0

boohi

f g2

Eeg: oohi

0

boohin

m dh

Eeg: oohin

0

boohise

m l

Codbaahiye.

0

boojaal

m dh (-lo, m.l)

Digaag aan weli curan.

0

boojay

m l

Maroodi yar oo caanannuug ah.

0

booji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid.

0

boojimo

m dh (-ooyin, m.l)

Gabar xoog lagula baxay oo aan yarad laga bixin.

0

boojin

m f dh

Eeg: booji

0

boojis

m l

/dh (-syo, m.dh) Qof hubeysan oo si sharci darro u laaayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iwm.

0

boojisnimo

m dh

Boojis ahaansho.

0

boolaboolo

m dh

Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. ld boolamboolo.

0

boolamboolo

m dh

Eeg: boolaboolo

0

boolaxooftayn

m dh

Eeg: boolixooftayn

0

boolaxooftee

f g2 (-teeyay,-teysay)

Eeg: boolixooftee

0

boolaxoofto

m dh

Eeg: boolixoofto

0

boolayn

m f dh

ld boolo.

0

boolbare

m l (-rayaal, m.l/dh)

Eeg: boodhar

0

boolbire

m l (-rayaal, m.l/dh)

Eeg: boodhar

0

booldhannimo

m dh

Booldhe ahaansho.

0

booldhe

m l (-dhayaal, m.l/dh)

Dhasha biciidka.

0

boolee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Ciyaar turub haad u boqrid.

0

booli

f g1 (-lyay, -liday; -lyi)

Hanti qof lahaa, qof kale si sharci darro ah ku milkiyid.

0

boolibabtaydh

m l (-dhyo, m.dh)

(baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.

0

boolicun

m l (-nno, m.dh)

Qof hanti booli ah ku dhaqma. ld boolicune, booliquute.

0

boolicune

m l

Eeg: boolicun

0

booliis

m l

Eeg: boliis

0

booliquute

m l (-tayaal, m.l/dh)

Eeg: boolicun

0

boolixooftayn

m f dh

ld boolaxooftayn.

0

boolixooftee

f g2 (-teeyay, -teysay)

U b.: faan iyo hanjabaad cid u jeedin. ld boolaxooftee.

0

boolixoofto

m dh

Faan iyo hanjabaad been ah oo cid loo jeediyo. ld boolaxoofto.

0

boolo

m dh

Ciyaarta turubka, hadba marka la dheelayo haadka loo boqro. ld boolayn.

0

boolyid

m f dh

Eeg: booli²

0

boon

m l (boon, m.dh)

Nin nolol maalmeedkiisa ka soo saaro ugaarsashada.

0

boonbiyeed

m l

Ninka tababaradka bilowga ah ku jira ee loo carbinayo sida gammuunka loo gano waxna loogu dilo.

0

boondhow

m dh (-wyo, m.dh)

Furdaaminta la furdaamiyo qof herinta ka mid ah oo dembi galay; carromaris.

0

boongeli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid herin ku darid.

0

boongelin

m f dh

ld boongelis.

0

boongelis

m l

Eeg: boongelin

0

booqad

m l

Eeg: booqasho

0

booqasho

m f dh

ld booqad.

0

booqo

f g3 (-qday, -qatay)

Cid, meel, waddan si xaaladdeeda loo ogaado aadid.

0

boor

m l

1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.

0

bǫor

m l (-rar, m.l)

Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.

0

boor-kamakacdo

m dh (-ooyin, m.l)

Haween isku darsatay caajisnimo iyo baalinnimo.

0

booraan

m dh (-aamo, m.l)

God hoos u dheer oo af dhuuban leh.

0

booraandawaco

m dh

God dawaco.

0

booran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Wax la booray ahaansho (sac). 2. Wax qalloocan ahaansho (dhabarka).

0

boorane

m l

Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug.

0

booranji

m dh

Nooc dharka midabka leh ka mid ah.

0

boorayn

m f dh

ld boodayn.

0

booraysad

m l

Eeg: booraysasho

0

booraysasho

m f dh

ld booraysad, booraysi.

0

booraysi

m l

Eeg: booraysasho

0

boorayso

f mg3 (-stay, -satay)

(dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.

0

boore

m l

B. ah: midab u eg kan dambaska.

0

booree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Wax boor u eyelid; ld boodee.

0

boorid

m f dh

ld boor².

0

boorimee

f g

/mg2 (-meeyay, -meysay) 1. (f.g) Hogayn. 2. (f.g) wax si aan nidaamsanayn u qabin. 3. (f.mg) Cararid.

0

boorimeyn

m f dh

Eeg: boorimee

0

boorimo

m dh (-ooyin, m.l)

1. God weyn oo hilibka lagu hogeeyo. 2. B. ah: hilib la hogeeyey.

0

boorjiif

m l (-fyo, m.dh)

Qof aan hooy uu seexdo lahayn. ld dibadjiif.

0

boornaan

m f dh

ld boornaansho.

0

boornaansho

m l

/dh ld boornaan.

0

booron

m l (-nno, m.dh)

(kiim.) Curiye bir-u eke ah adag, si fududna u burbura, kana tirsan rurka III ee tusaha kalgalka curiyeyaasha.

0

boorri

f mg2 (-iyay, -isay)

Ku b.: cid hawl qabashadeda ku guubaabin.

0

boorrin

m f dh

Eeg: boorri

0

boorso

m dh (-ooyin, m.l)

Shay caag ama saan ka samaysan oo gacanta lagu qaadan karo oo lacag, dhar, buugag iwm lagu rito.

0

boos

m dh

1. Haweenay lug ama gacan la'. 2. B. ah: haan duug ah oo biyaha sii deysa; abaali.

0

boosay

m l

(5).

0

boosh

m l

1. Harag laga bixiyey ari caato ah. 2. Midab aad u cad oo ay yeeshaan timaha, dhogorta iwm.

0

boosh-cadde

m l (-dayaal, m.l/dh)

Nooc bariiska ka mid ah oo aad u tarma marka la kariyo.

0

booshool

m l

Geri yar oo caano nuug ah.

0

booso

m dh (-ooyn, m.l)

Goroyada dheddig, goroyacawl.

0

boostaale

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof waraaqaha boostada ka soo qaada oo dadkii lahaa u geeya.

0

boosto

m dh

1. Maamul dawladeed oo ku jaadan waraaqaha, dhambaallada iwm oo la isu diro qaybintooda iyo isgaarsiintooda. 2. Xafiisyada iyo rugta hawlahaas lagu qabto.

0

bootaale

m l

Eeg: bootoole

0

bootaan

m dh

1. Bus; habaas. 2. Meesha buska leh.

0

bootar

m l (-rro, m.dh)

Eeg: boodhar

0

bootayn

m f dh

ld bootays.

0

bootays

m l

Eeg: bootayn

0

bootee

f mg2 (-teeyay, -taysay)

U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin.

0

booti

f g2 (-iyay, -isay)

1. Arday hal fasal ama ka badan gudbin. 2. Ka b.: wax wax kale dul marin iyadoo dhankeeda kale lagu ridaayo. ld boodsii.

0

bootimaale

m l

Tartan lagu tartamo bootin.

0

bootimaaleysad

m l

Eeg: bootimaaleysasho

0

bootimaaleysasho

m f dh

ld bootimaaleysad, bootimaaleysi.

0

bootimaaleysi

m l

Eeg: bootimaaleysasho

0

bootimaaleyso

f mg3 (-stay, -satay)

Tartan bootin ah ka qeybqaadasho.

0

bootin

m dh

ld booddo¹ (1), boodsiin, boodsiis, bootis.

0

bootis

m l

(1).

0

booto

m dh

Faan iyo hanjabaad been ah oo cid lagu cabsi gelinayo.

0

bootoole

m l (-tayaal, m.l/dh)

Qof faan iyo hanjabaad badan. ld bootaale.

0

boowe

m l

Eeg: abboowe

0

booy

f mg1 (-yay, -yday)

Eeg: ooy

0

booyaamid

m f dh

ld booyaan¹ (2).

0

booyaan

f mg1 (-aamay, -aantay, -aami)

Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid.

0

booyad

m dh (-do, m.l)

1. Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iwm lagu qaado. 2. Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.

0

booyid

m dh

Eeg: ooyid

0

boqnagoo

f g2 (-ooyay, -oysay)

1. Qof luggoyn. 2. Nafley si loo curyaamiyo feyla jarid. ld boqnajar, boqongoo.

0

boqnagooyo

m dh

1. Luggooyo. 2. Jaridda feylaha la jaro si loo curyaamiyo. ld boqnagoyn.

0

boqnagoyn

m f dh

ld boqnagooyo, boqnajarid, boqongooyo, boqongoyn.