Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 19 of 36.
mataatixid
ld mataatax¹ (4), motootax¹, motootixid, mutuutax¹
mataatixin
ld motootixin, mutuutixin.
mataatulle
Qoryo, cajillo, callalo iwm oo inta laysu geeyo loo yeelo qaab dad ama wax kale ayadoo laga ag dhisayo xeryaha xoolaha ama beeraha si loogu cabsiiyo cawameerta.
mataatullee
Mataatulle samayn.
matag
Wixii caloosha ku jiray oo afka si xoog ah uga soo baxa, waxaana keena fal aan loo talin.
matalan
fk. ld masalan.
mataraariye
Nooc ka mid ah buntukhda ciidammo oo leh labo addin, si darandorri ahna u dhaca; boobe.
matatar
1. Qarinta wax la qariyo. 2. Khasbidda wax meel lagu khasbo. 3. ld matatarid.
matatari
1. Xoolo muquuno ah cid siin. 2. Nafley meel aan laga arki karin gelin. 3. Isku m.: meel ciriiri ah si dhib iyo xoog leh ku dhexgelin (nafley).
matatarid
ld matatar¹ (3).
matatarin
ld matataris.
matatarsan
Wax la matatariyay ahaansho (xoolo).
matatarsanaan
ld matatarsanaansho.
matatarsanaansho
/dh ld matatarsanaan.
mataxnaansho
/dh eeg mataxnow. ld mutuxnaansho.
matiitix
Wax duugnimo ama karis badan awgiis la googo'aya.
matiitixi
Wax matiitix ka dhigid.
matiitixid
ld matiitixis².
matiitixin
ld matiitixis¹.
matiitixsan
Wax matiitix laga dhigay ahaansho.
matiitixsanaan
ld matiitixsanaansho.
matiitixsanaansho
/dh ld matiitixsanaan.
matiitixsasho
ld matiitixsad.
matiitixso
Wax matiitix ka dhigasho.
matilaad
Habka wax loo jilo.
matirsame
Magac aan oggolaanin in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaama shay aan tirsamin, sida: biyo, sonkor, saliid; si wadar looga dhigo waa in erey kale loo raadiyaa sida: biyo badan iwm.
matoobbo
Ul af godan leh oo raggu ku xarragoodo; bakoorad. ld matoobbe.
matoor
m.l (fiis.) Matoor danab oo u habeysan in uu ku shaqeeyo qulqul talantaaliya.
matoor-danabeed
(fiis.) Makiinad tamar danabka u beddesha tamar makaanikaad. Makiinadaha noocani waa nadiif, deggan, lehna karti aad u sarreysa (75-90%).
matxaf
Guri lagu xafido waxyaabaha taariikhda leh.
maw
Weelasha biyaha lagu shubto.
mawaa
Erey weyddiimeed oo muujinaya shaki.
mawaashi
Xoolaha nool; xayawaan.
mawd
Dhimashada nafleyda. ld mowd.
mawduuc
Duluc.
mawe
maxkamad
mawjad
1. Dhaqdhaqaaqa biyuhu sameeyaan marka ay dabeeshu ku dhacdo. 2. Qulqul baahsan, xiriir ah oo ay samayso korontadu marka hawada lagu sii daayo. ld mowjad, hir.
mawjad-dayreed
(juqr.) Mawjadaha aad u waaweyn kolka dhulka, qorraxda, iyo dayaxu ay xariiq toosan oo isku mid ah yihiin; xoogga cufisjiidadka ee qorraxdu wuxuu ka yimaadaa jiho la mid ah tan dayaxa, markaana wuu hiirigeliyaa.
mawjad-gaaban
(juqr.) Hirar ballac yar oo abuurma marka cufisjiidadka qorraxdu uu lid ku noqdo si xagal quman ah kan dayaxa.
mawjiid
Roob weyn oo dhul ballaaran ku fida, daaq badanna bixiya; mahiigaan.
mawle
Magacyada Ilaah mid ka mid ah; Eebbe; Alle; Weyne. ld mowle.
mawliid
1. (dii.) Maalinta uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). 2. (dii.) Xuska loo sameeyo dhalashada Rasuulka(n.k.h.a.). 3. (dii.) Bishii uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). ld mowliid, mowluud.
mawqif
Go'aan cad oo uu qof iska taago arrin adag. ld mowqif.
maxaa
Erey loo adeegsado wax wayddin sida: m. dhacay? Sida badanna magacuyaallo ayaa lagu lifaaqaa, sida: maxaad (maxaa+aad) rabtaa?
maxaad
Cirbad weyn oo lagu tolo jawaanka qobtolka, karnaashka iwm; maxaar. ld maxaar.
maxaansugaa
Nooc cawska ka mid ah oo marka roobku da'o dhaqso u soo baxa, dhaqsana qallala.
maxabbo
Jacayl. ld muxubbo.
maxaddo
Xarunta baska tareenka iwm ka baxaan loogana dego.
maxajabad
Qof haween ah oo aan guriga ka bixin. ld maxajabo.
maxal
Ilmogaleenka dhaddigoodka; makaan; ilmoside; min.
maxammas
M. ah: bunka beerkisa marka inta la dubo la tumo ee uu daqiiq noqdo.
maxammasan
Wax la maxammasay ahaansho (bun).
maxammasnaan
ld maxammasnaansho.
maxammasnaansho
/dh ld maxammasnaan.
maxamuudi
Nooc ka mid ah dharka la xirto oo midab cad leh; bafto.
maxan
M. ah: neef ishkin ah, aad u buuran oo aan dhalin.
maxas
Dad ama duunyo la itaal yar leh da' ama dhibaato darteed.
maxay
1. Erey weyddiimeed oo ka kooban 'maxaa' iyo 'ay', labo xaaladood ayaana loo adeegsadaa, sida: a) “Waa maxay?”; b) “Maxay doonaysaa ama doonayaan?” 2. Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye; maxaawacay; maxaayeelay; waayo. Tus. “Shalay kuuma imaan, maxaajiraa, hawl baan lahaa”.
maxbuus
Qof ikhtiyaarkii laga qaaday oo meel gaar ah lagu ilaaliyo.
maxdin
Labo dhagax oo mid fidsanyahay kan kaleetana mucdanyahay oo badarka lagu riqdo, iyadoo labada dhagax laysku rugayo; shiid. ld mixdin.
maxile
/dh (-layaal, m.l/dh) Nin aan xil lagu aamini karin.
maxisho
Haweenay aan xil lagu aamini karin.
maxkamad
1. Hoy dacwadda lagu qaado. 2. Xukun hab dawli ah loo qaado. 2. Dadka xukunka qaada.
maxlal
Meherka naag la furay oo nin kale muddo gaaban ay guursato si ay ugu noqoto ninkeedii hore.
maxlalan
Wax la maxlalay ahaansho (naag).
maxlalnaan
ld maxlalnaansho.
maxlalnaansho
/dh ld maxlalnaan.
maxlalo
Maxlal sameysasho.

