Qaamuuska Asalka
milixsanaan
(juqr.)MagacDhexdhexaad
Macnaha
Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta eemindhismo badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.
Erayo la-mid ah
milic1. Qorrax. 2. Kulka fallaaraha qorraxda.milicsashold milicsad, milicsi.milicso1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax degā¦milif/dh Raar ama maro duug ah.miliilicEegitaan isha lala sii raaco wax ay laabtu u bogtay. ld miliā¦miliilicWax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.miliilicidld miliilic¹.miliilicoWax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.

