0

bunduq

m l

Eeg: buntuq

0

bungaree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Eeg: bamgaree

0

bungareyn

m dh

Eeg: bamgareyn

0

bungis

m l

Eeg: bunkis

0

bunji

m l

Xarig badan oo dhumuc weyn leh oo laga sameeyay xaskusha, boocda iwm.

0

bunkis

m l

Baqshad. ld bungis.

0

bunnaahi

f mg1

/2 (-iyay, -iday/-isay) ld banaaxi².

0

bunnaahin

m dh

Eeg: banaaxiyid

0

bunnaahis

m l

Eeg: banaaxiyid

0

bunnaahiyid

m dh

Eeg: banaaxiyid

0

bunnaasho

m dh

Eeg: banaaxo

0

buntuq

m l (banaadiiq/banatiiq/-qyo, m.dh)

Hub fudud, leh dhuun xabbaduhu maraan oo ilaa ilqabato wax ka dila. ld bunduq, dumbuq.

0

bunuug

m dh w

Eeg: banki

0

buq

f mg1 (-qay, -qday)

Biyo, neef, gaas iwm oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.

0

buqad

m l

Eeg: buqasho

0

buqasho

m f dh

ld buqad, buqid.

0

buqbuqayn

m f dh

Eeg: buqbuqee

0

buqbuqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

Caano, buqbuqo ka dhigid.

0

buqbuqo

m dh

Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. ld buqbuqood.

0

buqbuqood

m l

Eeg: buqbuqo

0

buqcad

m dh

Eeg: bugcad

0

buqid

m f dh

Eeg: buq³

0

buqo

f mg3 (-qday, -qatay)

Weel aburan cadaadiska gudihiisa ku jiro oo batay awgeed fur tuurid.

0

buqshad

m dh

Eeg: baqshad

0

buqul

m l (-llo, m.dh)

Haruub yar oo dhallaanka caanaha lagu siiyo; dhoqol.

0

buquuji

f g2 (-iyay, -isay)

Ceejin.

0

buquujin

m f dh

Eeg: buquuji

0

buquul

m l

Eeg: baqal¹

0

bur

f mg1 (-ray, -rtay)

Biyo aad u karkarid.

0

bųr

f mg1 (-ray, -rtay)

1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

0

buraambur

m l (-rro, m.dh)

1. Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.

0

buraamburid

m f dh

Eeg: buraambur²

0

buraash

m l

1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.

0

buraashad

m dh (-do, m.l)

Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.

0

buraashan

f mg4 (-shnaa, -shnayd)

Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.

0

buraashid

m f dh

ld buraash¹ (2).

0

buraashnaan

m f dh

ld buraashnaansho.

0

buraashnaansho

m l

/dh ld buraashnaan.

0

burabbahalaad

m dh (-dyo, m.l)

(daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. ld burobahalaad.

0

buracaanood

m dh (-dyo, m.dh)

(daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.

0

burad

m l

Eeg: buruud

0

buraddee

f mg2 (-deeyay, -deysay)

U b.: cid wax siyaada ah siin.

0

buraddeyn

m f dh

ld buraddeys.

0

buraddeys

m l

Eeg: buraddeyn

0

buraree

f g2 (-eeyay, -eeysay)

Eeg: buree

0

burareyn

m dh

Eeg: bureyn

0

burareys

m l

Eeg: bureyn

0

buray

m dh

Eeg: buro²

0

burbur

m l u (-rro, m.dh)

1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).

0

burburi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. ld bururi (2).

0

burburid

m f dh

ld bururid.

0

burburin

m f dh

ld burburis (2), bururin, bururis.

0

burburis

m l

1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. ld burburin.

0

burbursad

m l

Eeg: burbursasho

0

burbursan

m l kh

B. ah: caanaha lo'da ama ariga markay fariistaan.

0

burbursanaan

m f dh

ld burbursanaansho, burursanaan, burursanaansho.

0

burbursanaansho

m l

/dh ld burbursanaan.

0

burbursasho

m f dh

ld burbursad, burbursi, burursad, burursasho.

0

burbursi

m l

Eeg: burbursasho

0

burburso

f g3 (-saday, -satay)

Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. ld bururso.

0

burcad

m l

Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. ld bocor¹ (1).

0

burcadnimo

m dh

Burcad ahaansho.

0

burcayd

m l

Jaad ka mid ah libaax badeedka waaweyn. ld bircayd.

0

burciid

m dh

Meel bannaan oo ciid jilicsan leh.

0

burco

m dh (-ooyin, m.l)

Meel bannaan, dhulkaa intiisa kale in yar ka sarreysa oo ciid jilicsan leh.

0

burdad

m l

Eeg: burdaddo

0

burdaddo

m dh (bot.)

Geed nagaar faalala leh caleemo yaryar iyo bari macaan oo la cuno. ld burdad.

0

burde

m l u

Qasiiddo nabi ammaan ah oo uu tirshey Maxamed Buusiri.

0

bure

m l

Eeg: bire

0

buree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Nafley bur la dhicid. ld buraree.

0

bureyn

m f dh

ld burareyn, burareys, bureys.

0

bureys

m l

Eeg: bureyn

0

burgaanti

m dh

Budo daawo ah, qaraar, qasanta oo la isku qaras bixiyo. ld burkaanti.

0

burge

m l

Fuley. ld burje.

0

burhaan

m dh (dii.)

Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.

0

buri

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Nafley orodsiin si meel looga fogeeyo; eryid; cayrin. 2. (f.mg) Qof meel uu ku noolaa ama hawl ka hayey ka fogayn dhaliil awgeed. 3. (f.mg) U b.: cid sed dheeraad ah siin.

0

bųri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. ld burri.

0

burid

m f dh

ld buris.

0

bųrid

m f dh

ųr². ld bųris².

0

burin

m f dh

ld buris.

0

bųrin

m f dh

ųri. ld bųris, burrin, burris.

0

buris

m dh

Eeg: burid

0

bųris

m dh

ųrid.

0

burjaan

m l (-nno, m.dh)

Buur xeebta ku taal oo biyaha baddu ku simaan, kana gaddoomaan.

0

burje

m l

burji m.l Heybad cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan. ld buruud.

0

burjiko

m dh (-ooyin, m.l)

Qalab wax lagu karsado oo ka samaysan dhagax jilicsan ama bir leh, dhego la qabsado iyo meel kore oo dhuxusha lagu shubo. ld birjiko.

0

burjiwaasi

m l (-iyiin, m.dh)

Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.

0

burjuwaasiyad

m dh (-do, m.l)

(siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.

0

burkaanti

m dh

burladduul m.l Nin caro dhaw, dagaal badan oo aan uurkuqaad lahayn.

0

burladduulnimo

m dh

Burladduul ahaansho.

0

burlaqan

m l (-nyo, m.dh)

Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.

0

burloox

m l (-xyo, m.dh)

Cad soor ah oo la mariyo looxa qur'aanka inta aan wax lagu qorin.

0

burmad

m dh (-do, m.l)

Digsi yar oo hal qof wax loogu kariyo.

0

buro

m dh (-ooyin, m.l)

1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo.

0

bųro

m dh (-ooyin, m.l)

Haan yar; aagaan. ld buray².

0

buro-qanjireed

m dh (daaw.)

Buro ka dhalata sooh qanjireed ama cad isu muujisa qaabka qanjirka.

0

burobahalaad

m dh (-dyo, m.l)

(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.

0

burocaanood

m dh (daaw.)

Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.

0

burqad

m l

Eeg: burqasho

0

burqasho

m f dh

ld burqad.