0

barwaaqayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid.

0

barwaaqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

Wax barwaaqo ka dhigid.

0

barwaaqo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Nolol aan cudur, gaajo iwm lahayn. 2. (w) Waqti roobeed oo uu dhulku doogganyahay.

0

barwaaqoobid

m f dh

Eeg: barwaqow

0

barwaaqow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Barwaaqo noqosho (dhul).

0

barxad

m dh (-do, m.l)

1. Goob bannaan oo dhismayaal hareeraha ka jiraan. 2. Cad dhulka ah, yar oo bannaan.

0

barxamid

m f dh

Eeg: barxan¹

0

barxan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Wax, wax aan la nooc ahayn ku dheehmid.

0

barxanaan

m f dh

ld barxanaansho.

0

barxanaansho

m l

/dh ld barxanaan.

0

barxasho

m f dh

ld barxad¹.

0

barxid

m f dh

Eeg: barax²

0

barxo

f g3 (-xaday, -xatay)

Caano, barax ka dhigasho.

0

baryaddilad

m l

Eeg: baryadilasho

0

baryaddilasho

m dh

Eeg: baryadilasho

0

baryaddilo

f mg3 (-ishay, -ilatay)

Eeg: baryadilo

0

baryaddoon

m l (-nno, m.dh)

Qof sabool ah oo kaalmo raadsasho ku jiro.

0

baryadilad

m l

Eeg: baryadilasho

0

baryadilasho

m f dh

ld baryaddilad, baryaddilasho, baryadilad.

0

baryadilo

f mg3 (-ishay, -ilatay)

Xoolo, calanaqsi samayn. ld baryaddilo.

0

baryaqaad

m l

Dib u raamsashada ay sameeyaan xoolaha calanaqsada. ld baryaqaadid.

0

baryaqaadid

m f dh

ld baryaqaad¹.

0

baryaysad

m l

Eeg: baryaysasho

0

baryaysasho

m f dh

ld baryaysad, baryaysi.

0

baryaysi

m l

Eeg: baryaysasho

0

baryayso

f g3 (-stay, -satay)

Baryo ama tuugsi u bixid.

0

baryid

m f dh

Eeg: bari³

0

baryo

m dh

Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo

0

baryood

m l

1. Cunto bariday. 2. Ciir aad u dhannaan oo aan la cabbi karin.

0

baryootamid

m f dh

ld baryootan¹ (2).

0

baryootan

m l

1. Baryo badan. 2. ld baryootamid.

0

bas

m l

1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.

0

basaas

m dh (-siin/-syo, m.dh)

1. Qof, sir cidi leedahay raadiya, una gudbiya cid kale oo ay dan u tahay. 2. Qof, sir dawladeed raadiya, una gudbiya dawlad kale; sirdoon.

0

basaasan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax basaasay ahaansho (timo).

0

basaasid

m f dh

Eeg: basaas³

0

basaasnaan

m f dh

ld basaasnaansho.

0

basaasnaansho

m l

/dh ld basaasnaan.

0

basaasnimo

m dh

Basaas ahaansho.

0

basaay

m l

Toogasho meel fog ah.

0

basal

m dh u

Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.

0

basalt

m dh (jool.)

Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.

0

basanbaas

m l

Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.

0

basanbaasi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid, basanbaas dhaxalsiin.

0

basanbaasid

m f dh

Eeg: basanbaas²

0

basanbaasin

m f dh

Eeg: basanbaasi

0

basar

m l

1. Hab iyo hannaan qof bulsho uu la noolyahay ula dhaqmo. 2. Tab iyo xeelad qof adeegsado si uu arrin ugu xalliyo. 3. ld basrid.

0

basari

m dh

Baali; areebo; arraajo.

0

basarikibir

m dh

Qab iyo isla weynaan ka muuqda haweeney baali ah.

0

basarin

m f dh

Eeg: basari²

0

basarlow

m l (-wyo, m.dh)

Qof caqli badan oo arrimaha si tab iyo xeelad ku jirto u xalliya.

0

basarxumaan

m f dh

ld basarxumaansho, basarxumi, basarxumo.

0

basarxumaansho

m l

/dh eeg basarxumow. ld basarxumaan.

0

basarxumi

m dh

Eeg: basarxumaan

0

basarxumo

m dh

Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. ld basarxumaan.

0

basarxumow

f mg3 (-maaday, -maatay)

Qof aan basar wacan lahayn ahaansho.

0

basarxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Qof aan basar wacan lahayn ahaansho.

0

basbaas

m l

Geed-nagaar la beerto oo dhala miro dhuudhuuban oo kulul oo cuntada lagu darsado. ld bisbaas.

0

bash

m l

Guddi ka kooban shan oday oo hoos yimaada dawladda ingiriiska.

0

bashaash

m l (-shyo, m.dh)

B. ah: nin bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.

0

bashaashad

m dh (-do, m.l)

B. ah: qof haween ah, bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.

0

bashaashnimo

m dh

Bashaash ahaansho.

0

bashaqle

m l (-layaal, m.l/dh)

(bot.) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.

0

bashbash

m dh

Barwaaqo badan.

0

bashiic

m l

Meel xirnayd oo in yar la furo si hawo ama iftiin uga soo galo. ld bishiic.

0

bashiican

f mg1 (-cmay, -cantay; -cmi)

Wax la bashiiciyey noqosho. ld bishiican.

0

bashiici

f g2 (-iyay, -isay)

Meel xirnayd in yar furid (albaab iwm). ld bishiici.

0

bashiicin

m f dh

ld bishiicin.

0

bashiicmid

m f dh

ld bishiicmid.

0

bashiicsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la bashiiciyey ahaansho (albaab iwm). ld bishiicsan.

0

bashiicsanaan

m f dh

ld bashiicsanaansho, bishiicsanaan, bishiicsanaansho.

0

bashiicsanaansho

m l

/dh ld bashiicsanaan.

0

bashiishad

m l

1. Neef la rabay in la ogaado kolkuu dhalayo, oo cidla ku dhala. 2. Arrin aan sidii la rabay noqon oo aan lagu liibaanin. 3. ld bashiishasho.

0

bashiishasho

m f dh

ld bashiishad (3).

0

bashiishirad

m l

Eeg: bashiishirasho

0

bashiishirasho

m f dh

ld bashiishirad.

0

bashiishiro

f mg3 (-day, -tay)

Si sahlan u dhalid (nafley).

0

bashiisho

f mg3 (-shaday, -shatay)

1. Si lamafilaan ah ugu dhalid meel aan la rabin (neef). 2. Arrin sidii loo qorsheeyey si ka duwan u dhicid.

0

basho

m dh (-ooyin, m.l)

Mukulaal; dummad; yaanyuuro.

0

bashuuqsad

m l

Eeg: bashuuqsasho

0

bashuuqsasho

m f dh

ld bashuuqsad, bashuuqsi.

0

bashuuqsi

m l

Eeg: bashuuqsasho

0

bashuuqso

f g3 (-saday, -satay)

Wax jilicsan oo afka laga buuxsaday calalin.

0

basid

m f dh

Eeg: bas²

0

baslayn

m f dh

ld basle (3).

0

basle

m l

1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan. 2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigan. 3. ld basleyn.

0

baslee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Basle samayn.

0

baso

m dh (-ooyin, m.l)

1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.

0

basoole

m l (-layaal m.l/dh)

Nin madaxa bidaar ku leh.

0

basowti

m l (basowti/-iyo, m.dh)

Nafley buuran oo aan tabar lahayn.

0

basowtinnimo

m dh

Basowti ahaansho.

0

basrid

m f dh

ld basar¹.

0

bastoolad

m dh (-do, m.l)

Hubka fudud nooc ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido. ld baastoolad.

0

bastooreyn

m dh (daaw.)

Kululeynta caano ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon daqiiqadood (30'), ama kulka la gaarsiiyo ila 72°C laguna hayo shan iyo toban daqiiqadood (15'), si loo dilo baktiiriyada ay ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.

0

bataato

m dh

Geed qudaarta la beerto ka mid ah oo leh bari macaan oo la cuno marka la karsho. ld baradho.

0

bataax

m l (-xyo, m.dh)

Ciid aad u jilicsan oo aan boor lahayn. ld batuux.

0

batac

m l

(1).

0

batacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: butucsan

0

batacsanaan

m dh

Eeg: butucsanaan

0

batacsanaansho

m l

/dh ld butucsanaan

0

batal

m l

/dh (-llo, m.dh) Meel bannaan oo aan dhir sare lahayn.