Words starting with 'B'
2,881 Somali words beginning with 'B' — page 12 of 29.
barkhadle
Qasiido haweenka u gaar ah oo la tiriyo munaasabadaha aroosyada.
barki
U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.
barkin
Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado, lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. ld barshin.
barkinwaraabe
Nooc jaadadka likaha ka mid ah oo la cuno. ld barshinwaraabe.
barko
Wax barkin ka dhigasho.
barlammaan
1. Urur dawladaha dimoqraadiga ahi leeyihiin xubnahiisana dadka ay soo doortaan, oo goo'aannada iyo sharciyada ansixiya. 2. Xarunta ay xubanaha baarlammaanka ku kulmaan. ld baarlamaan, baarlammaan, barlamaan.
barmaguur
(fiis.) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
barnaamij
Qoraal tusmeynayaa hawl la qabanayo nidaamkay u fulayso.
barnaan
ld barnaansho.
barnaansho
/dh ld barnaan.
barni
Nooc ka mid ah jaadadka timirta, midab bunni ah leh oo faradda u eg kase waaweyn.
barnoqod
Barta ugu sarreysa ama ugu hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar halka uu kulanka iska beddelo min kordhid ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid, iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa barta ugu sarreysa.
baro
1. Degaan lagu dhasho ama lagu dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro ciyaarta xayaadka.
barood
1. ld baroodid. Baabbacada uu geela sameeyo marka uu barwaaqeysanyahay. 2. B. ah: neef sii dhimanaya jirro awgeed.
baroodid
ld barood¹ (1), karood¹, karoodid.
baroole
Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
barooq
Mayrax la feeray oo aan weli wax lagu samayn.
baroor
Midab caddaan boor leh ah oo ay farduhu yeeshaan.
baroorasho
ld baroorad.
baroordiiq
/dh 1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.
baroordiiqid
in la baroordiiqo. eeg baroordiiq². ld baroordiiq¹ (1).
baroori
1. Ka b.: qof baroor ka keenid. 2. Meseggo aan geedkii ku bislaan goyn. ld baroorsii.
baroorin
ld baroorsiin.
barooro
1. Quwaaxa masaggada marka uu curdanka yahay ee aan la cuni karin. 2. Meseggo aan sabuulkeedii ku bislaan.
baroorsasho
ld baroorsi.
baroorso
Meseggo aan bislaan gurasho.
barqaceli
Waqti barqo ah xoolo si loo maalo guriga dib u keenid.
barqacelin
ld barqacelis.
barqagibin
Saacadaha ugu horreeya barqada.
barqalibaaxi
Goor barqo ah seexasho (nafley).
barqammaal
1. ld barqammaalid. Maalidda xoolaha baraqdii la maalo. 2. Waqti barqo ah oo xoolaha la maalo. 3. B. ah: caano waqtigaa barqada ah la lisay.
barqammaalid
ld barqammaal¹ (1).
barqanoqo
Nafley fooftay, goor barqo ah, hoygeeda dib u tegid.
barqanoqosho
ld barqanoqod.
barqaqabow
Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.
barqi
Xoolo inta aan la maalin subaxii daajin.
barqiirqiir
(fiis.) Xaaladda dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay isku cufnaanyihiin.Markaa, dareeraha heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.
barqo
Waqtiga u dhaxeeya subaxda iyo harka. ld barqimo, barqin¹.
barqo-kulul
Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
barqorraxeed
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.
barraah
Caws dhuudhuuban ee uu soo saaro roobka ugu horreeya ee da'a.
barraahsasho
ld barraahsad, barraahsi, barraaqsad, barraaqsasho.
barraahso
In muddo ah si caajisnimo ku jirto oo macno la'aan ah meel u fadhiisasho. ld barraaqso.
barraaji
Kala b.: wax laba qeybood oo isla'eg u kala dhambalmid.
barraajis
1. Geed caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh oo dhulka ku faafa. 2. Geed dhulka ku faafa,leh laamo dhaadheer oo jilicsan, caleemo balballaaran oo khudrad ahaan loo cuno.
barraaq
In muddo ah si macna la'aan meel u fadhiyid (qof).
barraaqdo
Cudur bushimaha ku dhaca oo caddeeya; biijo.
barrad
1. Xarig ka mid ah xargaha waaweyn ee doonyaha. 2. Dakhalka meesha ugu sarreysa ee uu farmaanku ugu xiranyahay.
barriiji
1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.
barriijin
ld barriijis. barriijis m.dh ld barriijin.
barriin
Dhar ama lacag gabar guur laga doonayo la siiyo.
barriiqo
Raadka uu wax sabiibixday dhulka ku reebo.
barroosin
Bir culus, afar ganood oo dib u laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda loogu rido kolka la joojinaayo. ld barroosi.
barsakhan
/dh Barwaaqo.
barshin
/dh ld barkin¹.
barsho
Nooc ka mid ah xanjo oo laga dhaliyo xabagbarsho.
bartame
Bar wax labo qeybood oo isla'eg u kala qeybisa. ld bartan.
bartilmaameed
1. Calaamad la isla wada yaqaan ama wax lagu aqoonsado. 2. Meel la isla wada yaqaan.
bartiree
Ciyaar turub iyadoo la hayo ka hor degid.
bartiyaqaan
Qof hantidiisa ama camalkiisa ku dheggan oo aan sida ku habboon uga faa'idaysan.
bartiyaqaannimo
Bartiyaqaan ahaansho.
baruur
Hilib intiisa aan ahayn oo dufanka leh.
barwaaqasooran
Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.
barwaaqaysan
Wax barwaaqo ku jira ahaansho (meel ama wax).
barwaaqaysnaan
ld barwaaqaysnaansho.
barwaaqaysnaansho
/dh ld barwaaqaysnaan.

