Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 10 of 36.
malaakh
Qof qolo madax u ah; ugaas; garaad iwm. ld malaaq¹.
malaakhad
Ul yar, dheer oo madax ballaaran leh oo soorto marka la karinaayo lagu walaaqo; irbe.
malaakhadi
Soor malaakh ku walaaqid.
malaas
Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iwm ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.
malaasan
1. Wax la malaasay noqosho. 2. Ka m. wax xallintooda maaro loo waayey noqosho. Tus. “Cabdi arrintii way ka malaasantay”.
malaaseyso
Timaha malaas marsasho.
malaasnaan
ld malaasnaansho, malaasni.
malaasnaansho
/dh ld malaasnaan.
malab
Miid aad u macaan oo shinnidu sameeyso.
malabcir
Cunno macaan oo reer Banii Isra'iil mucjiso ahaan cirka looga soo daadshey.
malabmaris
Shimbir dadka u hoggaamisa meesha uu malabku ku jiro; shimbir malab.
malafsasho
ld malabsad, malabsasho, malabsi, malafsad, malafsi.
malafso
1. Carrabka bushimaha ku leefleefid. 2. Hamuungoror yeelasho. ld malabso.
malag
1. Mid ka mid ah uunka, oo laga abuuray nuur iyo iftiin. 2. Malag loo soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado. 3. Dhimasho; wed. ld meleg¹.
malaha
fk. Sida maluhu u badan yahay; mindhaa, armaa. Tus. “Malaha galabta roob baa di'i doonaa”. ld male (1).
malakamawd
1. (dii.) Malag Eebbe u soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado; malag. 2. Wed; dhimasho.
malanda'
Gaaridda uu gaaro awr baarqab ahi heerka ugu sarreeya qooqa.
malandi'id
'².
malas
Raashin yar oo neefka la maalayo loo dhigo si uu u godlado.
malasee
Xoolo malas siin.
malawad
Qabsinka qaybta ugu dambeyso oo saxaradu ka baxdo. ld walammad.
malax
Dhacaan midab cad ama cawl leh oo nabarrada hurguma ay yeeshaan.
malax-dareer
Cudur ku dhaca soohyada haya ilkaha, sida: cirridka iyo lafta. Waxaa keena baktiiriyada huurada ilkaha; malax ayaa cirridka fariisata ilkuhuna salka ayay ka bololaan. Ereyga “Pyorrhoea” wuxu noqon karaa malax meel jirka ka mid ah ka dareerta markaas ereyga “Cirrid” ayaa laga reebaya waxay noqoneysaa malax-dareer afsoomaaliga.
malaxaysan
Wax malax yeeshay ahaansho (nabar).
malaxaysasho
ld malaxaysad, malaxaysi.
malaxaysnaan
ld malaxaysnaansho.
malaxaysnaansho
/dh ld malaxaysnaan.
malaxayso
(daaw.) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn.
malaysasho
ld malaysad, malaysi.
malayso
Wax filasho.
malbo
Weel biyood dhoobo ka sameysan; ashuun.
malcamad
(dii.) Dugsi quraanka laga barto. ld malcabad.
malcuun
1. M. ah: qof xun. 2. Nacaladi ku dhacday.
malcuunnimo
Malcuun ahaansho.
maldah
Hadal sarbeebid.
maldahan
Wax la maldahay ahaansho (hadal).
maldahnaan
ld maldahnaansho.
maldahnaansho
/dh 1. eeg maldahnow. 2. ld maldahnaan.
maldahnow
Wax la maldahay noqosho (hadal).
male
1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. ld malo.
malee
/mg2 (-leeyay, -laysay) 1. (f.g/mg) M./u m.: wax aan la hubin xaqiiqdooda fikrad ku cabbirid. 2. (f.mg) Isu m.: isu haysasho.
maleeg
1. Wax soohid. 2. Cid shirqool u dhigid.
maleegan
Wax la maleegay noqosho.
maleegnaan
ld maleegnaansho.
maleegnaansho
/dh ld maleegnaan.
malgid
ld melgid.
maliiddo
Mindi yar oo madaxa lagu xiirto, hargaha lagu hoolo, ilmahana lagu gudo. ld maddiil, mandiil, mindiil.
maliil
1. ld mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed. 2. ld maliilid.
maliili
1. Jirro cid maliil ka dhigid. 2. Cid bugta baanin. ld mariili.
maliilid
ld maliil¹, mariil¹, mariilid.
maliilin
ld mariilin.
maliiq
1. Caw, dun iwm maleegid. 2. Dhoobo dufan iwm isku dhoobid (qof).
maliiqan
1. Caw dun iwm wax la maleegay ahaansho. 2. Wax aan la tarraxin ahaansho. 3. Ku m.: wax dhoobo dufan iwm ku dhoobantahay ahaansho (qof).
maliiqnaan
ld maliiqnaansho.
maliiqnaansho
/dh ld maliiqan.
maliiqo
mamnuucnaan
maliishan
Wax jirro ku raagtay oo tabar dhigay ahaansho. ld mariishan.
maliishanaan
ld maliishanaansho, mariishanaan, mariishanaansho.
maliishanaansho
/dh ld maliishanaan.
maljiid
; marjiidid.
maljiidnaansho
/dh ld marjiidnaan.
malkad
Kal yar oo wax lagu tumo.
malkhabad
Garbasaar qafiif ah, qurxoon oo dumarku qaatan. ld malkhamad, malqabad.
malko
1. Biyo fariisin weyn. 2. Webiga halka ay xooluhu ka cabbaan.

