0

baaqbaaq

f g1 (-qay, -qday)

Limid; carraggeddin; falid.

0

baaqbaaqid

m f dh

Eeg: baaqbaaq

0

baaqe

m l (-qayaal, m.l/dh)

1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.

0

baaqi

m l

Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.

0

baaqid

m f dh

ld baaq¹ (4).

0

baaqimo

m dh (-ooyin, m.l)

Neef caana yar; gabno; badho. ld baaqin.

0

baaqin

m dh

Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo.

0

baaqo

f mg3 (-qday, -qatay)

1. Meel tegiddeeda ka maqnaan. 2. Ka b.: wax waqtigii loogu talaggalay dib uga dhicid. Tus. “Shirkii wuu baaqday”.

0

baaqsad

m l

Eeg: baaqsasho

0

baaqsasho

m f dh

ld baaqsad, baaqsi.

0

baaqsi

m l

Eeg: baaqsasho

0

baaqso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Roob, fasal, rimay iwm waqti la filayay in ay dhacaan suurtaggal noqon waayid. 2. Ka b.: wax la samayn lahaa ama meel la aadi lahaa ka talabixid.

0

baaquli

m l (-iyo, m.dh)

Weel maacuunta ka mid ah, dabool leh sidde lahayn oo wax lagu shubto.

0

baar

m l

1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. 2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.

0

baaraabuf

m dh (-fyo, m.dh)

Eeg: baaraabuq

0

baaraabuq

m dh (-qyo, m.dh)

Nooc fangaha ka mid ah oo aan la cunin. ld baaraabuf.

0

baaraan

m l

Eeg: baarid²

0

baaraandeg

m l

1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. ld baaraandegid.

0

baaraandegid

m f dh

ld baaraandeg¹ (2).

0

baarad

m l

Eeg: baarasho

0

bąarad

m l

ąarasho.

0

baaranooya

m dh (daaw.)

Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.

0

baarasho

m f dh

ld baarad.

0

bąarasho

m f dh

ąaro. ld bąarad.

0

baarashuud

m l (-dyo, m.dh)

Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.

0

baarax

m l

1. Meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay. 2. Ka baxsan, banka ka jooga.

0

baarbitureyt

m l (-tyo, m.dh)

(daaw.) Mid kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u dhigta shaqada maskaxda.

0

baare

m l (-rayaal m.l/dh)

Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.

0

baarfuran

m l (-nno, m.dh)

Awr aan weligii la raran.

0

baari

m l

1. Culays, culaab. 2. ld baariyid.

0

baarid

m l kh

B. ah: Wax aad u qabow.

0

baarin

m dh

Meesha gacatada laga qoto.

0

baaris

m l

Neef irmaan oo candhadiisa ayan caano ka muuqan.

0

baaritaan

m l

1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².

0

baariyam-salfeyt

m dh (kiim.)

Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.

0

baariyid

m f dh

ld baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.

0

baarlammaan

m l (-nno, m.dh)

Eeg: barlammaan

0

baaro

m dh

Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.

0

bąaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.

0

baarqab

m l (-byo, m.dh)

Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.

0

baarramid

m f dh

ld baarran¹.

0

baarran

m l (-ammo/-anno, m.dh)

1. Dhawaaq afka ka soo baxa firkad gaar ah lagu cabbirayo; hadal; afeef. 2. ld baarramid.

0

baarri

m l (-iyo, m.dh)

1. Qof waalidkii iyo Eebbaha u dhegannugul. 2. Qof dabeecad wanaagsan.

0

baarrimasho

m f dh

Eeg: baarrimo

0

baarrimo

f mg3 (-intay, -imatay)

Afeefasho.

0

baarrinnimo

m dh

Baarri ahaansho.

0

baarrog

m l

Hab geelu u ordo oo uu hadba addin iyo lug is xiga isku mar qaada.

0

baarroho

m l

/dh (-ooyin, m.l) Dhiil yar oo loogu talaggalay in lagu shubo caanaha dhayda ah ee la rabo in ay fadhi noqdaan.

0

baarug

f mg1 (-gay, -gtay)

1. Badar, bariis iwm oo la kariyay tarmid. 2. Badeeco iwm baarid.

0

baarugid

m f dh

Eeg: baarug

0

baaruud

m dh (-do, m.l)

Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.

0

baaryid

m dh

Eeg: baariyid

0

baaryoomid

m f dh

Eeg: baaryoon

0

baaryoon

f mg1 (-oomay, -oontay; -oomi)

Markab ama doon dekad ka furasho, ka goosasho.

0

baas

m l (-sas, m.l)

1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iwm. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.

0

baasaboor

m l (-rro, m.dh)

Dokumeenti sharciyeysan oo dalalka adduunka loogu kala gudbo; dalkumar. ld baasaboorto.

0

baasaboorto

m dh

Eeg: baasaboor

0

baasarac

m l

Eeg: baasarce

0

baasarce

m l

Nooc ka mid ah bariiska oo leh dhuux guduudan oo macaan. ld baasarac.

0

baasaysad

m l

Eeg: baasaysasho

0

baasaysasho

m f dh

ld baasaysad, baasaysi.

0

baasaysi

m l

Eeg: baasaysasho

0

baasayso

f mg3 (-stay, -satay)

Wax inay shar leeyihiin aaminid.

0

baash

m l

Eeg: baashi

0

baashaal

m l

1. Sheeko, ciyaar iwm oo waqti isku dhaafin. 2. ld baashaalid.

0

baashaali

f g2 (-iyay, -isay)

Qof kale sheeko, ciyaar iyo waqti ku dhaafin.

0

baashaalid

m f dh

ld baashaal¹ (2).

0

baashaalin

m f dh

Eeg: baashaali

0

baashaar

m l (-rro, m.dh)

Kuul baro yaryar leh oo haweenku ku xarragoodaan.

0

baashad

m f l

Eeg: baasho

0

baashee

f g2 (-eeyay, -eeysay)

Dhunko.

0

baasheyn

m f dh

Eeg: baashee

0

baashi

m l (-iyo, m.dh)

Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. ld baash.

0

baashir

f g1 (-ray, -rtay)

Si wanaagsan oo farxad iyo reyn-reyn leh qof u qaabilid.

0

baashirid

m f dh

Eeg: baashir

0

baasho

m dh

Dhunkashada dhabanka ama dibnaha la iska shumiyo.

0

baasid

m f dh

Eeg: baas²

0

baasiin

m l

Eeg: baansiin

0

baasiino

m dh

Eeg: baasiin

0

baasilas

m l (baay.)

Bakteeriya kasta oo qaab uleed leh ama u dhuuban sida usha.

0

baaskiil

m l (-llo, m.dh)

Gaadiid laba lugoodle ah, aan matoor lahayn oo lagu socodsiiyo lugaha.

0

baasto

m dh

Cunto ka samaysan bur la qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la cuno.

0

baastoolad

m dh

Eeg: bastoolad

0

baatad

m dh

Marka labada dhan ee iska soo horjeeda ay dhibco isla 'eg qabtaan (cayaar turub); doroo. ld baaddad.

0

baati

m l (-iyo, m.dh)

Dhar cudbi ah, adag oo midabo leh.

0

baatir

m dh (-rro, m.dh)

Qaalin geel ah oo aan rimin waqtigii ay rimi lahayd.

0

baatooloji

m l (daaw.)

Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.

0

baatul

f g1 (-ulay, -ushay)

Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid. Tus. “Wiilkii dukaankii buu baatulay”.

0

baatulan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax la baatulay noqosho (hanti).

0

baatulid

m f dh

ld baatul¹.

0

baatulmid

m f dh

Eeg: baatulan¹

0

baatulnaan

m f dh

ld baatulnaansho.

0

baatulnaansho

m l

/dh ld baatulnaan.

0

baawasiir

m l

Eeg: bawaasiir

0

baawee

f g2 (-weeyay, -weysay)

War qarsodi ku haboon faafin. Tus. “Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey”.

0

baaweyn

m f dh

Eeg: baawee

0

baaxaaddeg

m l

Eeg: baaxaadeg¹

0

baaxaaddegan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Eeg: baaxaadegan

0

baaxaaddegid

m f dh

Eeg: baaxaadegid

0

baaxaaddegnaan

m dh

Eeg: baaxaadegnaan