0

bisiq

m l

Eeg: dhisiq

0

biskoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Nafley jirranayd caafimaad helid.

0

biskood

m f dh

Eeg: biskoo

0

biskoodsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Caafimaadsiin.

0

biskoodsiin

m dh

Eeg: biskoodsii

0

bislaan

m f dh

ld bisayl (4), bislaansho.

0

bislaansho

m l

/dh eeg bislow. ld bislaan.

0

bislayn

m f dh

ld bislays.

0

bislays

m l

Eeg: bislayn

0

bislaysad

m l

Eeg: bislaysasho

0

bislaysasho

m f dh

ld bislaysad, bislaysi.

0

bislaysi

m l

Eeg: bislaysasho

0

bislayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.

0

bislee

f g2 (-leeyay, -laysay)

1. Cunto bisayl ka dhigid. 2. Arrin si aan go'aankeeda loogu dhibtoon u gogol xaarid.

0

bislow

f mg3 (-laaday, -laatay)

Wax bisil noqosho.

0

bismillaahi

e d

Bisinkii Alle qabsasho.

0

bismillee

f g2 (-leeyay, -leysay)

1. Bisin u qabsasho (cunto), dhadhamin. 2. (dii.) Bisin wax ku billaabid.

0

bismilleyn

m f dh

Eeg: bismillee

0

bisqan

m dh u

Timaha gumaarka dadka ka baxa; shuun. ld bisqin.

0

bisqanley

m dh

Meesha ay bisqintu ka baxdo; gumaar.

0

bisqin

m dh u

Eeg: bisqan

0

bisturi

m l (daaw.)

Middi yar oo takhtarku u isticmaalo qalliinka, lehna af qalloocan ama af toosan.

0

bitaamid

m f dh

Eeg: bitaan

0

bitaan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Ciid khafiif ah hawo ku baahid.

0

biti

m l

Nasiib; hoodo.

0

bitijor

m l (-rro, m.dh)

Karbuuno; tooj.

0

bitin

m f dh

Eeg: biti²

0

bito

m dh

Ciid jilicsan, buda ah oo ay dabayshu qaaddo.

0

bituuminas

m l (jool.)

Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6 % waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.

0

bixi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. ld bixi.

0

bixid

m f dh

Eeg: bax

0

bixin

m f dh

ld baxsiin, baxsiis (4), bixis.

0

bixis

m l

Eeg: bixin

0

bixitimid

m f dh

ld bixtin¹.

0

bixitin

m l

Tegidda meel laga tago iyadoo meel kale la aadayo. ld bixtimid.

0

bixiye

m l

Fandhaal weyn oo dabo dheer leh kana samaysan qori oo raashinka lagu gurto.

0

biyaano

m dh (muus.)

Qalabka muusikada jaadadkiisa waaweyn jaad ka mid ah oo codad aad u kala duwani ka soo baxan.

0

biyabbax

m l

Imaatinka minada labka iyo dheddiga marka ay isu galmoodaan. ld biyabbixid.

0

biyabbaxo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Meesha ay biyaha webiga ka fatahay ku faafaan. 2. Marka ay biyuhu webiga ka fatahmaan.

0

biyabbeel

m l

1. B. ah: badar la karinayo oo isaga oo aan weli bislaan biyihii ka dhammaadeen. 2. ld biyabbeelid.

0

biyabbeelid

m f dh

ld biyabbeel¹.

0

biyabbixid

m f dh

ld biyabbax¹.

0

biyabbiyayn

m f dh

Eeg: biyabbiyee

0

biyabbiyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Cunto cabbid iwm biyo ka badan ku darid.

0

biyabbiyo

m l

Eeg: biyabbiyood

0

biyabbiyoobid

m f dh

ld biyabbiyow¹.

0

biyabbiyood

m l kh

B. ah: wax biyo ka badan lagu daray ama biyaha u eg. ld biyabbiyo.

0

biyabbiyow

m l

Ku daridda badar lagu daro biya ka bateen noqosho. ld biyabbiyoobid.

0

biyabbooli

m l

Meel god ah oo biyaha daadku ku shubmaan oo aan buuxsamin.

0

biyaddiid

m l (-dyo, m.dh)

1. Neef aan biyaha cabbin marka uu wax qoonsado. 2. ld biyaddiidid.

0

biyaddiidid

m f dh

ld biyaddiid¹ (2).

0

biyadhac

f mg1 (-cay, -cday; -dhici)

Xoolo meel biyo leh ka harqasho.

0

biyadhaceen

m l

Qar sare oo biyaha ka degtaan. ld biyadhac¹ (1).

0

biyadhicid

m f dh

ld biyadhac¹ (4).

0

biyadhig

m l

Roob da'ay biyaha dhulka korkiisa uu kaga tago; xareed dhulka waran.

0

biyadhigid

m f dh

Eeg: biyadhig²

0

biyafariisad

m l

Eeg: biyafariisin

0

biyafariisin

m l (-nno, m.dh)

Dhul godan oo biyo qabatin leh. ld biyafariisad.

0

biyaggaleen

m l (-nno, m.dh)

Meel godan oo biyo qabatin leh.

0

biyajab

m l

Meesha biyaha webi, durdur, daad iwm ay ka kalago'aan.

0

biyajiid

m l (-dyo, m.dh)

1. Raadka daad ku reebo meel uu maray. 2. B. ah: rati muddo dheer la rarayey oo aan hilibkiisa la cuni karin adayg awgiis.

0

biyakuhar

m l (-rro, m.dh)

Balli.

0

biyamar

m l (-rro, m.dh)

Raadka uu roobka ku reebo meesha uu ku da'ay.

0

biyamarin

m dh

Si xoog leh oo roob meel ugu da'o.

0

biyamaris

m l

Roob xoog leh oo biyihiisu daad soo rogaan.

0

biyammacee

f g2 (-ceeyay, -ceysay)

Dhar saabuun lagu dhaqay biyo saafi ah ku raacin.

0

biyammaceyn

m f dh

Eeg: biyammaacee

0

biyammaddaadshe

m l kh (-shayaal, m.l/dh)

B. ah: rati hayin ah oo carruurta iyo maqasha la saaro marka la guuro.

0

biyammareen

m l (-nno, m.dh)

Jeex; tog; kanaal.

0

biyantooni

m l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh)

Nin shaqo-hoosaad ka qabta xafiisyada oo munshaar ku qaata. ld biyatooni.

0

biyantooniyad

m dh

Eeg: biyatooniyad

0

biyaqabad

m l (-dyo, m.dh)

Eeg: biyaqabatin

0

biyaqabatin

m l (-nno, m.dh)

Meel godan oo biyuhu fariistaan. ld biyaqabad.

0

biyarraaci

f g2 (-iyay, -isay)

Wax hore loo mayray biyo saafi ah oo wasakhda ka dhammeysa ku dhaqid.

0

biyarraacin

m f dh

Eeg: biyarraaci

0

biyashub

m l (-byo, m.dh)

Meel dabiici ama dad sameeyey ah oo ay biyuhu si habeysan uga daataan.

0

biyashubad

m l

Eeg: biyashubasho

0

biyashuban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

1. Meel ku wada shumbid. 2. Hadal ama arrin dulucdiisa meel isugu aruurmid.

0

biyashubasho

m f dh

ld biyashubad.

0

biyashubmid

m f dh

Eeg: biyashuban

0

biyashubo

f mg3 (-btay, -batay)

Ku b.: hadal arrin iwm dulucdiisa meel isugu uruurid.

0

biyatooni

m l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh)

Eeg: biyantooni

0

biyatooniyad

m dh (-do, m.l)

Haweeney ku munshaar qaadata shaqo-hoosaadka xafiisyada. ld biyantooniyad.

0

biyaxir

m l (-rro, m.dh)

Dhismo loogu tala galay in biyaha webiyada socodkooda lagu hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor loogu qaado. ld biyaxireen.

0

biyaxireen

m l (-nno, m.dh)

Eeg: biyaxir

0

biyayari

m dh

Eeg: biyayaro

0

biyayaro

m dh

Meel aan biyo badan lahayn. ld biyayari, biyayarood.

0

biyayarood

m l

Eeg: biyayaro

0

biyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

1. Wax biyo ku darid. 2. Wax biyo ka badan ku darid.

0

biyeyn

m f dh

Eeg: biyee

0

biyo

m l w (kiim.)

(H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. uumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.

0

biyo-dhuleed

m l (-dyo, m.dh)

(jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.

0

biyo-fadhis

m l (-syo, m.dh)

(juqr.) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.

0

biyo-fududayn

m dh (kiim.)

Ka saaridda ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo adkaanta biyaha.

0

biyo-galo

m l (daaw.)

Halaamacoodka maqaarka oo uu keeno fiirus waxaana lagu yaqaan finan yaryar oo biyo ku jiraan.

0

biyo-goboleed

m l (-dyo, m.dh)

(siyaa.) Jiid badeed ku qabsan xeebta oo loo aqoonsanyahay dhul ay leedahay ummadda xeebta deggani; maritaanka jiidda ee si nabad ah caadi ayaa loogu oggolyahay gaadiidbadeedka ummadaha oo dhan.

0

biyo-saar

m l (-ryo, m.dh)

(baay.) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.

0

biyobax

m l (-xyo, m.dh)

(c.nafl.) Shahwo ka soo bixidda guska oo kacsan.

0

biyoculus

m dh (-syo. m.dh)

Ceelasha la shubo meesha isha xigta.

0

biyodhac

m l (-cyo, m.dh)

(jool.) Dhicidbiyood degdeg ah, badanaa waxa sameeya sal dhadhaab adag ee marin webi, oo ufug ah ama tiiro hoosaad deggan, oo dul yaal dhadhaab jilicsan.