0

buufbuuf

m l (-fyo, m.dh)

Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.

0

buufi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.

0

buufimo

m dh (-ooyin, m.l)

Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.

0

buufin

m f dh

ld buufis.

0

buufis

m l

Eeg: buufin²

0

buufiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(fiis.) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.

0

buuflayn

m f dh

Eeg: buuflee

0

buuflee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

1. Xoolo baad ka dhergid. 2. Cid caro ama kibir muujin.

0

buug

m l (buug, m.dh/-aag/-ag, m.l)

1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo suugaan amaa saynis ku qoranyahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran garbad leh oo aan wax ku qorneyn.

0

buuhood

m l

1. Ciid jilicsan oo boor badan. 2. Dhir wax lagu daweeyo.

0

buul

m l (-lal, m.dh)

1. Aqal yar oo aan hab wanaagsan u dhisnayn. 2. Aqal shimbir. 3. Dhullax, kasoobax.

0

buulallo

m dh

1. (u) Godadka quraanyada. 2. (daaw.) Finan yaryar, badan oo oogada dadka ka soo baxa.

0

buulalloobid

m f dh

Eeg: buulallow

0

buulallow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dub biyo gelid xanuun awgiis.

0

buulcaws

m l

/dh (-syo, m.dh) Hooy yar oo ka samaysan caws iyo qoryo la isa saaray.

0

buulley

m dh (c.nafl.)

Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.

0

buulo

m dh

Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.

0

buumbuuni

f g2 (-iyay, -isay)

War dhacdo iwm intooda runta ah been badan ku darid.

0

buumbuunin

m f dh

ld buumbuunnis.

0

buumbuunis

m dh

Eeg: buumbuunin

0

buun

m l

Bocool weyn ama dhuun dheer oo kolkii la afuufo dhawaaq dheer ka soo baxo.

0

buundo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Dhisme laga dul dhiso webi iwm oo lagaga gudbo. 2. Dhibic, darajo. ld buunto.

0

buuni

m l kh (-iyo, m.dh)

B. ah: qof aad u aqoon badan; mufti.

0

buunshabbaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax buunshe laga saaray ahaansho (badar).

0

buunshabbaxsanaan

m f dh

ld buunshabbaxsanaansho.

0

buunshabbaxsanaansho

m l

/dh ld buunshabbaxsanaan.

0

buunshabbixi

f g2 (-iyay, -isay)

Badar si buunshaha looga saaro tumid.

0

buunshabbixin

m f dh

ld buunshabbixis.

0

buunshabbixis

m l

Eeg: buunshabbixin

0

buunshe

m l

Qolofka sare ee jilicsan ee ku dahaaran badarka; xashir. ld buunsho, buushe.

0

buunsho

m dh

Eeg: buunshe

0

buunto

m dh

Eeg: buundo

0

buuq

f mg1 (-qay, -qday)

1. Nafley badan, hadal ama cod badan isku mar sameyn. 2. Dad ama xoolo badan meel isugu imaansho.

0

buuqid

m f dh

Eeg: buuq³

0

buur

m l

/dh (-rar/-ro, m.l) 1. Wax sida dhagax ciid iwm oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.

0

buur-sameyn

m dh (jool.)

Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.

0

buuran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax cayilay ahaansho.

0

buurasho

m f dh

Eeg: buuro

0

bųurasho

m f dh

ųuro.

0

buurbuur

m l

1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.

0

buure

m l (-rayaal, m.l/dh)

Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iwm marka ay foolanayaan.

0

buuri

m l

1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; tabaako. 2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno). 3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo: sigaar, shurug, saliid, daawo, udgoon iwm. 4. Buuriga la qiiqiyo.

0

buurid

m f dh

Eeg: buur³

0

buurin

m f dh

Eeg: buuri²

0

buuriyahan

m l (-nno, m.dh)

1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.

0

buurnaan

m f dh

ld buurnaansho, buurni.

0

buurnaansho

m l

/dh ld buurnaan.

0

buurni

m dh

Eeg: buurnaan

0

buuro

f g3 (-rtay, -ratay)

Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.

0

bųuro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Nafley cayilid; weynaansho.

0

buurqaaf

m dh

Wax dhib badan oo aan la dhaafi karin.

0

buuryaggoys

m dh

Eeg: beejaggoys

0

buuryaqab

m dh (-bo, m.l)

Gabar aan gudnayn.

0

buuryo

m dh (-ooyin, m.l)

Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. ld beejo.

0

buuryo-goys

m dh

Eeg: beejaggoys

0

buus

f g1 (-say, -stay)

Wax diisid.

0

buusan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

Wax la diisay noqosho.

0

buusbuus

m dh u

Meelo badan isaga gudaceshan; diisdiis.

0

buushe

m l

Eeg: buunshe

0

buusid

m f dh

Eeg: buus

0

buusmid

m f dh

Eeg: buusan¹

0

buusnaan

m f dh

ld buusnaansho.

0

buusnaansho

m l

/dh ld buusnaan.

0

buux

f mg1 (-xay, -xday)

Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.

0

buuxdhaaf

m l

1. Wax muggooda, inta dheeraadka ku ah. 2. ld buuxdhaafid.

0

buuxdhaafi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax muggiisa in ka badan ku shubid.

0

buuxdhaafid

m f dh

ld buuxdhaafi¹ (2).

0

buuxdhaafin

m f dh

ld buuxdhaafis.

0

buuxdhaafis

m l

Eeg: buuxdhaafin

0

buuxi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.

0

buuxid

m f dh

ld buux¹ (2).

0

buuxin

m f dh

ld buuxis (2).

0

buuxis

m l

1. Afsaar. 2. ld buuxin.

0

buuxiye

m l

In yar oo caws ah oo lagu kordhiyo masayda marka ay isdhinto.

0

buuxsamid

m f dh

Eeg: buuxsan¹

0

buuxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la buuxiyay ahaansho.

0

buuxsanaan

m f dh

ld buuxsanaansho.

0

buuxsanaansho

m l

/dh ld buuxsanaan.

0

buuxsasho

m f dh

Eeg: buuxso

0

buuxso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax muggiisa wax dhan ku shubasho ama ku qaadasho. 2. Foomka b.: warqad meela- heeda bannaan shuruudo looga baahnaa ku qorasho.

0

buxuur

m l (-rro, m.dh)

1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya.