Words starting with 'M'
3,537 Somali words beginning with 'M' β page 36 of 36.
muunaysnaansho
/dh ld muunadaysnaan.
muuq
Bidhaanta ishu aragto. ld muug.
muuq-doori
(riw.) Dad wax matilaya haaneedin, qurxin; turukeyn.
muuqaal
Qaab muujinaya habdhaca falka oo la xiriira muddada dheer ama gaaban ee falku dhacayo iyo dhammaadshihiisa.
muuqaalceli
Ka m.: wax muujin.
muuqasho
ld muuqad.
muuqo
1. Wax la arki karo noqosho. 2. U m.: wax dhab ahaantiisa mooyaane si kale u arkid ama u fahmid.
muuqsheeg
(baay.) Astaamaha ka muuqan kara noolaha. Astaamahaasi waxay ku xidhanyihiin hiddo-sidihiisa, xidhiidhka shiiqsanaanta ee ka dhexeeya aliiladiisa, iyo laqabsiga hiddo-sidaha degaankiisa.
muurree
1. Nafley tiro badan hal mar wada dhaqaaqid. 2. Keli socosho.
muurri
Nafley si ayaar ah u dhutin; heetin.
muursasho
ld muudsasho.
muursii
Qof afka wax u gelin si uu u muursado. ld muudsii.
muursiin
ld muudsiin.
muurso
Adke dhadhan leh oo afka ku dhex jira candhuuf iyo dhaqdhaqaaqa daamanka hoore la liqi karo ka dhigid. ld muudso.
muus
1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. ld moosΒ².
muusaabid
ld muusood.
muusannow
Qaylo badan oo qof cid u hiilisa ugu yeerto samayn.
muusaw
Qosol yar oo dhooluhu muuqdaan sameyn. ld muusoo.
muusid
Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
muusika
1. Dhawaaq dheguhu ku raaxaystaan dhabaq lahayn oo ka dhasha qalab ama wax ka badan oo la garaaco ama la yeeriyey. 2. Hees iyo qalab la tumayo oo wadajira. ld muusiqa.
muuso
Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan.
muwaaddin
Qof ka mid ah dad waddan u dhashay.
muwaafaqo
Heeshiis iyo samo lagu wada noolaado.
muxaadarad
Khudbad cilmiyeed oo meel fagaare ah laga jeediyo. ld muxaadaro.
muxtaaj
M. ah: qof baahi wax u qaba.

