Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 26 of 36.
millad
Diin.
milligraam
Hal garaam oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
millilitir
Hal liitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
millimitir
Hal mitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
milliqsasho
ld milliqsad, milliqsi.
milliqso
Carrabka si joogto ah u soo bixin iyada oo bishiimaha wax saaran la leefleefayo.
milme
1. Adke marka uu hoore saameyo milma. 2. M. ah: qof la dulmiyey oo ciil ka batay.
milmid
ld milan¹.
milmil
Dhar aad u jilicsan sida faashadda iwm.
milnaan
ld milnaansho.
milnaansho
/dh eeg milnow. ld milnaan.
milnow
Adke, wax milmay noqosho.
milqi
Xarig, dun iwm isku murgin.
milqin
ld milqis.
milshi
Wax dhici doona waqti soo socda oo la sii saadaaliyo.
milxayn
ld milixayn.
milxaysan
Wax milix lagu daray ahaansho. ld milixaysan.
milxaysnaan
ld milixaysnaan, milixaysnaansho, milxaysnaansho.
milxaysnaansho
/dh ld milxaysnaan.
milxee
Wax milix ku darid. ld milixee.
mimbar
(dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. ld mambar, minaawar.
min
² fk. Midkiiba. Tus. “Nimankan min kun shilin sii”.
minaaq
Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
minaawar
1. Markab weyn oo dagaal. 2. ld mimbar.
minbeer
Kolay yar oo xarig ama caw ka samaysan oo kuul lagu sharxay oo haweenku ku ritaan waxyaabaha ay isku carfiyaan.
mindhaa
fk. Waxaa laga yaabaa; malaha. Tus. “Mindhaa wuu imaanayaa”.
mindheelli
Ilmagaleenka dhedigoodka oo qalloocda.
mindhicir
Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badanyahay.
mindhicirisdab
Jirro geela ku dhacda oo xiidmaha kala xirta.
mindhismo
1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
mindi
Shay bir ah oo ka mid ah qalabka guriga looga adeegto, oo leh af wax lagu gooyo iyo daab la qabsado. ld middi.
mindirraaci
1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn. 2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo warhayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi ku gowricid.
mindirraacin
ld mindirraacis.
mindumis
1. Xaal laga qaado nin lagu soo eedeeyay in uu fara xumeeyay naag la qabo. 2. Ka furashada naag ninkeda laga furto iyadoo xoolo iyo maal lagu beer dulucsado.
minfilaad
1. Tuhun yar oo cid loo qaado. 2. ld minfilaadid.
minfilaadid
ld minfilaad¹ (2).
mingelyo
1. Quraan la akhristo oo xirsi xir ah. 2. Labada cirguduudood. 3. Hantida ugu horreysa ee la siiyo gabar guur laga doonaayo aabeheed. ld mingeliyo.
mingis
1. (dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo. 2. Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska). 3. Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.
minguuri
Ka m.: wax meel ku qoran, meel kale ku qorid.
minguurin
ld minguuris.
minii
xi. Haddii.
minjagororsanaansho
/dh ld manjagororsanaansho.
minjarroorsanaansho
/dh ld manjarroorsanaan.
mino
Dareere layiig ah oo ka yimaada xubnaha taranta ee laboodka; shahwo. ld mani.
minqaad
Fogaan awr rarani socan karo, isaga oo aan la furin ama la joojin muddo maalin dhexdeeda ah.

