Words starting with 'B'
2,881 Somali words beginning with 'B' — page 23 of 29.
biyodhac-yar
Meel ama meelo isdaba taxan oo ah biyo shub ama biyo shubyo aan sidaa u waaweynayn.
biyogal
(daaw.) Meel haragga ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama malax.
biyoobid
ld biyow¹.
biyood
(c.nafl.) Degaan b. ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba ha ahaadee.
biyoole
1. Qof biyo dhaamiya oo dadka ka iibsha. 2. Baabuur boyaad saarantahay oo biyo lagu qaado.
biyuutanool
(kiim.) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool,CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.
bocool
1. Qolof adag oo nafley yaryar oo biyo ku nool ah galaan oo laga helo xeebaha iyo meelaha ay biyuhu ka guraan. 2. Meel calaacasha ama cagaha ka mid ah oo uu dhacaan khafiif ah galay marka cirid lagu socdo ama hawl adag gacnaha lagu qabto.
bocoolaggale
Nafley yar, biyo ku nool oo bocoosha gasha.
bocoolaggurad
Muran, akeekan. ld bocoolaggurasho.
bocoolaggurasho
ld bocoolaggurad.
bocoolagguro
Si diidmo iyo jikraar leh cid ugu jawaabid.
bocor
1.Miro aroorro leh oo sida qaraha u weyn oo la cuno. 2. B. ah: gabadh aad u qurxoon.
bog
/mg1 (-gay, -gtay) 1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay.
bogaad
U bogid; qiimayn.
bogaadi
U b.: cid hambalyo u jeedin.
bogaadin
ld bogaadis.
bogaadsi
Hambalyo.
bogcad
1.Dhasha fardaha iyo idaha inta aanay weli ababin. 2. Dhul yar oo bannaan.
bogdoox
1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.
bogdooxid
ld bogdoox¹ (4).
boggan
Wax la bogay ahaansho.
bogganaansho
/dh ld bogganaan.
bogla'
Nooc jaadadka malayga ka mid ah.
bogo
/mg3 (-gtay, -gatay) 1.(f.g) Cunto, cabid iwm ka dhergid. 2. Ka b.: arrin, hawl iwm ka baaraandegid; ka salgaarid.
bogsasho
ld bogsad, bogsi, bogsood.
bogsii
Wax buka caafimaadin.
bogsiin
ld bogsiis.
bogso
Wax caafimaaday noqosho. ld bogsoo.
bohol
Jeex hoos u dheer biyo iwm sameeyeen oo dhulka ku yaal.
boholaddumi
U b.: cabsi gelin iyo degniin cid loo jeediyo si ujeeddadeeda looga baajiyo. ld boholatus².
boholaddumin
ld boholaddumis.
boholatus
U b.: cid si ujeedadeeda looga baajiyo cabsi gelin.
boholatusid
ld boholatus¹.
boholyow
1. Dareen rabitaan oo ku dhasha qof marka wax uu jeclaa araggooda ka raago; hilow. 2. ld boholyoobid.
bohon
Orgi wan iwm oo aan wax boodi karin.
bohonnimo
Bohon ahaansho.
boji
Xaalad shaqo iyo dhib la'aan ku sugnaan (nafley); nasasho. ld bąji, beji.
bojiino
Xaalad shaqo iyo dhib la'aaneed oo nafley ku jirto; nasasho muddo laga nasto hawl. ld bojin.
bojin
ld bąjiino, bąjin, bejiino, bejin, bejis, bojiino.
boliis
Ciidan nabadgelyada gudaha ee dal qaabbilsan. ld bileys, biliis, booliis, buliis.
bolol
1. Qori iwm duugnimo ama bahal galay awgeed xorshashid. 2. Miro daawo iwm faadid ama xorshoshid.
bololid
ld bolol¹ (3).
bolshofiik
Hab siyaasadeed iyo fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka kaddib 1917.
boob
1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh hanti cid ka dhexeyso u qaadasho. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah hanti iwm cid uga qaadasho. 3. Dedejin (cunid, socod, iwm).
boobas
Habaas; boor.
boobe
1. Nooc banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha qaraha iyo sisinta oo bololiya.
boobid
ld boob¹ (4).
boobsii
Hawl si degdeg leh u qabasho.
boobsiin
ld boobsiis.
booc
1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.
boocaar
Nooc ka mid ah kalluun.
bood
Dhoobo cad, laga helo dhulka lakabyadiisa hoose ee biyaha u dhaw oo timaha iyo dharka lagu dhaqdo.
bǫod
1. Meel lagu taagnaa si dhaqso iyo xoog leh kor uga kicid iyaadoo lugaha hal mar la wada qaadayo. 2. Sac kudid (dibi). 3. Ka b.: wax qotoma dul marid iyadoo dhankeeda kale lagu dhacayo. 4. Kala b.: arrin iwm ku heshin waayid.
boodaami
Boodaan ka dhawaajin (geel).
boodaan
/dh (-aamo, m.l) Koor weyn oo geela loo xiro. ld buudaan.
boodal
Nin geesi ah.
boodayn
ld boorayn (2).
booddo
1. ld bootin. Si degdeg iyo xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo laba melood laysaga hawakaco. 2. Cayayaan yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda kale dhiigooda ku nool; qandhiso.
boodee
1. Bood dhar ku mayrid. 2. Bood timaha ku caddayn. ld booree (2).
boodh
(baay.) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.
boodhar
Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. ld boolbare, boolbire, bootar.
boodid
ǫod.
boodsol
Nooc carro oo astaan u ah gobollada leh cimilada cirif-hoosaad, oo ah ka ay ka baxaan inta badan dhirta dabiiciga ah ee caleen irbadleyda.
boog
Nabar caalir leh jirka muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.
boog-calooleed
(daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
boog-xiidmeed
(daaw.) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxaana keena asidhka caloosha. Waxaana u badan dadka noocooda dhiigga uu yahay kooxda “O”. Astaamaha: xanuun uurkujirtada marka calooshu marantahay; matagna waa jiri karaa.
boogadhaye
Qof boogaha iyo nabarrada fudud daaweeya. ld boogadhay.
boogaysan
Wax boog leh ahaansho.
boogaysnaan
ld boogaysnaansho.
boogaysnaansho
/dh ld boogaysnaan.
boogcalooleed
Nabar caloosha ka soo baxa. ld boogcaloolo.
boogee
Boog u yeelid (jir).
boogoobid
ld boogow¹.
boohaar
1. Cabbir u gaar ah beeyada oo u dhigma afar kiintaal. 2. Falxad. 3. B. ah: nafley aad u xoog badan.

