Words starting with 'B'
2,881 Somali words beginning with 'B' — page 10 of 29.
baraashirix
Midab ka kooban baro yaryar badan, midabbo kala duwan ah oo riyuhu yeeshaan.
barabbax
Barada lagu koray ka bixid; barakac.
barabbax-(dareere)
Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere.
barabbax-(Socod)
Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.
barabbixid
ld barabbax¹.
barad
1. Qof wax uusan aqoon barashadooda ku jira. 2. ld barasho.
baradhacsasho
ld baradhacsi.
baradhacso
Si kala daadsanaan ah u fariisasho (qof).
baradii-ku-noole
(baay.) Waxa lagu sharxaa noolaha dabeeco ahaan meel ku nool, ee aan la keenin meesha.
baraf
1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
baraf-dhagax
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
baraf-dhalaal
Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.
baraf-durduro
Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.
barafayn
Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
barafow
Baraf noqosho, aad u qaboobid.
barafuumaysan
Wax barafuun marsan yahay ahaansho.
barafuumaysnaan
ld barafuumaysnaansho.
barafuumaysnaansho
/dh ld barafuumaysnaan.
barafuumee
Wax barafuun marin.
barafuun
Hoore alkolo ku jirto; carfoon, ubax iwm ka samaysan oo la isku udgiyo.
barahaman
(dii.) Waxay ka mid yihiin wadaaddada ugu sareeya Hinduuga.
barakac
Colaad, faqrinnimo iwm awgeed meel uga guurid.
barakaysan
Wax barako leh ahaansho.
barakaysnaan
ld barakaysnaansho.
barakaysnaansho
/dh ld barakaysnaan.
barakayso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.
barakee
1. Wax barako u yeelid (Eebbe). 2. Cunno wax yar ka cunid. 3. Hanti yar tashiilid.
barakicid
ld barakac¹.
barako
1. Wanaag loo aayo oo laga helo wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.
barakow
1. Wax barako yeelasho. 2. Wax tarmid.
baraley
Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.
barambaro
Cayayaan midab bunni ah, geeso dhaadheer iyo lababaal oo khafiif ah oo qolof adag ku hoos jira leh oo ku nool musqulaha iyo meelaha qashinku yaallo. ld baranbaro.
barambarqo
Libaax dheddig; gool.
baramboorri
Neef geel ama lo' ah da' yar, oo buuran.
baran
Wax weel ku jira, bar noqosho.
barandi
Cayaari ama khaafiyad weyn, doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga shiraaca lagu duubo.
barannimo
Bare ahaansho.
baraq
Duub ulo jilicsan ah oo dhigaha aqal-Soomaaliga lagu xoojiyo.
baraqnuglaan
ld baraqnugeyl, baraqnuglaansho.
baraqnuglaansho
/dh eeg baraqnuglow. ld baraqnuglaan.
baraqnuglow
f.mg³ (-laaday, -laatay) Baraqnugul noqosho.
baraqnugul
f.mg⁴ (-glaa, glayd) Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.
barar
Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
bararan
f.mg⁴ (-rnaa, -rnayd) Meel jirka ka mid ah, wax bararay ahaansho.
barari
f.g² (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid.
bararis
Ciir in caano dhay ah lagu daray.
barariso
Cudur ku dhaca meel jirka ka mid ah oo barariya oo aan af lahayn.
bararnaan
ld bararnaansho.
bararnaansho
/dh ld bararnaan.
bararsan
f.mg⁴ (-naa, -nayd) Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah).
bararsanaan
ld bararsanaansho.
bararsanaansho
/dh ld bararsanaan, bararsanaansho
bararshe
Cudur dadka ku dhaca oo wejiga iyo oogadu la barbararto oo dab lagu daaweeyo.
baras
Cudur cuncun leh, oogada dadka ku dhaca oo caddeeya. ld barras.
barasaab
Qof dawlad u wakiilatay in uu gobol xukumo.
barashada-baali-nololeed
Cilmiga ku saabsan nolosha dhulka dushiisa waqtigii hore, taasoo aan ku ogaanayno barashada lafihii hore.
barashada-badweynada
Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iwm.
barashada-cilmiyadii
Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.
barashada-foosillada
Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.
barashada-gabowga
Barashada aqoonta ku saabsan isbeddellada ka dhaca jirka iyo maskaxda oo la socda gabowga iyo dhibaatooyinka la xiriira.
barashada-lakabyada-dhulka
(juqr.) Qayb juqraafiga ka mid ah oo wax ka sheegta siday isugu xigtay da'dii dhadhaabuhu sameysmeen.
barashada-unugga
Barashada dhismaha iyo shaqada unugyada.
barasho
ld barad (2).
barashuud
Dallaayad.
barax
1. B. ah: caano biyo ka yar lagu daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan xooluhu.
baraxume
Nooc libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta. ld barixume.
barbaar
Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
barbaari
1. Barbaar ka dhigid. 2. Jir, garaad, anshax iwm ee ubad, dhisid; korin; tababbarid.
barbaarid
ld barbaaris.
barbaariye
Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.
barbaarnimo
Barbaar ahaansho.
barbar
Dhinac. ld berber¹.
barbarafow
(fiis.) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.
barbarda'
Daruur biyeysan oo cirka badi ahaan qarisa.
barbardhac
1. ld barbartan 1. B. ah: labo qof, koox ka badan oo tartan ku kala badin waayey. 2. ld barbardhicid.
barbardhicid
ld barbardhac¹, barbarkadhac, barbarkadhicid, barbar.
barbardhig
Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iwm isu eegid. ld isbarbardhig².
barbardhigid
ld isbarbardhigid.

