Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 12 of 36.
manjasuuxin
ld majasuuxin.
manjasuuxsan
1. Wax taagnaan ku daalay ahaansho (qof). 2. Naxdin awgeed wax manajaha ka tabardarreeyo ahaansho (qof). ld majasuuxsan.
manjasuuxsanaan
ld majasuuxsanaan, majasuuxsanaansho, manjasuuxsanaan
manjasuxsanaansho
/dh ld manjasuuxsanaan.
manjaxaabi
1. Qof taagan ama socda lugihiisa dhulka ka qaadid si uu u dhaco. 2. Xukun afgembin. ld majaxaabi, mijaxaabi, minjaxaabi.
manjaxaabin
ld majaxaabin, majaxaabis, majaxaabo, manjaxaabis, ma
manjo
Faal dhinaca qof faal dhigaya soo xiga.
mannasheegasho
ld mannasheegad, minnasheegad, minnasheegasho.
mannasheego
Cid u abaalsheegasho. ld minnasheego.
mannee
Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. ld minnee.
mannexe
Qof aan naxariis lahayn.
manneyn
ld minneyn.
manneysasho
ld minneysasho.
manneyso
1. Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. 2. Cid ku abaal sheegasho. ld minneyso.
manno
1. Deeq Eebbe bixiyo. 2. Abaal sheegashada cid wax la siiyay lagu abaalsheegto. ld minno.
mannooge
Qof aan hawsha ka daalin; maddaale.
mannoole
Wax aan naf lahayn.
manqas
Laba birood oo isku xiran afna leh oo wax lagu jaro; qardhabo. ld maqas.
manqax
1. ld manqaxi. Qosol badan iyo cayaar. 2. ld manqixid.
manqaxi
(1).
manqixid
ld manqax¹, minqax¹, minqixid.
manqo
Dad iyo duunyo inta tabarta daran; maato.
mansab
Darajo.
mansuun
(juqr.) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
mantag
Cunto caloosha ku jirto oo afka laga keeno. ld matag¹.
mantagid
ld matagid.
mantaji
1. Cid mantag ka keenid. 2. Ka m.: cid fal ay sameeysay eedsiin. ld mataji.
mantajin
ld mantajis, matajin, matajis.
manuunsasho
ld manuunsi.
manuunso
Qof, xanuun adkeysi u yeelasho.
manyacsanaansho
/dh ld mayacsanaan.
manyiikay
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; maanyo, qubleey, libin.
maqaalad
Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama
maqaale
War la maqlay aan goobjoog loo ahayn.
maqaalin
Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.
maqaan
1. (-nno, m.dh) Meel la yaqaan oo sheekh caan ah lagu xuso. 2. ld mekhaan. Darajo. 3. ld mekhaan. Sharaf; maamuus; qaymo.
maqaar
Dub.
maqaar-dhexaad
Lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka, waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iwm.
maqaar-ku-dur
Mudidda ila maqaarka hoostiisa.
maqaardhac
Cudur muddo dheer oo maqaarka ku dhaca, waxa lagu yaqaan haaro qolfo leh oo cuncun badan oo ka sameysma suxullada, dhudhummada, jilbaha, lugaha, madaxa iyo meelo kale oo jirka ka mid ah.
maqaarholac
(daaw.) Halaamacoodka haragga oo inta badan uu keeno dulan dibadda uga imaada.
maqaarsaar
1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn. 3. ld maqaarsaarid.
maqaarsaarid
ld maqaarsaar¹ (3).
maqaarsasho
ld maqaarsad, maqaarsi.
maqaarso
Cid caan ah magaceeda ku shaqaysasho.
maqaasiin
Baqaar. ld makhaasiin.
maqaawiir
Dad xigmad, awood iyo sharaf ku dhantahay oo wax hoggaamin kara.
maqaaxi
Makhaayad.
maqaddin
Madax; hoggaamiye.
maqal
1. Awood dheguhu wax ku dareemaan. 2. ld maaqal (1) Khaanad ku samaysan armaajo, miis iwm oo wax lagu rito. 3. Dixiri yaryar oo digada xoolaha ka dhasha; maqli.
maqan
1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho.
maqanajooge
Qof maahsan.
maqaraaruf
Cunto yar dhulka ka urursasho.mar²
maqaraarufid
ld maqaraaruf¹.
maqashii
Cid war dhagaysiin. ld maqalsii.
maqashiin
ld maqalsiin.
maqbaro
1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
maqdarad
Xaflad weyn oo cid wax loogu qaaraamo.
maqiiq
1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid.
maqiiqan
1. Si degdeg iyo nasasho la'aan ah wax meel ugu socdo ahaansho. 2. Si gabbasho la'aan ah wax uga soo horjeedo ahaansho (wax).
maqiiqid
ld maqiiq¹.
maqiiqnaan
ld maqiiqnaansho.
maqiiqnaansho
/dh ld maqiiqnaan.
maqil
Firiiric, fin doob.
maqle
(1).
maqlee
Beer maqli ka dhigid.
maqli
1. ld maqle. Beer, bari iyo hilib la jarjaray oo laysku shiilay. 2. Dixri ku dhasha hilibka baruurta leh.
maqnaan
ld maqnaansho.
maqnaansho
/dh eeg maqnow. ld maqnaan.

