0

bayrbayr

f mg1 (-ray, -rtay)

Socod aan toosnay samayn.

0

bayrbayriyid

m f dh

ld bayrbayr¹.

0

bayri

f g2 (-iyay, -isay)

Wax toos u socday, dhinac u weecin.

0

bayrid

m f dh

ld bayr¹ (2).

0

bayrin

m f dh

Eeg: bayri

0

baysadhabad

m l

Eeg: baysadhabasho

0

baysadhabasho

m f dh

ld baysadhabad.

0

baysadhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Socod cabsi ku jirto socosho.

0

baysaqasho

m f dh

Eeg: baysaqo

0

baysaqo

f mg3 (-qday, -qatay)

Durduro iyo bardoodan sameyn (geel).

0

baytammaal

m l

Eeg: beytummaal¹

0

baytammaalid

m dh

Eeg: beytummaalid

0

bayti

f g2 (-iyay, -isay)

1. Baadi maqan xogteeda sheegid. 2. Baadi maqan xogteeda cid weyddiin.

0

baytimmaal

m l

Eeg: beytimmaal¹

0

baytimmaali

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: beytimmaali

0

baytimmaalid

m dh

Eeg: beytimmaalid

0

baytimmaalin

m dh

Eeg: beytimmaalin

0

baytimmaalis

m l

Eeg: beytimmaalin

0

baytin

m f dh

ld baytis.

0

baytis

m l

Eeg: baytin

0

bayuur

m dh

Ceeb aad u weyn; jiciir.

0

bayuurayn

m f dh

Eeg: bayuuree

0

bayuuree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Cid ceeb weyn gaarsiin.

0

beb

f g1 (-bay, -btay)

Ciyaar lagu tartamay, foorooyinkood iska soo gudid.

0

bebid

m f dh

Eeg: beb

0

bebsiin

m l (kiim.)

Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.

0

bed

m l (-dad, m.l)

Masaaxa dhul ku fadhiiyo.

0

beddel

m l

1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.

0

beddelaad

m dh

Eeg: beddelid

0

beddelan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax la beddelay noqosho. ld baddalan¹.

0

beddelasho

m f dh

ld baddalasho.

0

beddelid

m f dh

ld baddal¹, baddalaad, baddalid, beddel¹ (1,2), beddelaad.

0

beddelmid

m f dh

ld baddalmid.

0

beddelnaan

m f dh

ld baddalnaan, baddalnaansho, beddelnaansho.

0

beddelnaansho

m l

/dh ld beddelnaan.

0

beddelo

f g

/mg. 3 (-eshay, -elatay) 1. (f.g)Wax, wax kale dhaafsasho. 2. (f.mg) Ka b.: qof meel hawl ka hayey meel kale oo uu hawshiisii ka si wato aadid.

0

beden

m l (-emmo /-enno, m.dh)

1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.

0

beder

f g1 (-dray, -dertay; -dri)

Wax sida faras iwm orodkooda tijaabin.

0

bedertami

f g2 (-iyay, -isay)

Wax orod ku tartansiin. ld baratami, baratansii, bedertansii, beretami.

0

bedertamid

m f dh

ld baratamid, beretamid.

0

bedertamin

m f dh

ld baratamin, baratansiin, baratansiis, bedertansiin,

0

bedertan

m l

Tartansiinta wax orod lagu tartansiiyo. ld baratan¹, beretan¹.

0

bedertansii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: bedertami

0

bedertansiin

m dh

Eeg: bedertamin

0

bedertansiis

m l

Eeg: bedertamin

0

bedqab

f mg1 (-bay, -btay)

1. Nafley, nabad, caafimaad iwm ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho.

0

bedqabid

m f dh

ld bedqabis.

0

bedqabis

m dh

Eeg: bedqabid

0

bedrid

m f dh

ld beder¹.

0

beeb

m l

Eeg: bayb

0

beeba

m l

Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaalo-xeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).

0

beec

m l

(1).

0

beeci

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: biici

0

beecin

m dh

Eeg: biicin

0

beecis

m l

Eeg: biicin

0

beecmushtar

m l

1. ld biicmushtari. 2. ld biicmushtarid.

0

beecmushtari

m l

Eeg: biicmushtari

0

beecmushtarid

m dh

Eeg: biicmushtarid

0

beecsad

m l

Eeg: biicsasho

0

beecsasho

m dh

Eeg: biicsasho

0

beecsi

m l

Eeg: biicsasho

0

beecso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: biicso

0

beed

m l u

Ukun.

0

beedal

m l

Eeg: beeddal¹

0

beedalan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: beeddalan

0

beedalid

m dh

Eeg: beeddalid

0

beedalnaan

m dh

Eeg: beeddalnaan

0

beedalnaansho

m l

/dh ld beeddalnaan.

0

beeddal

m l

B. ah: Geenyo kudaal u baahan. ld beedal¹.

0

beeddalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax kudmo rabo ahaansho (geenyo). ld beedalan.

0

beeddalid

m f dh

ld beedalid.

0

beeddalnaan

m f dh

ld beedalnaan, beedalnaansho, beeddalnaasho.

0

beeddalnaansho

m l

/dh ld beeddalnaan.

0

beeg

m l

1. ld beegmo. Raashinka la cuno, sida badarka, sonkorta, timirta iwm cabbirkooda. 2. ld beegid.

0

beegaal-heerkul-cadaadis-(B.H.C.)

m l (fiis.)

(B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).

0

beegan

f mg1 (-gmay, -gantay; -gmi)

1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho.

0

beegasho

m f dh

Eeg: beego

0

beegid

m f dh

ld beeg¹ (2). beegmid m.f.dh eeg beegan¹.

0

beegmo

m dh

1. Isla simid; iswaafaqid. 2. ld beeg1 (1).

0

beegnaan

m f dh

ld beegnaansho.

0

beegnaansho

m l

/dh ld beegnaan.

0

beego

f g3 (-gtay, -gatay)

Suus, madaal, shood iwm raashin ku miisasho.

0

beegsad

m l

Eeg: beegsasho

0

beegsasho

m f dh

ld beegsad, beegsi.

0

beegsi

m l

Eeg: beegsasho

0

beegso

f g3 (-saday, -satay)

Qof qiimo ama dhaqaale dheeraad ah leh isla simid.

0

beejaggoys

m dh

Xasharaad yaryar oo midab madow leh oo sida badan buuryada ka qaniinta wiilasha yaryar. ld buuryaggoys, buuryo-goys.

0

beejaqab

m l

Eeg: buuryaaqab

0

beeji

f g2 (-iyay, -isay)

Wax quruxdooda muujin.

0

beejin

m f dh

Eeg: beeji

0

beejo

m dh

Eeg: buuryo

0

beekhaami

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax tashiilid. 2. Wax la miisayo wax yar ku kordhin.

0

beekhaamid

m f dh

ld beekhaan¹.

0

beekhaamin

m f dh

Eeg: beekhaami

0

beekhaan

m l

1. Badashada ay badato cunno la karinayo. 2. Wax yar oo lagu suubiyo wax la miisay. 3. Tashiilidda wax la tashiilo. 4. ld beekhaamid.

0

beekhaansad

m l

Eeg: beekhaansasho

0

beekhaansan

f mg1 (-amay, -antay)

Wax beekhaan yeeshay ahaansho.

0

beekhaansanaan

m f dh

ld beekhaansanaansho.

0

beekhaansanaansho

m l

/dh ld beekhaansanaan.

0

beekhaansasho

m f dh

ld beekhaansad, beekhaansi.