Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 27 of 36.
minqaadi
Fogaan minqaad ah reer rarid.
minqaxwe
Wiil makhaayad ka shaqeeya oo shaaha dadka u geegeeya.
mintid
1. ld mitid 1. M. ah: qof wuxuu qabanayo si naftihurennimo ah u qabto. 2. ld mintidid.
mintidid
ld mintid¹, mitid¹, mitidid.
mintidnimo
Mintid ahaansho. ld mitidnimo.
minweyn
Naago nin wada qabo tan ugu guur horraysay.
minxiis
Labo qof oo isguursaday nin u wehel yeela muddada ay arooska ku jiran.
minyaro
Naago nin wada qabo tan ugu guur dambeysay.
mir
/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Habeen nafley cunto siin. 2. (f.mg) Col, roob iwm habeen imaansho. 3. Xoolo, badar iwm oo isku dhex jira sida ay leeyihiin u kala saarid.
miraaf
Miraf sameyn ama meelo warwareegid.
miraafid
ld miraaf¹.
miraale
Mahiigaan habeeneed.
miracas
Murcanyo.
miran
1. Qof roob ama col miray ahaansho. 2. Qof ama wax la miray ahaansho.
miratahan
Noole miro ku nool.
miraxareedaad
Ukunta kaneecada iyo xayawaanka kale ee biyo ku noolka ahi ka abuurmaan.
mirayso
Miro gurasho.
mirdareer
Geel meeshii uu fadhiyey inuu mirto awgeed uga dareerid.
mirdhi
Ilmo dhicin (ri' irmaan). ld mirdhee.
mirdhin
ld mirdheyn.
mirdhis
Carjaw xalleefsan oo sanka labadeeda dul kala qoqobta.
miree
/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xabbad lafo burburin. 2. (f.mg) Geed miro yeelasho. 3. (f.g) Hees iwm mireheeda tirin.
miridho
Dhicinta ay neef rimani ilmo dhiciso.
mirif
Saxarro yaryar oo dabaysha bitin karto. ld muruf.
mirigsii
Indhaha ka m.: si cabsi leh wax u eegid.
mirimmiri
Geed abaareed weyn oo leh caleen dhuudhuuban iyo har wanaagsan waxaana lagu beeraa jidadka magaalooyinka.
miriq
1. Bidhaan fogaatay muuqaalkeeda qarsoomid. 2. Muuqaal deg u qarsoomid.
miriqshaanle
Socod dan la'aan ah oo warwareeg ku jiro oo ay dadka iyo xoolaha sameeyaan.
miriqshaanlee
Dad ama xoolo miriqshaanle samayn.
miriqshaanleyn
ld miriqshaanleys.
mirir
1. Bir mirir yeelasho. 2. Ri' ilmeheeda wayday ciyid.
miriri
Wax mirir u yeelid.
miririd
ld mirdhid.
miririg
Iska hor iyo dabo wareegidda ay wax sameeyaan, indhuhuna ku wareeraan. ld mililig.
miririglee
Miririg samayn. ld mililiglee.
miririgleyn
ld mililigleyn.
mirirsan
Wax miriray ahaansho.
mirirsanaan
ld mirirsanaansho.
mirirsanaansho
/dh ld mirirsanaan.
mirkac
Habeen gelinkii dambe toosid (cid).
mirkici
Cid habeen gelinkiisa dambe toosin.
mirnaan
ld mirnaansho.
mirnaansho
/dh ld mirnaan.
miro
/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Xoolo kale ka soocasho. 2 (f.mg) Xoolo habeen daajisasho. 3. (f.mg) Xoolo habeen daaqid.
mirraw
Geedgaab aan caleen lahayn oo geelu daaqo.
mirriji
Neef la maalay candhadiisa jiidjiidid si ay mar labaad caano ugu soo dhacaan.
mirriq
Godol yar oo ku soo dhaca candhada neef hore loo maalay marka la salaaxo dharaq.
mirriqsasho
ld mirriqsad, mirriqsi.
mirriqso
Neef mirriq ka maalid.
misaal
Wax, wax kale tusaale ahaan loogu qaato. ld masaal, mataal, mitaal.
misana
xi. Laakiin, ha ahaatee. Tus. “Afka carabiga wuu fahmayaa, misana kuma hadli karo”. ld misna.
misbaax
Faynuus, siraad. ld musbaax.
miscilil
Xero miscilil u sameyn ood astaan ahaan jabad u dhigid.
miscilili
1. Xero miscilil u yeelid. 2. Ood booscelis ah samayn.
miscililo
Xero miscili u yeelasho.
miscililsan
Wax la miscililay ahaansho (xero).
miscililsanaan
ld miscililsanaansho.
miscililsanaansho
/dh ld miscililsanaan.

