b
Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
ba
(-ba) qr. 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.)Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
ba'
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.
ba'an
1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.
ba'id
'id
ba'naan
'an. ld ba'naansho.
ba'naansho
/dh ld ba'naan.
ba'san
1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.
ba'sanaan
'san. ld ba'sanaansho.
ba'sanaansho
/dh ld ba'sanaan.
baa
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.
baab
1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
baabaha-masiixiga
Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga; boobka.
baabasiir
Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir.
baabba'
1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id.
baabba'san
Baabba' ku dhacay ahaansho.
baabba'sanaan
'san. ld baabba'sanaansho.
baabba'sanaansho
/dh ld baabba'sanaan.
baabbaca-caleen
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c. yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
baabbacayn
ld baabbacays, baabbaco (2).
baabbacee
Orod gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef geel).
baabbaco
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.
baabbah
1. Noqoshada wax uu eber noqdo. 2. B. ah: weel aan waxba ku jirin. 3. B. ah: meel aan waxba oollin.
baabbe
Aabbe.
baabbi'i
1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.
baabbi'id
'². ld baabba'¹ (3).
baabbi'in
'i. ld baabbi'is.
baabbi'is
'in.
baabbul
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro.
baabee
Weel caanood deebin.
baabila
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
baabillooma
Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.
baabsasho
ld baabsad, baabsi.
baabso
1. Dareen iyo feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof, hanti uusan lahayn u qiil dayasho.
baabuur
Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
baabuurraac
Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.
baac
1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
baaci
/mg2 (iyay, -isay) 1. (f.g)Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
baacsan
Wax baac lagu cabbirey ahaansho.
baacsanaan
ld baacsanaansho.
baacsanaansho
/dh ld baacsanaan.
baacsasho
ld baacsad, baacsi.
baacso
Wax cararaya ceyrsasho.
baacug
1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.
baad
1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
bąad
1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.
baadari
(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi.
baaddil
Wax aan xaq ahayn.
baaddilnimo
Baaddil ahaansho.
baaddiye
Berriga intaa aan magaalo ama tuulo ahayn.
baadi
1. (m.u) Wax lumay sida xoolo, lacag iwm. 2. Qof ka weecday waddada toosan.
baadibixiye
Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.
baadibooliye
Qof baadida xalaaleysta.
baadicarar
Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
bąadid
ąad².
baadiddon
1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid.
baadiddoon
1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob².
baadiddoonid
ld baadiddoon¹ (2), baadiddoonis, baadiggoob¹, baadigoobis.
baadifad
Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. ld baadifur.
baadiggef
Waayidda la waayo baadi la raadiyey. ld baadiggefid.
baadiggefid
ld baadiggef¹.
baadinnimo
Baadi ahaansho.
baadiqaris
Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
baadisooc
Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.
baadiyaysan
1. Wax la baadiyeeyey ahaansho (xoolo). 2. Wax dariiqa toosan ka leexday ahaansho (qof).
baadiyaysnaan
ld baadiyaysnaansho.
baadiyaysnaansho
/dh ld baadiyaysnaan.
baadiyee
Dad ama xoolo baadi ka dhigid.
baadiyow
Baadi noqosho.
baaf
Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
baafi
Baadi, dad badan weyddiin.
baafin
ld baafis.
baah
War, cudur, daad iwm aad u faafid.
baahan
1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.
baahawadaag
B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.
baahee
U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.
baahi
1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la'aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.
bąahi
U b.: war dad badan u sheegid.

