Qaamuuska Asalka
meertada-kaarboon
(baay.)MagacDhexdhexaad
Macnaha
Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.
Erayo la-mid ah
meer1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3.…meer1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal soomaaliga dadkiisa sa…meeraxeerXarig dheer oo kolka awrta la raro oo la dhigeeyo, lammadana…meere(c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo g…meereXiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku…meere-yare(c.fal.) Ku-wareege yar: waxaa jira qaar badan oo ku warega …meereeWax xarig iwm ku wareejin, wax, wax, kale ku dul wareejin.meereysan1. Ku m.: wax, wax kale dusha kaga wareegsanyihiin ahaansho.…

