0

batar

m l

Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah jiib iyo sacab leh oo ay ragga iyo dumarku wada dheelaan.

0

batiikh

m l

Geed sida qaraha u faalala oo yeesha miro waaweyn oo cillaan ah oo la cunno. ld batiiq.

0

batiikhoobid

m f dh

Eeg: batiikhow

0

batiikhow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Sida batiikha u bislaasho (gabar).

0

batiiq

m l

Eeg: batiikh

0

batoojin

m l (daaw.)

jirro dhaliye.

0

batraamid

m f dh

Eeg: batraan²

0

batraan

m l (-nno, m.dh)

Kibir badan; islaweyni.

0

batraannimo

m dh

Kibir.

0

batrool

m l

1. Baansiin. 2. Saliid qaali ah, laga qodo dhulka, loo adeegsado shidaalka matoorrada oo marka la sifeeyo laga helo nafto, baansiin, gaas iwm.

0

batuux

m dh

Eeg: bataax

0

bawaasiir

m dh (-rro, m.dh)

(daaw.) Ballaarashada xididdada badan ee dhiiggu ka buuxo oo ku yaal futada qarkeeda. Badanaa waxa keena calool joogsi muddo dheer socday ama shuban. ld baabasiir, baabusiir, baawasiir.

0

bawhaar

m l

Qaylo dheer.

0

bawis

f g2 (-say, -stay)

Wax sida turub shaandheyn.

0

bawisid

m f dh

ld bawis¹.

0

bawlad

m dh (-do, m.l)

Lacag sarrif ah oo waa hore la isticmaali jiray oo qiimaheedu u dhigmo rubbiyad afar meel loo dhigay meesheed. ld bawlo.

0

bawlo

m dh

Eeg: bawlad

0

bawne

m l

Nafley bakaylaha u eg, kase yar, qararka buuraha ku nool oo orod bootimaaleyn ah leh; dabariyaadle.

0

bax

f mg1 (-xay, -xday; -bixi)

1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

0

baxaalli

m l

Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay.

0

baxaar

m l (-rro, m.dh)

Nin saaxir ah oo ku nool hilada webiyada oo loo aqoonsanyahay in uu xukumo yaxaasyada.

0

baxar

m l

1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul yaryar cadcad oo haweenku qoorta ku xirtaan.

0

baxarsaaf

m l (bot.)

Geed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal aysan kaneecadu imaan. ld baahirsaaf.

0

baxdow

m l

Faras aad u dheereya oo aan fardaha la mid ahayn ee ka baxsan. ld baxdoy.

0

baxdownnimo

m dh

Baxdow ahaansho (faras). ld baxdoynnimo.

0

baxdoy

m l

Eeg: baxdow

0

baxdoynnimo

m dh

Eeg: baxdownnimo

0

baxnaan

m dh

Dabeecad.

0

baxnaani

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax sida ay ku dambeynayaan ka dhursugid. 2. Ilaalin (qof bukan, xoolo, xaalad iwm).

0

baxnaanin

m f dh

ld baxnaanis, baxnaano.

0

baxnaanis

m l

Eeg: baxnaanin

0

baxnaano

m dh

Ka dhursugidda wax sida ay ku dambeeyaan. ld baxnaanin.

0

baxnin

m l

Shuban.

0

baxri

m dh

1. Dad doonyada ka shaqeeya oo tabta iyo xeeladaha badda yaqaan. 2. Dabayl dhanka badda ka timaadda.

0

baxsad

m l

1. B. ah: qof meel lagu ogaa si sharcidarro ah uga fakaday meeshi lagu ogaa. 2. B. ah: neef xoolo ah oo ka fakaday meeshi lagu ogaa. 3. ld baxsasho.

0

baxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iwm ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iwm wax fidsan ahaansho.

0

baxsanaan

m f dh

ld baxsanaansho.

0

baxsanaansho

m l

/dh ld baxsanaan.

0

baxsasho

m f dh

ld baxsad (3), baxsi.

0

baxshuush

m dh

Bacaw.

0

baxshuushsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax baxshuush hayo ahaansho.

0

baxshuushsanaan

m f dh

ld baxshuushsanaansho.

0

baxshuushsanaansho

m l

/dh ld baxshuushsanaan.

0

baxsi

m l

Eeg: baxsasho

0

baxsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: bixi

0

baxsiin

m dh

Eeg: bixin

0

baxsiis

m l (-yo, m.dh)

1. Ceel cusub oo markaas la qoday. 2. Biyaha ceel cusub oo markaas la qoday. 3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex saaro. 4. ld bixin.

0

baxso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Wax meel ku jirey kala bixid. 2. Nafley wax halis u ah ka cararid. 3. Ka b.: nafley halis ka badbaadid.

0

bayaad

m l (-do, m.l)

Baaxadda awrka.

0

bayaan

m l

1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.

0

bayaani

f g2 (-iyay, -isay)

Wax bayaan ka dhigid.

0

bayaanin

m f dh

Eeg: bayaani

0

bayaxaw

m dh

1. Xiddigta u dhexeysa garbo iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.

0

bayb

m l (-byo, m.dh)

Qalab ka kooban dhuun dhuuban iyo madax kuusan oo dhexda ka dalaloola oo tubaakada lagu dhuuqo. ld beeb, biibbo.

0

baybayle

m l (-layaal, m.l/dh)

Eeg: bayrabayre

0

baybaysasho

m f dh

ld baybaysi.

0

baybaysi

m l

Eeg: baybaysasho

0

baybayso

f g3 (-saday, -satay)

Waalid sasabasho (carruur).

0

bayd

m dh (-do, m.l)

1. Xarig ama suun xoolaha la rarayo ama heensaynayo gardaadka looga xiro si uu rarka ama koorahu gadaal ugu dhicin. 2. Gardaad.

0

baydaan

m l

Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.

0

baydacar

m l

Bey midab dacar ah ku dhafanyahay.

0

baydad

m l

1. ld beygag 1. Cabsi kedis ah oo wax cabsi lahayn ka didda. 2. ld baydadid.

0

baydadi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley baydad ku ridid. ld beygagi.

0

baydadid

m f dh

ld beydad¹, beygag¹,beygagid.

0

baydadin

m f dh

ld beygagin.

0

baydari

m l (-iyo, m.dh)

Nin nishaabta aad u yaqaan; hargaanti.

0

bayddi

m dh

Barwaaqo badan.

0

baydi

f g2 (-iyay, -isay)

Neef la rarayo bayd ku xirid.

0

baydin

m f dh

Eeg: baydi

0

baydwalaal

m l

Laba bayd faal ama ka badan oo tirada hogaha iskala eg, dhigiddana ku kala duwan.

0

bayhoof

m l

B. ah: qof busaaradi hayso oo baahidiisa meel uu la aado aan garanayn.

0

bayhoofid

m f dh

Eeg: bayhoof

0

bayhoofsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Cid bayhooftay ahaansho.

0

bayhoofsanaan

m f dh

ld bayhoofsanaansho.

0

bayhoofsanaansho

m l

/dh ld bayhoofsanaan.

0

bayid

f g1 (-day, -dday)

Wax qurxin.

0

bayidid

m f dh

Eeg: bayid

0

bayl

m l

1. Suun ballaaran, cad oo dun ama maqaar ka samaysan oo ay ciidamadu qaataan. 2. B. ah: biyo aad loo karkariyay. 3. B. ah: midab aad u cad.

0

baylah

m dh

1. Meel cidla ah oo cabsi leh. 2. B. ah: hanti aan cid ilaalisa la joogin.

0

baylahayn

m dh

Eeg: baylihin

0

baylehee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Eeg: baylihi

0

bayli

f g2 (-iyay, -isay)

Biyo aad u karkarin.

0

baylid

m f dh

Eeg: bayl²

0

baylihi

f g2 (-iyay, -isay)

Hanti baylah ka dhigid. ld baylehee.

0

baylihin

m f dh

ld baylahayn.

0

baylin

m f dh

ld baylis.

0

baylis

m l

Eeg: baylin

0

baylohoobid

m f dh

Eeg: baylohow

0

baylohow

f mg1 (-oobay, -owday, -oobi)

Wax baylah ah noqosho (hanti).

0

baynibax

m l

Kibir badan.

0

baynibixi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof aad u kibirin.

0

baynibixid

m f dh

Eeg: baynibax²

0

baynibixin

m f dh

ld baynibixis.

0

baynibixis

m l

Eeg: baynibixin

0

bayoolajiga-moolikiyuullada

m l (baay.)

Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.

0

bayooloji

m l

Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.

0

bayr

m l

1. Nuxurka hadal, dood iwm ku saleysanyahay. 2. ld bayrid.

0

bayrabayre

m l

Qaruhu marka uusan biseyl gaarin dubayana ka tago; lafaweyne. ld baybayle.

0

bayrac

m dh (c.nafl.)

Ugaar deerada la bah ah oo dhega balballaaran iyo midab ciiro ah leh oo dhulka dullada ah ku nool.

0

bayraq

m l

Calan; bandiirad.