0

beekhaansi

m l

Eeg: beekhaansasho

0

beekhaanso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Wax tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku kordhisasho.

0

beel

m dh (-lo, m.l)

Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.

0

beelaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la beeleeyey ahaansho.

0

beelaysasho

m f dh

ld beelaysi.

0

beelaysi

m l

Eeg: beelaysasho

0

beelaysnaan

m f dh

ld beelaysnaansho.

0

beelaysnaansho

m l

/dh ld beelaysnaan.

0

beelayso

f g

/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho.

0

beeldaaje

m l (-jayaal, m.l/dh)

Nin beel madax u ah; ugaas; garaad; malaaq.

0

beelid

m f dh

Eeg: beel³

0

beeloobid

m f dh

Eeg: beelow

0

beelow

f g1 (-oobay, -owday; -oobi)

1. Cid beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka dhaqan duwan ku darmid.

0

beelyo

m dh

Haadda waaweyn nooc ka mid ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo buuraleyda ku nool.

0

beembeen

m dh

Been waaweyn.

0

beembeeni

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof been ku maaweelin. 2. Is b.: sirmid.

0

beembeenin

m f dh

Eeg: beembeeni

0

been

m dh

War aan run ahayn.

0

beenaale

m l (-layaal, m.l/dh)

Nin been badan, beenlow.

0

beenaaley

m dh

Dheddig been badan (qof); beenley.

0

beenawaas

m l

Eeg: beenhawaas

0

beenayn

m f dh

ld beenin.

0

beendabaad

m l

Beenlow; beenley. ld beendadaab.

0

beendadaab

m l

Eeg: beendabaad

0

beendhure

m l (-rayaal, m.l/dh)

Qof been badan fidiya.

0

beenee

f g2 (-neeyay, -naysay)

Hadal la sheegay, inuu beenyahay caddayn. ld beeni.

0

beenguur

m l

Guuridda loo guuro god aan kii tooska ahaa ahayn si qofka kale loo khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).

0

beenguurid

m f dh

ld beenguuris.

0

beenguuris

m dh

Eeg: beenguurid

0

beenhawaas

m l (beenhawaas/-yo, m.dh)

Nin beenlow ah oo aad u sheeko macaan. ld beenawaas.

0

beenhawaasad

m dh (-do, m.l)

Haweeney beenley ah oo aad u sheeko macaan.

0

beeni

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: beenee

0

beenii-aadmi

m l

Eeg: baanii-aadan

0

beenin

m f dh

ld beenayn.

0

beenley

m dh (-leeyo, m.dh)

Haweeney been badan.

0

beenlow

m l (-wyo, m.dh)

Nin been badan.

0

beenoobid

m f dh

Eeg: beenow

0

beenow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Been noqosho (war).

0

beensheeg

m l

1. B. ah: beenlow. 2. ld beenshegid.

0

beensheegid

m dh

Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. ld beensheeg (2).

0

beeqbaaq

m l

Hanka qof qabo marka uu cid hanti ka sugayo.

0

beeqbaaqid

m f dh

Eeg: beeqbaaq²

0

beer

m l (-rar, m.l)

1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.

0

beer-abuur

m l (-rro, m.dh)

Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. ld beerabuurid, beerabuuris.

0

beer-aqoon

m l (-nno, m.dh)

Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.

0

beer-aqoonnimo

m dh

Beeraqoon ahaansho.

0

beer-holac

m l (daaw.)

Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.

0

beerabuurid

m dh

Eeg: beerabuur

0

beerabuuris

m dh

Eeg: beerabuur

0

beeraley

m dh u

Dad beeraha tacbada, kuna nool. ld beerrey (2).

0

beeran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

1. Miro geedo iwm wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid.

0

beerasho

m f dh

Eeg: beero

0

beercaddaad

m l

1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. ld beercaddaansho.

0

beercaddaansho

m f dh

ld beercaddaad (2).

0

beercaddow

f mg3 (-daaday, -daatay)

Oohin badan, daal iyo dhibaato ka mudasho (ilmo).

0

beerdulacsad

m l

Eeg: beerdulucsasho

0

beerdulacsasho

m dh

Eeg: beerdulucsasho

0

beerdulacsi

m l

Eeg: beerdulucsasho

0

beerdulacso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: beerdulucso

0

beerdulucsasho

m f dh

ld beerdulacsad, beerdulacsasho, beerdulacsi.

0

beerdulucsi

m l

Eeg: beerdulucsasho

0

beerdulucso

f g3 (-saday, -satay)

Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. ld beerdulacso.

0

beerfal

m l

Eeg: beerfalid

0

beerfalasho

m dh

Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.

0

beerfalid

m dh

Xilli haramada laga jaro beerta. ld beerfal, beerfalis, beerfalow (2).

0

beerfalis

m dh

Eeg: beerfalid

0

beerfalow

m l

1. Wax ka beeridda dhulka dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. ld beerfalid.

0

beerfarriije

m l (-jayaal, m.l/dh)

Geesi dilaa ah.

0

beerfuur

m l

Eeg: beergooyo

0

beergooye

m l

beergooyo m.dh Siinta qof ku soo biiray dad beeralay ah oo meel wada deggan la siiyo dhul ku meel gaar ah oo uu sii beeryo. ld beerfuur, beergooye.

0

beergoys

m l

Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).

0

beeri

f g2 (-iyay, -isay)

Miro sida lawska yicibta iwm. qubka sare ka qaadid.

0

beerid

m f dh

ld beeris.

0

beerin

m f dh

Eeg: beeri

0

beeris

m dh

Eeg: beerid

0

beerjilcan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof raxmad badan ahaansho.

0

beerjilcanaan

m f dh

ld beerjilcanaansho, beerjileec (2).

0

beerjilcanaansho

m l

/dh ld beerjilcanaan.

0

beerjileec

m l

1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.

0

beerkurus

m l

Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.

0

beerkutaal

m dh

1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. ld uurkutaallo.ld beerkutaallo.

0

beerkutaallo

m dh

Eeg: beerkutaal

0

beerlaag

m l (-gyo, m.dh)

(baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo hal beer leh.

0

beerlamaane

m l (-nayaal, m.l/dh)

(baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo laba beer leh.

0

beerlaxawsad

m l

Eeg: beerlaxawsasho

0

beerlaxawsasho

m f dh

ld beerlaxawsad, beerlaxawsi.

0

beerlaxawsi

m l

Eeg: beerlaxawsasho

0

beerlaxawso

f g3 (-saday, -satay)

Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin.

0

beermid

m f dh

Eeg: beeran¹

0

beernaan

m f dh

ld beernaansho.

0

beernaansho

m l

/dh ld beernaan.

0

beernugeyl

m l

1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beernuglaan.

0

beernuglaan

m dh

ld beernugeyl (2).

0

beernuglanaansho

m l

/dh eeg beernuglow. ld beernuglaan.

0

beernuglow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Qof raxmad badan noqosho.

0

beernugul

f mg4 (-glaa, -glayd)

Qof raxmad badan ahaansho.

0

beero

f g3 (-rtay, -ratay)

Beer ka dhigasaho.

0

beerqaad

f g1 (-day, -dday)

Wax si aad ah uga helid.

0

beerqaadid

m f dh

ld beerqaad¹.

0

beerrey

m dh

1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. ld beeraley.