0

baaxaaddegnaansho

m l

/dh ld baaxaadegnaan.

0

baaxaadeg

m l

Degganaan la'aan joogto ah. ld baaxaaddeg¹.

0

baaxaadegan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la kulmay degganaan la'aan joogto ah ahaansho. ld baaxaaddegan.

0

baaxaadegid

m f dh

ld baaxaaddegid.

0

baaxaadegnaan

m f dh

ld baaxaaddegnaan, baaxaaddegnaansho, baaxaadegnaansho.

0

baaxaadegnaansho

m l

/dh ld baaxaadegnaan.

0

baaxad

m dh

Ballac.

0

baaxadsoore

m l (-rayaal m.l/dh)

Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.

0

baaxeer

m l (-rro, m.dh)

Qof bashaash ah.

0

baay

m dh (xis.)

Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay 3.14159... waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.

0

baayac

f g1 (-cay, -cday; -yici)

Wax ganacsi u yaal qiimahooda weyddin; gorgorin.

0

baayacad

m l

Weyddiinta qiimaha wax ganacsi u yaal. ld baayacasho.

0

baayacasho

m f dh

ld baayacad.

0

baayacmushtar

m l

; biicmushtari.

0

baayacmushtari

m l

Eeg: biicmushtari

0

baayacmushtarid

m f dh

Eeg: biicmushtarid

0

baayaco

f g3 (-cday, -atay)

Eeg: baayoco

0

baayactamid

m f dh

ld baayactan¹.

0

baayactan

f mg1 (-amay, -antay)

Wax iib u yaal qiimahooda ka doodid.

0

baaybal

m l (dii.)

Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah yahuudda iyo kirishtaanka.

0

baayicid

m f dh

ld baayac¹.

0

baayir

m l kh (-rro, m.dh)

B. ah: qof aad u been badan; beenlow; beenaale.

0

baayirid

m f dh

Eeg: baayir²

0

baayirnimo

m dh

Baayir ahaansho.

0

baayoco

f mg3 (-yacday, -yacatay)

Badeeco qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. ld baayaco.

0

babac

m l

/dh (-cyo, m.l) 1. Daaddagga buurta ama taagga; hoobad. 2. Si aan toos ahayn ee wax loo dhigo. 3. ld babcid.

0

babacdhig

f mg1 (-gay, -gtay)

U b.: cid, wax dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid.

0

babacdhigid

m f dh

ld babacdhig¹.

0

babactamid

m f dh

ld babactan¹.

0

babactan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Ciyaaro fudud sida legdin, orod iwm ku tartamid.

0

babbaay

m l

Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.

0

babbad

m l

1. B. ah: meel aan gabbaad lahayn oo dabayl badan. 2. ld babbasho.

0

babban

m l (-nno, m.dh)

Eeg: bamban

0

babbasho

m f dh

ld babbad.

0

babbi

f g2 (-iyay, -isay)

Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.

0

babbin

m f dh

ld babbis (2).

0

babbis

m l (-yo, m.dh)

1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo. 2. ld babbin.

0

babbisjinni

m l

Balanbaalis

0

babbo

f mg3 (-baday, -batay)

Wax dabayl xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.

0

babcan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax gudub ama babbac loo dhigay ahaansho.

0

babcanaan

m f dh

ld babcanaansho.

0

babcanaansho

m l

/dh ld babcanaan.

0

babcid

m f dh

ld babac¹ (3).

0

bac

m dh (-cyo, m.l)

1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.

0

bacaac

m dh

1. Qalaad. 2. B. ah: qof nacas ah.

0

bacaad

m l

Ciid badan, jilicsan, boor lahayn oo aan lagu socon karin.

0

bacaad-qaab-bileed

m l (juqr.)

Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.

0

bacaadcelin

m dh

Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo.

0

bacad

m l (-ddo/-dyo, m.dh)

1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho.3. Meel kulul oo qorraxda hayso.

0

bacadle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.

0

bacaraar

m l (-rro, m.dh)

1. Sanka qeybtiisa sare ee dhuuban. 2. Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.

0

bacaroor

m dh

Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.

0

bacaw

m l

/dh (-wyo, m.dh) Qof la baaseeysto oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato.

0

bacayr

m dh (-ro, m.l)

Jaad ugaarta ka mid ah sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna nool meelaha biyaha badan; dhusaas.

0

bacdad

m dh

Fara badan.

0

bacdamaa

xi. Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. ld maadaama.

0

bacdi

m dh fk

Ka bacdi: kaddib; dabadeed.

0

bacle

m l

Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.

0

bacleel

f g1 (-eelay, -eeshay)

Si gudub ah wax u eegid.

0

bacleelid

m f dh

Eeg: baacleel

0

bacood

m dh

Meel taag ah oo aan geedo lahayn.

0

bacramid

m f dh

Eeg: bacran¹

0

bacran

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Wax dildilaac yeeshay noqosho (muraayad, laf, derbi iwm).

0

bacranaan

m f dh

ld bacranaansho.

0

bacranaansho

m l

/dh ld bacranaan.

0

bacrimane-saygot

m l (-ooyin ..., m.l)

(baay.) Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa maxsuulka is kudarsanka bu'da ugxanta iyo xawada ama boodh faxalka.

0

bacrimayn

m f dh

ld bacrimays, bacrimin, bacrimis.

0

bacrimays

m l

Eeg: bacrimayn

0

bacrimee

f g2 (-meeyay, -maysay)

1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. ld bacrimi.

0

bacrimi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: bacrimee

0

bacrimin

m dh

Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.

0

bacrimis

m l

Eeg: bacrimayn

0

bacrimiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

1. Daawo digo iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig. bacrin m.dh Dhul carrasan oo wax ka soo bixi ogyihiin; ugbaad.

0

bacrin-la'an

m dh (daaw.)

Awood la'aan in naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin kari waayo.

0

bacsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Dharbaaxo ku dhufasho (qof).

0

bacsiin

m f dh

Eeg: bacsii

0

bad

m dh (-do, m.l)

1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

0

bąd

m l

Eeg: bed³

0

bad-dhac

m l

/dh 1. Qof ku nool khayraadka badda oo kaliya. 2. Qof ku xildheer arrimaha badda.

0

badad

m dh (-dyo, m.dh)

(fiis.) Dululaatiga laga dareemi karo xoog; xooggaasi oo uu sababay jiritaanka walax taalla bar ka mid ah dululaatiga. Noocyada b.da waxa ka mid ah: a) b.birlabeed, b) b. danabeed c) badad cufisjiidad.

0

badad-birlabeed

m dh (-dyo, m.dh)

(fiis.) Badad xoog oo ka jira weegaarka birlab ama gudbiye qulqul danab wada.

0

badalli

m l

Rati aan weli rarka loo layliyin.

0

badan

m l

B.keenna, b.kiina iwm: inteenna badan, intiinna badan iwm.

0

badan-midab-ileys

m dh (-syo, m.dh)

(fiis.) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midab-ileys.

0

badanaa

fk. Inta badan, marar badan, aalaa. Tus. “Birtu badanaa way mirirtaa”.

0

badar

m l

Nooc ka mid ah dalagga la beerto oo leh iniino la cuno, lana keydin karo, sida: galleyda, masaggada, iwm.

0

badasho

m f dh

Eeg: bado

0

badbaadayn

m dh

Eeg: badbaadin

0

badbaadaysasho

m dh

Eeg: badbaadsasho

0

badbaadayso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: badbaadso

0

badbaadee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Eeg: badbaadi

0

badbaadi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax khatar ka nabadgelin. ld badbaadee.

0

badbaadin

m f dh

ld badbaadayn, badbaadis.

0

badbaadis

m l

Eeg: badbaadin

0

badbaado

m dh

Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.

0

badbaadsasho

m f dh

ld badbaadaysasho.

0

badbaadso

f mg3 (-saday, -satay)

Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. ld badbaadayso.

0

badbad

f mg1 (-day, -dday)

Wax karsamaya takhid.

0

badbadi

f mg2 (-iyay, -isay)

Ka b.: wax, xadkooda dhaafin.

0

badbadid

m f dh

Eeg: badbad