Qaamuuska Asalka
boog-calooleed
(-dyo, m.l)MagacDhexdhexaad
Macnaha
(daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
Erayo la-mid ah
boogNabar caalir leh jirka muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.boog-xiidmeed(daaw.) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxa…boogadhayeQof boogaha iyo nabarrada fudud daaweeya. ld boogadhay.boogaysanWax boog leh ahaansho.boogaysnaanld boogaysnaansho.boogaysnaansho/dh ld boogaysnaan.boogcalooleedNabar caloosha ka soo baxa. ld boogcaloolo.boogeeBoog u yeelid (jir).

