Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 15 of 36.
markhaati
1. Qofka fura dhacdo uu goobjoog ka ahaa. 2. Goobjoog. ld markhaanti, marqaati.
markhaatifur
1. Wax caddeeya dhacdo. 2. ld markhaatifurid.
markhaatifurid
ld markhaatifur¹ (2).
marki
Dhibaato gayeysiin (nafley).
markii
xi. eeg mar³.
markin
ld markis.
marko
Dhibaato la kulmid (qof).
marmaarri
1. Dhaqdhaqaajinta wax meel la gelinayo aayar loo dhaqdhaqaajiyo. 2. ld marmaarriyid.
marmaarriyid
ld marmaarri¹ (2).
marmar
1. Murqaha luqunta, tun. 2. Dhagax midabbo badan leh oo derbiyada ama sibirka guryaha lagu qurxisto. 3. ld marmarid.
marmarhays
Karreysaha geela.
marmarid
ld marmar¹(3).
marmaro
Indha farta ku rugasho (qof).
marmarsiinyo
Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. ld marmarsiino.
marmarsiinyoo
1. Marmarsiiyo sheegid. 2. Ku m.: wax marmarsiinyo ka dhigasho. ld marmarsoo.
marmarsiinyood
ld marmarsood.
marnaan
ld marnaansho.
marnaansho
/dh eeg marnow. ld marnaan.
marnow
1. Weel aan wax ku jirin noqosho. 2. Naas geel wax maraq lagu maray noqosho. 3. Qof jinni madaxa ka maray noqosho. 4. Gacan m.: qof cayr noqosho.
maro
Gabal dhar ah.
maro-masaar
1. Wiil, gabadh dabakeen ah ku mataansan oo la aaminsanyahay in uu falxad yahay. 2. Wan ama waxar dabakeen ku mataansan.
maroodi
(c.nafl.) Naasleyda berriga ku nool midka ugu weyn oo leh gacan dheer oo uu ka neefsado, waxna ku laayo, labo-ilig waaweyn dhaadheer, qaali ah oo ka soo baxsan goomankiisa, iyo cago balballaaran oo aan faro lahayn oo ku nool Afrika iyo Hindiya.
maroodiyow
Cudur xun, luga barariya oo dadka iyo xoolaha ku dhaca; abeesow.
maroog
Xarig la tirjinayo si xoog leh oo la isugu duubo.
maroogsanaansho
/dh ld marooqsanaan.
maroogsin
Dambiil weyn.
marooji
1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan.
maroojin
ld maroojis.
maroojis-laba-cirifle
(kiim.) Taranta soo baxda marka la isku dhufto saldanabka togan (ama midka taban ee saxar) iyo fogaanta u dhaxaysa labada saldanab.
marooq
1. Xarig, maro, iwm oo la maroojiyey meesha ay iskaga guntamaan. 2. Qallooc.
marooqsan
1. Wax marooq yeeshay ahaansho (xarig, maro iwm). 2. Wax marooq yeeshay ahaansho (gees, qori iwm). ld maroogsan.
marooqsanaan
ld maroogsanaan, maroogsanaansho, marooqsanaansho.
marooqsanaansho
/dh ld marooqsanaan.
marooqsasho
ld maroogsad, maroogsasho, maroogsi, marooqsad.
marooqso
Cid wax gacanteeda ku jira xoog kaga qaadasho. ld maroogso, maroorso.
maroor
Meesha nafleydu ka saxarooto.
maroori
Si maroor ah wax u wareejin.
marooro
Geed-saar ka kooban laamo jilicsan oo la cuno, oo dhadhankiisu dhanaanyahay.
maroorsan
Wax maroor leh noqosho (xarig, maro iwm).
maroorsanaan
ld maroorsanaansho.
maroorsanaansho
/dh eeg maroorsanow. ld maroorsanaan.
maroorsanow
Wax marooq yeeshay noqosho (xarig, maro iwm).
marqaami
Marqaan gayeysiin (qof). ld marqaansii, murqaami.
marqaamid
ld murqaamid.
marqaamin
ld marqaansiin, marqaansiis, murqaamin.
marqaan
1. Farxad iyo firifircooni laga helo cunida qaadka. 2. M. ah: qof ay ka muuqato farxad iyo firfircoon qaad uu cunay dartii. ld murqaan.
marqaansan
Wax marqaamay ahaansho (qof). ld murqaansan.
marqaansanaan
ld marqaansanaansho, murqaansanaan, murqaansanaansho.
marqaansanaansho
/dh eeg marqaansanow. ld marqaansanaan.
marqaansanow
Wax marqaamay noqosho (qof). ld murqaansanow.
marqaansiin
martiqaad²
marqafur
Geed-saar geelu aad u jecelyahay, marqammayr. ld marqammayr.
marqan
Wax maraq naasaheeda ku xiran yahay ahaansho (halirmaan). ld maraqsan.
marqanaan
ld maraqsanaan, maraqsanaansho, marqanaansho.
marqanaansho
/dh ld marqanaan.
marqasho
ld maraqsad, maraqsasho.
marqi
1. Hal naasaha ka marid. 2. Hilib maraq u yeelid.
marqin
ld marqis.
marqo
Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marasho, si aan loo nuugini ama loo lisin. ld maraqso.
marra
fk. ld mar¹.
marras
Dadka intiisa jilicsan sida carruurta, odayada iyo masaakiinta.
marre
Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. ld marro (2).
marriimid
ld marriin¹ (4).
marriin
1. Dharka haweenka. 2. Daliig midab leh oo maro marsan. 3. Qalab haweenku isku qurxin darteed u gashadaan. 4. ld mariimid.
marro
1. Jilib qabiilo. 2. ld marre.
marsan
/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Haweenay maro ay xirantahay wax dhexda ka xiran ahaansho. 2. (f.mg) Wax midab, dufan iwm meel laga mariyey ahaansho. 3. (f.mg) Maro, darin iwm oo liid midabo ah lagu qurxiyey ahaansho.
marsanaan
ld marsanaansho.
marsanaansho
/dh ld marsanaan.
marsasho
ld marsad.
marshee
Marsho gelin.

