

m dh (baay.)

Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.

0

meertammeerto

m dh

Eeg: meermeerto

0

meertaysad

m l

Eeg: meertaysasho

0

meertaysasho

m f dh

ld meertaysad, meertaysi.

0

meertaysi

m l

Eeg: meertaysasho

0

meertayso

f g3 (-stay, -satay)

Si meerto ah wax u qaybsasho.

0

meerto

m dh (-ooyin, ml.)

1. Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; kaltan; miilo. 2. Meermeerto; mid². 3. M. ah: geel karreeb ah. 4. Marti muddo gaaban joogto.

0

meesi

m l (-iyo, m.dh)

1. Duunyada la dhaqdo nooc ka mid ah. 2. Isku m.: isku fil; isku nooc. ld meesin.

0

meesin

m l

Eeg: meesi

0

meesiyeyn

m dh (baay.)

Isbedellada koritaanka nudaha ee ka bilaabma sahlanaan ilaa uu ka noqdo dhisme kakan, kaas oo khaas u ah shaqooyin gaar ah. Meesiyeyntu waxay dhacdaa xilliga koritaanka uurjiifka, dib isu kabid, iyo dhinaca dhirtana waxqabad caydineed.

0

meetan

fk. Meesha tan; halkan.

0

meetroo

m l

Gaadiid u eg tareen oo ku socda aalaa dhulka hoostiisa oo la isaga raaco magaalo gudeheeda ama aaggeeda.

0

meeyay

e we

Eeg: mee

0

meeye

e we

Eeg: mee

0

megag

m l

Tiro.

0

megdee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Maqaar meged ka dhigid. ld magdee.

0

megdeyn

m f dh

ld magdeyn, magdeys, megdeys.

0

megdeys

m l

Eeg: megdeyn

0

megdeysad

m l

Eeg: megdeysasho

0

megdeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la megdeeyey ahaansho (maqaar). ld magdeysan.

0

megdeysasho

m f dh

ld magdeysad, magdeysasho, magdeysi, megdeysad.

0

megdeysi

m l

Eeg: megdeysasho

0

megdeysnaan

m f dh

ld magdeysnaan, magdeysnaansho, megdeysnaansho.

0

megdeysnaansho

m l

/dh ld megdeysnaan.

0

megdeyso

f g3 (-stay, -satay)

1. Harag meged ka dhigasho. 2. Harag meged marsasho. ld magdeyso.

0

meged

m dh (-gdo, m.l)

1. Harag la hoolay oo asal iyo waxyaalo kale lagu jilciyey. 2. Asalka wax magdiyo. 3. Geed-gaab leh caleemometafisikis yaryar oo qodxo leh, oo jiliftiisa haragga lagu megdiiyo.

0

mehee

m l

Eeg: ma4

0

meher

m l (-rro, m.dh)

1. Heshiis diini ah oo isu xira nin iyo naag isguursanaya. 2. Maal naag la guursanayo lagula heshiiyo oo ay si sharci ahaan ah ninka ugu yeelato. ld mahar.