0

b

m dh

Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

0

ba

(-ba) qr. 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.)Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

0

ba'

m l

1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.

0

ba'an

f mg4 (-'naa, -'nayd)

1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.

0

ba'id

m dh

'id

0

ba'naan

m f dh

'an. ld ba'naansho.

0

ba'naansho

m l

/dh ld ba'naan.

0

ba'san

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.

0

ba'sanaan

m f dh

'san. ld ba'sanaansho.

0

ba'sanaansho

m l

/dh ld ba'sanaan.

0

baa

qr dd (nax.)

Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

0

baab

m l (-bab, m.l)

1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.

0

baabaha-masiixiga

m l (dii.)

Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga; boobka.

0

baabasiir

m l (daaw.)

Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir.

0

baabba'

m l

1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id.

0

baabba'san

f mg4 (-naa, -nayd)

Baabba' ku dhacay ahaansho.

0

baabba'sanaan

m f dh

'san. ld baabba'sanaansho.

0

baabba'sanaansho

m l

/dh ld baabba'sanaan.

0

baabbaca-caleen

m dh (-eemo, m.l)

(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c. yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

0

baabbacayn

m f dh

ld baabbacays, baabbaco (2).

0

baabbacays

m l

Eeg: baabbacayn

0

baabbacee

f mg2 (-ceeyay, -caysay)

Orod gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef geel).

0

baabbaco

m dh

1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.

0

baabbah

m dh

1. Noqoshada wax uu eber noqdo. 2. B. ah: weel aan waxba ku jirin. 3. B. ah: meel aan waxba oollin.

0

baabbe

m l (-ayaal, m.l/dh)

Aabbe.

0

baabbi'i

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.

0

baabbi'id

m f dh

'². ld baabba'¹ (3).

0

baabbi'in

m f dh

'i. ld baabbi'is.

0

baabbi'is

m l

'in.

0

baabbul

m dh (-lo, m.l)

1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro.

0

baabee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Weel caanood deebin.

0

baabeyn

m f dh

Eeg: baabee

0

baabila

m dh (-ooyin, m.l)

(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.

0

baabillooma

m dh (daaw.)

Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.

0

baabsad

m l

Eeg: baabsasho

0

baabsasho

m f dh

ld baabsad, baabsi.

0

baabsi

m l

Eeg: baabsasho

0

baabso

f g3 (-saday, -satay)

1. Dareen iyo feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof, hanti uusan lahayn u qiil dayasho.

0

baabusiir

m l

Eeg: bawaasiir

0

baabuur

m l (-rro, m.dh)

Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.

0

baabuurraac

m l

Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.

0

baac

m l (-cyo, m.dh)

1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.

0

baaci

f g

/mg2 (iyay, -isay) 1. (f.g)Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.

0

baacin

m f dh

Eeg: baaci

0

baacsad

m l

Eeg: baacsasho

0

baacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax baac lagu cabbirey ahaansho.

0

baacsanaan

m f dh

ld baacsanaansho.

0

baacsanaansho

m l

/dh ld baacsanaan.

0

baacsasho

m f dh

ld baacsad, baacsi.

0

baacsi

m l

Eeg: baacsasho

0

baacso

f g3 (-saday, -satay)

Wax cararaya ceyrsasho.

0

baacug

m l (-gyo, m.dh)

1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.

0

baad

m dh

1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.

0

bąad

m l

1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.

0

baadari

m l (-iyaal, m.l/dh)

(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi.

0

baaddad

m dh

Eeg: baatad

0

baaddil

m l

Wax aan xaq ahayn.

0

baaddilnimo

m dh

Baaddil ahaansho.

0

baaddiye

m l

Berriga intaa aan magaalo ama tuulo ahayn.

0

baaderi

m l

Eeg: baadari

0

baadi

m dh

1. (m.u) Wax lumay sida xoolo, lacag iwm. 2. Qof ka weecday waddada toosan.

0

baadibixiye

m l

Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.

0

baadibooliye

m l

Qof baadida xalaaleysta.

0

baadicarar

m l

Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.

0

baadid

m f dh

Eeg: baad²

0

bąadid

m f dh

ąad².

0

baadiddon

m l

1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid.

0

baadiddoon

f g1 (-nay, -ntay)

1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob².

0

baadiddoonid

m f dh

ld baadiddoon¹ (2), baadiddoonis, baadiggoob¹, baadigoobis.

0

baadiddoonis

m dh

Eeg: baadiddoonid

0

baadifad

m l

Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. ld baadifur.

0

baadifur

m l

Eeg: baadifad

0

baadiggef

m l

Waayidda la waayo baadi la raadiyey. ld baadiggefid.

0

baadiggefid

m f dh

ld baadiggef¹.

0

baadiggoob

m l

Eeg: baadiddoonid

0

baadiggoobid

m dh

Eeg: baadiddoonid

0

baadiggoobis

m dh

Eeg: baadiddoonid

0

baadinnimo

m dh

Baadi ahaansho.

0

baadiqaris

m dh

Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.

0

baadisooc

m l

Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.

0

baadisoocid

m f dh

Eeg: baadisooc²

0

baadiyayn

m f dh

Eeg: baadiyee

0

baadiyaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Wax la baadiyeeyey ahaansho (xoolo). 2. Wax dariiqa toosan ka leexday ahaansho (qof).

0

baadiyaysnaan

m f dh

ld baadiyaysnaansho.

0

baadiyaysnaansho

m l

/dh ld baadiyaysnaan.

0

baadiyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Dad ama xoolo baadi ka dhigid.

0

baadiyoobid

m f dh

Eeg: baadiyow

0

baadiyow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Baadi noqosho.

0

baaf

m l (-faf, m.l)

Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.

0

baafi

f g2 (-iyay, -isay)

Baadi, dad badan weyddiin.

0

baafin

m f dh

ld baafis.

0

baafis

m l

Eeg: baafin

0

baah

f mg1 (-hay, -hday)

War, cudur, daad iwm aad u faafid.

0

baahan

f mg4 (-hnaa, -hnayd)

1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.

0

baahasho

m f dh

Eeg: baaho²

0

baahawadaag

m dh kh

B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.

0

baahayn

m f dh

Eeg: baahee

0

baahee

f g2 (-heeyay, -heysay)

U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.

0

baahi

m dh

1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la'aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.

0

bąahi

f g2 (-iyay, -isay)

U b.: war dad badan u sheegid.