0

bahaloobid

m f dh

ld bahalow¹.

0

bahalow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid.

0

bahardaac

m l

Fadhi kala daadsanaan leh oo aan la rabin in dhaqso meel looga kaco.

0

bahardaaci

f g2 (-iyay, -isay)

Is b.: si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.

0

bahardaacid

m f dh

Eeg: bahardaac²

0

bahardaacin

m f dh

ld bahardaacis.

0

bahardaacis

m dh

Eeg: bahardaacin

0

bahardaadi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Is b.: is ballaarin. 2. Is b.: is weyneysiin; isqaadqaadid.

0

bahardaadin

m f dh

Eeg: bahardaadi

0

bahaysad

m l

Eeg: bahaysasho

0

bahaysasho

m f dh

ld bahaysad, bahaysi.

0

bahaysi

m l

Eeg: bahaysasho

0

bahayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho.

0

bahgaatama

m dh

Dugaagga intooda gaadmada wax ku dila oo ay ka mid yihiin libaaxa, shabeelka, haramcaska iyo guduudanaha.

0

bahgulufto

m dh

Dugaagga intiisa aan gaatamin oo orodka wax ku dila.

0

bahnimo

m dh

Bah ahaansho.

0

baho

m l (c.fal.)

Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bąh.

0

bahoobid

m f dh

ld bahow¹.

0

bahow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

La b.: cid, gaashaanbuur la noqosho.

0

bahwadaag

m dh u

1. Walaalo isku hooyo ah aan isku aabbo ahayn. 2. Dad, ummad, iwm oo isgaashaanbuursi ka dhexeeyo.

0

baji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.

0

bąji

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: boji

0

bąjiino

m dh

Eeg: bojiino

0

bajin

m f dh

Eeg: baji

0

bąjin

m dh

Eeg: bojin

0

bajis

m l

1. Jid cusub oo dhowaan dhalad ah. 2. ld bajin².

0

bakaal

m l (-llo, m.dh)

1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.

0

bakaar

m dh (-ro, ml.)

1. Godka badarka lagu kaydiyo. 2. Badar muddo god ku jirey. ld bukaar.

0

bakaaroobid

m f dh

Eeg: bakaarow

0

bakaarow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Badar, wax duug ah noqosho.

0

bakad

m dh (-dyo, m.dh)

Dhul bannaan oo aan dhir la dugsado lahayn.

0

bakade

m l

Nooc jaadadka cawska ka mid ah.

0

bakayle

m l (-layaal, m.l/dh)

Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.

0

bake

m l (-kayaal, m.l/dh)

Qare aan weli bislaan; bicir.

0

bakeeri

m l (-iyo, m.dh)

Weel dhalo ka samaysan oo sida badan shaah lagu cabbo oo aan dhego lahayn. ld bekeeri.

0

bakhaar

m l (-rro, m.dh)

Maqaasiin.

0

bakhaarhaye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.

0

bakhayl

m l (-llo, m.dh)

Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. ld bakhiil¹.

0

bakhaylad

m dh (-do, m.l)

Naag hantida wax aad u yar ka bixisa.

0

bakhaylid

m f dh

ld bakhiilid.

0

bakhaylnimo

m dh

Bakhayl ahaansho. ld bakhiilnimo.

0

bakhiil

m l

Eeg: bakhayl¹

0

bakhiilid

m f dh

Eeg: bakhaylid

0

bakhiilnimo

m dh

Eeg: bakhaylnimo

0

bakhti

m l

Eeg: baqti¹

0

bakhti-afuuf

f g1 (-fay, -ftay)

afuuf².

0

bakhti-afuufid

m dh

Eeg: baqti-afuufid

0

bakhti-gowrac

m l

Eeg: baqti-gowrac¹

0

bakhti-gowracid

m dh

Eeg: baqti-gowracid

0

bakhti-ku-baxe

m l (-xayaal, m.l/dh)

(baay.) Geed ama noole kasta oo ili-ma-aragtay ah ee quuta maatarka orgaanikada bakhtiga ah. Bakhti-ku-baxayaasha badankoodu waa bakteeriyo iyo fungi.

0

bakhtifuul

m l

Eeg: baqtifuul

0

bakhtii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: baqtii

0

bakhtiiji

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: baqtii

0

bakhtiijin

m dh

Eeg: baqtiin

0

bakhtiijis

m dh

Eeg: baqtiin

0

bakhtiin

m dh

Eeg: baqtiin

0

bakhtiis

m l

Eeg: baqtiin

0

bakhtijiid

m l

Eeg: baqtijiid¹

0

bakhtijiidid

m dh

Eeg: baqtijiidid

0

bakhtijiidis

m dh

Eeg: baqtijiidid

0

bakhtiquf

m l

Eeg: baqtiquf¹

0

bakhtiqufid

m dh

Eeg: baqtiqufid

0

bakhtiwareemid

m dh

Eeg: baqtiwareemid

0

bakhtiwareen

m l

Eeg: baqtiwareen¹

0

bakhtiyaanasiib

m l (-byo, m.dh)

Eeg: baqtiyaanasiib

0

bakhtiyid

m dh

Eeg: baqtiyid

0

bakool

m l

1. ld bakaal. 2. Dhul carradiisu dibir ama dhooddi tahay; dhul carrocad ah. bakoolin m.dh Daruuro yaryar oo kala googo'an oo wada socda middood.

0

bakoorad

m dh (-ddo, m.dh)

Ul toosan, madax godan oo lagu xarragoodo. ld bakooro (3).

0

bakooro

m dh

1. ld bokooro. Cudur indhaha ku dhaca oo baqbaq u yeela. 2. ld bokooro.Cudur isha birteeda ku dhaca oo caddeeya. 3. ld baqoorad.

0

bakteeriafayj

m l (baai.)

Fayras ku dhex nool bakteeriyada. Mid kastaana waxa uu gaar u yahay hal nooc oo bakteeriya ah. Waxa uu si dhaqso ah ugu koraa una baabi'iya unugyada soorihiisa ah.

0

bakteeriya

m dh (-ayaal, m.l/dh)

(baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiinama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.

0

bakteeriya-ciijiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(baay.) Fiirus jajabiya bakteeriyada.

0

Baktiiriyada

waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.

0

bal

m l u

Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.

0

balaambal

f mg1 (-alay, -ashay)

1. Cid rafaad iyo dhibaato la kulmid. 2. U b.: qof rafaad iyo dhibaato la kulmid u ooyid. ld balambal².

0

balaambalid

m f dh

ld balaambal¹, balambal¹, balambalid.

0

balaanktoon

m l (c.nafl.)

Kan ugu yar dhiska sabbeeya ee geed iyo xayawaan,inta badan laguma arko isha qaawan, oo deggan biyaha badweynada iyo badaha yaryar, oo cunto u ah kalluunka badda iyo abuur kale.

0

balaaqo

m dh

Hadal murti badan huwan oo sida uu u yaal macne ka duwan leh.

0

balaasma

m dh (c.nafl.)

Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

0

balaasmoodiya

m l (-ayaal, m.l/dh)

(baay.) Qayb ka mid ah borotosowa oo ku dul nool unugyada cascas ee dhiigga iyo unugyada beerka ee dadka.

0

balaasmoodiyam

m l (-yo, m.l/dh)

(baay.) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.

0

balaatihelmantis

m l u (baay.)

Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

0

balaayo

m dh

Eeg: belaayo

0

balac

m l (-cyo, m.dh)

1. Daymo, milicsi. 2. B. ka sii/b. ku sii: bal fiiri!

0

balacsad

m l

Eeg: balacsasho

0

balacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).

0

balacsanaan

m l

/dh eeg balacsan. ld balacsanaansho.

0

balacsanaansho

m l

/dh ld balacsanaan.

0

balacsasho

m f dh

ld balacsad, balacsi.

0

balacsi

m l

Eeg: balacsasho

0

balacso

f g3 (-saday, -salay)

Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad.

0

balaf

m dh

War aan la hubin oo cidda sheegtay aan la aqoon.

0

bąlaf

m l

Neef xoolo ah oo biyo diido; biyodiid.

0

balafbalafsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.

0

balafbalafsiin

m f dh

Eeg: balafbalafsii

0

balag

m l (-gyo, m.dh)

1. Sixir meel la dhigo si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iwm oo curdan ah.

0

balalo

m dh

1. Bacaroor. 2. Cudur xoolaha ku dhaca markay daaqaan geedka balalada. 3. Xoolo ceel la keenay oo yeel la'aan awgeed baryo lagu waraabshey.

0

balaloo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Ku b.: yalaalugo dareemid.

0

balalood

m f l

Eeg: balaloo

0

balambaallis

m dh

Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; baalleybaro.