Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' — page 30 of 36.
moxog
1. Dhabarka dadka intiisa hoose. 2. ld moxoggo.
moxoggo
1. (bot.) Geed la beero oo xididdo buruq waaweyn oo dhulka ku xabaalan, dad iyo duunyaba way cunaan, bur wanaagsanna waa laga sameeyaa. 2. ld moxog (2).
moxor
Geedaha xijiga jaad ka mid ah oo beeyada dhala.
moxorcad
Jaad ka mid ah geedaha moxorka ee beeyada cad dhala. ld moxorcadde.
moxorlo'
Nooc ka mid ah geedka moxor oo beeyo dhala.
moxormadow
Nooc ka mid ah geedka moxorka oo beeyo madow dhala. ld moxormadoobe.
moy
(1).
mu'aammarad
Dibindaabyo qarsoodi ah oo cid lagu waxyeellaynayo.
mu'addin
(dii.) Ninka masaajidka ka addima.
mu'allif
(riw.) Qof riwaayad iwm curiya.
mu'asas
Fikrad urur aasaasta (cid).
mu'di
Nafley aamusnaanta wax ku dila.
mu'dinnimo
Nafley mu'di ahaansho.
mu'min
(dii.) Qof awaamiirta Ilaahay siday ahayd u fuliya. ld muumin.
mu'minnimo
Mu'min ahaansho. ld muuminnimo.
mu'tamir
Shir weyne dad la soo doortay ay isugu yimaadaan oo arrimo gaar ah kaga hadlayaan.
mubaax
M. ah: fal aan samayntiisu dembi lahayn.
muc
1. Xudun. 2. Hadalka muxurkiisa.
mucaarad
Cid fikrad liddi ku ah.
mucaaradnimo
Mucaarad ahaansho.
mucatab
Garab qodo.
mucayin
M. ah: wax la isla yaqaan ama la wada ogyahay.
mucjiso
1. Dhacdo aan horey loo arkin faliddeeduna aadanaha ku adagtahay. 2. Wax aad loola yaabo.
mucurteysan
U m.: wax, wax baahi weyn u qaba ahaansho. ld mucurtiyeysan.
mucurteysnaan
ld mucurteysnaansho, mucurtiyeysnaan, mucurtiyeysnaan.
mucurteysnaansho
/dh ld mucurteysnaan.
mucurti
Baahi weyn. ld mucurto.
mucurtiyeysnaansho
/dh ld mucurteysnaan.
mucurtoo
U m.: wax baahi weyn u qabid.
mud
Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).
mųd
1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid.
mudaa
Qalab wax lagu tolo oo kobotolana ka yar, mudacana ka weyn oo caarad ballaaran leh.
mudaal
M. ah: qodax mudda oo jab yar ku reebta oo leh kaar badan.
mudac
Qalab af dhuuban oo daab qori ah oo la qabsado leh, laguna tolo dhiilaha, haamaha iwm.
mudac-middiil
Qalab bir ka samaysan, af fiiqan iyo dhex ballaaran oo wax goysa leh oo haanta, masafta iwm marka la samaynayo loo isticmaalo.
mudan
Qaddarin gaar ah qof la siiyo; wax la mutaystay. ld mudanti.
mųdan
Wax meel ku turqan noqosho (shay).
mudane
1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
mųdasho
ųdo.
mudbax
Ka m.: wax caarad leh wax ka dhex bixid. ld murbax².
mudbaxsan
Ka m.: wax, wax la socday ama la sinnaa wax ka soo hor muuqda ahaansho. ld murbaxsan.
mudbaxsanaan
ld mudbaxsanaansho, murbaxsanaan, murbaxsanaansho.
mudbaxsanaansho
/dh ld mudbaxsanaan.
mudbixi
Wax waran iwm ka dhex bixin. ld murbixi.
mudbixid
ld mudbax¹ (2), murbax¹, murbixid.
mudbixin
ld murbixin.
muddaahano
1. Meermeerin iyo dib-udhigidda arrin aan la doonayn in la fuliyo. 2. ld muddaahineyn.
muddaaharaad
Bannaanbax ay dadweyne tiro badan meel fagaaro ah ku sameeyaan, iyagoo wax taageeraya ama diidaya. ld mudaaharaad¹.
muddaaharaadid
ld mudaaharaadid.
muddaahinee
Arrin aan la rabin in durba la fuliyo, dibudhig, meermeeris iyo hadal macaan ku wadid. ld muddaahanee.
muddaahineyn
ld muddaahaneyn, muddaahano, muddaahino.
muddac
Ninka garta sheeganaya.
muddac-calayhi
Cid garta loo haysto ama loo dhigtay.
muddamdam
Sirrow; munaafaq.
muddamdamnimo
Muddamdam ahaansho.
muddee
Cid waqti ama muddo u qabasho.
muddeec
M. ah: qof wixii la faro si fudud u yeela; aan wax diidin; baarri ah. ld muddiic.
muddeecnimo
Muddeec ahaansho.
muddeysan
Wax wakhti ama muddo loo qabtay ahaansho.
muddeysnaan
ld muddeysnaansho.
muddeysnaansho
/dh ld muddeysnaan.
muddo
Waqti, goor, waa, shin.
muddug
1. Aan la wehelin; keli ah. 2. Aan waxba sidan; qaauan. 3. Faro maran; aan hanti lahayn.
muddugan
Wax muddug ah ahaansho. ld muddugsan.
muddugnaan
ld muddugnaansho, muddugsanaan, muddugsanaansho.
muddugnaansho
/dh ld muddugnaan.
muddugnimo
Muddug ahaansho.
muddugsanaansho
/dh ld muddugnaan.
mudid
ųd. ld mudniin.
mudmid
ųdan¹.
mudnaan
ld mudnaansho.
mųdnaan
ųdan². ld mųdnaansho.

