Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 31 of 36.
mudnaansho
/dh eeg mudnow. ld mudnaan.
mųdnaansho
/dh eeg mųdnow. ld mųdnaan.
mudnow
/mg3 (-naaday, -naatay) Qof wax u qalmo noqosho ama ahaansho.
mųdnow
Wax meel ku turqan ahaansho ama noqosho.
mudo
1. Abaalgud istaahilid. 2. Cid u baahasho.
mųdo
Wax meel ku turqasho.
mudursad
mukulaal
mudursan
Wax la murdiyay ahaansho.
mudursanaan
ld mudursanaansho.
mudursanaansho
/dh ld mudursanaan.
mudutuul
Muuqaal aan wuxuu yahay la sixi karin.
mufanid
Nin tayada hargaha iyo saamaha aqoon u leh.
mufanidnimo
mufanid ahaansho.
mufsid
Qof fasahaad badan oo xun.
mufsidnimo
Mufsid ahaansho (qof).
muftaax
Fure. ld miftaax.
mufti
(dii.) Caalin weyn oo arrimaha diinta Islaamka laga wareysto.
mug
1. Weel ama wax kale oo gudo leh, inta qaadkiisu le'egyahay. 2. Inta shay gudo leh buuxin karta. 3. Kol; mar.
mug-saafid
Hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartiib ah looga soo daayaa mitimiye.
mugdi
Iftiin la'aan; gudcur.
muhaajir
1. Qof degaankiisii uga tegey risiq doon ama diin fidinteed. 2. (dii.) (m.w) Asxaabadii Nebi Maxamed (n.k.h.a.) la haajirtey oo inta Maka ka tegtey mid ka mid ah.
muhasho
ld mahasho, mohasho.
muhim
M. ah: wax qiimo dheeraad ah cid u leh. ld muhiim.
muhimmad
Qiimaha, qaayaha ay wax leeyihiin. ld muhiimmad, muhiimmo, muhimmo.
muhimnimo
Muhim ahaansho. ld muhiimnimo.
muho
1. Wax ku hungoobid. 2. U m.: cid ama wax kalgacayl ama rabid u qabid; uurka wax ka doonid; wax laabraacid. 3. U m.: khatar uga baqid (cid). ld maho, moho.
mujaahid
Qof wax xaq ah u dagaalamaya.
mujarrab
Qof tijaabooyin badan waayo-aragnimo ku kasbaday.
mujrim
Qof meheraddiisu tahay dhac iyo dil.
mujtahid
1. Qof dadaal badan. 2. (dii.) Qof diinta Islaamka aad u yaqaan oo baaritaan badan ku sameeyey xaqiiqadana gaaray.
mujtamac
Dad meel ku wada nool; bulsho.
mujuruc
Masaasadda afkeeda hore ee carruurtu nuugto.
mukaaw
Mudutuul.
mukallaf
Qof wax uu falo mas'uuliyaddeeda qaadi kara; qaangaar.
mukay
(bot.) Geed weyn oo jirrid aad u weyn leh, kana baxa hareeraha durdurrada iyo webiyada, miro macaan oo la cunana leh; daray.
mukhaaddaraad
Waxyaabaha maanka dooriya. ld muqaaddaraad.
mukhaalafo
1. Khilaaf. 2. Naag ninkeeda diiddey oo aqalkeedi ka maqan.
mukhaawi
1. Qof dadka been u sheega oo maskaxda ka xada. 2. Qof aan hadalkiisu wax ka soo qaad lahayn.
mukhlis
1. Qof daacad ah. 2. (dii.) Qof cibaadada Eebbe ku wanaagsan.
mukhlisnimo
Mukhlis ahaansho.
mukhuursanaansho
/dh ld maquursanaan.
mukul
Daruur madow oo meel fog ka da'aysa.
mukulaal
Bisad; basho; dummad, yaanyuuro.
mukulaalduureed
Mukulaal duur ku nool ah.
mukulaalsabaad
Mukulaalduureed laf weyn oo giirgiir leh.
mukur
Isyeelyeel qabweyni ku jirto.
mulac
Xammaarato yar oo afar addin iyo dabo dhuuban oo dheer leh oo ay malowga isku bah yihiin laakiin ka jirmi yar. ld bulac.
mulacyayn
ld mulacyays.
mulacyee
Socod laalaabasho ah samayn.
mulbi
Wax tuugo ku dhammayn.
mulbin
ld mulbis.
mulbiso
1. Wax dhammaysasho. 2. Wax tuugo ku dhammaysasho.
muldhi
1. Wax diirka sare ka fujin. 2. Cid huga ka wada qaadid. 3. Timo madax ka wada xiirid.
muldhisan
Wax la muldhiyey ahaansho.
muldhisnaan
ld muldhisnaansho.
muldhisnaansho
/dh ld muldhisnaan.
muldhiso
1. Laan, jir iwm dubka ka diirasho. 2. Qof hu' uu gashanaan ka wada furasho. 3. Madax qurdasho.
muleemi
Wax wada qaadasho, iyada oo aan in yarna laga reebin.
muleemin
ld muleemis.
mulki
1. Maal aad u badan. 2. Hantida qof leeyahay. ld milki¹.
mulkiyid
ld milkiyid.
mullaax
1. Xuubabka mayraxda kaa ugu jilicsan oo geedka laftiisa adag xiga. 2. Dhuub kasta oo sida mullaaxda u jilicsan.
mullaaxi
Geed mullaax ka diirid.
mullaaxin
ld mullaaxis.
mullaaxsasho
ld mullaaxsad, mullaaxsi.
mullaaxso
Geed mullaax ka diirasho.
mullaay
1. Lakab mayrax ah oo u dhexeeya jillowda iyo lafta geedka. 2. Liid jilicsan ee cajaladda ku dhexjira oo hadalka, heesaha, muusika iwm lagu duubo. 3. Liid maro ah, jilicsan, khad leh oo teebka ku dhex jira oo farta warqadda lagu qoray muujisa.
mulli
Biyo badan oo qof liqi karta; mool.
muluf
Fuf caws ah. ld malaf.
mulul
1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah. 4. ld mululid.

