Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 35 of 36.
mushqaayad
Hanti yar oo la siiyo qof hawl qabtay.
mushrig
(dii.) Qof Eebbe midnimadiisa shariig u yeela; gaal.
mushtaki
Qof dacwo qaba.
mushtar
1. Meeraha shanaad oo u dhexeeya mariikha iyo sulka; cirjeex; cirjiir. 2. (-ryo, m.dh) Ganacsi.
mushtari
Qof mushtar sameeya; ganacsade.
mushteeg
1. Illow. 2. Gef.
musiibo
Dhibaato weyn; belaayo; hoog. ld masiibo, masuubo.
muskullux
1. M. ah: wax aan wasaq lahayn. 2. (dii.) M. ah: wax aan nijaaso lahayn.
muslimad
(dii.) Haweeney diinta Islaamka rumaysan.
muslimi
(dii.) Cid muslin ka dhigid.mutuxnaan
muslin
(dii.) Qof diinta Islaamka rumaysan.
muslinnimo
Muslin ahaansho.
musmaar
Bir yar alwaaxda layskula qabto, oo af dhuuban iyo sal ballaaran leh. ld musbaar¹.
musmaaran
Wax musmaar lagu dhuftey ahaansho. ld musbaaran.
musmaarasho
ld musbaarasho.
musmaarid
ld musbaarid.
musmaarnaan
ld musbaarnaan, musbaarnaansho, musmaarnaansho.
musmaarnaansho
/dh ld musmaarnaan.
musmaaro
Wax musmaar ku qodbasho. ld musbaaro.
musqul
/dh (-lo, m.dh) Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. ld muqsul.
mustacmarad
Dal xukun gumaysi ku hoos jira.
mustacmir
Qof wax gumaysta.
mustagfi
M. ah: qof hanti ku filan leh. ld mustakafi, mutakafi.
mustagfinnimo
mutakafinnimo.
mustaqbal
Timaaddo; aayo.
mustareex
Dhib la'aan iyo nasiino ku jirid.
mustareexi
Cid u raaxayn.
mustareexsan
Wax raaxo ku jira ahaansho.
mustareexsanaan
ld mustareexsanaansho.
mustareexsanaansho
/dh ld mustareexsanaan.
musuqmaasuq
Khayaamo, eex, iyo mardadabaan cidi ku dhaqanto.
musuraarsanaansho
/dh ld musaraarsanaan.
mutacallin
Qof waxbarasho meel sare ka gaaray.
muteysii
Qof dhibaato badan badid.
muteyso
Qof wax istaahilid.
mutumaad
Cad gaar ah oo halgamaha laga siiyo neef hilibkiisa loo diyaariyay waliimo.
mutuutaxsanaansho
/dh ld mataataxsanaan.
mutux
1. M. ah: qof qaawan. 2. M. ah: qof keli ah oo aan cidi wehelin. 3. M. ah: hadal aan asluub iyo xishood lahayn. ld matax¹.
mutuxan
1. Qof keli ah oo cidi wehelin ahaansho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn ahaansho. 3. Qof qaawan ahaansho. ld mataxan.
mutuxid
ld matixid, mutixid.
mutuxnaan
ld mataxnaan, mataxnaansho, mutuxnaansho.
mutuxnaansho
/dh ld mutuxnaan.
mutuxnow
1. Qof keli ah oo cidi wehelin noqosho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn noqosho. 3. Qof qaawan noqosho. ld mataxnow.
muudaa
Libaax meelo kala dheer isaga goosha oo wax ka dila.
muudal
Bakhayl; dhabcaal.
muudi
Biyo, kayn iwm wax dhex marin, iyadoo aan la arkayn.
muudid
ld muud¹.
muufayn
ld moofayn.
muufee
Cunto meel god ah ama dhismo loogu talagalay oo kulul ku dubid ama ku shiilid. ld moofee.
muufo
1. Kimis ballaaran, wareegsan oo badarka laga sameeyo. 2. God ama dhismo kale oo aad u kulul oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. ld moofo.
muuji
1. Hadal, arrin iwm ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid.
muujin
ld muujis.
muul
1. M. ah; wax badan. 2. M. ah: wax, wax ugu wanaagsan. 3. Qof mingis laga tumayo, ciyaaraha loo ciyaaro middooda saddexaad.
muumin
'min.
muuminnimo
'minnimo.
muun
1. Ugaarta midkooda lab ee hoggaamiya inta kale. 2. Dameer weyn oo lab ah.
muunad
1. Tayo wanaagsan. 2. Qurux haybad. 3. Xurmo iyo sharaf. 4. Qayb yar oo u taagan alaab la suuq-gaynayo lagana arki karo nooca iyo sifada alaabtaas. ld muuno.
muunadayn
ld muunayn.
muunadaysan
Muunad leh ahaansho (wax). ld muunaysan.
muunadaysnaan
ld muunadaysnaansho, muunaysnaan, muunaysnaansho.
muunadaysnaansho
/dh ld muunadaysnaan.
muunadee
1. Cid sharfid ama xurmayn. 2. Wax qeymo u yeelid. ld muunee.
muunajab
Sharaf iyo qiimo qof lahaa dhumid.
muunajebi
Qof sharaf iyo qiimo uu lahaa ka dhumin.
muunajebid
ld muunajab¹.

